Xafiiska Qarammadda Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS) ayaa u qabanaya kulan aqoon iswaydaarsi ah taliyayaashii hore ee Ciidamadii Qalabka siday ee Soomaaliyeed, waxaana shirka lagu marti gelinayaa magaca Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliyeed. Shirka waxaa lagu qabanayaa Washington DC inta u dhaxaysa 1-5 Agoosto 2009. Shirkan aqoon iswaydaarsiga ah waxa uu la xiriiraa shir hor-udhac [...]
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa qoraal ay maanta soo saartay ugu baaqday Xoghayaha Arrimaaha Dibadda ee Mareykanka Hillary Clinton inay diiradda saarto arrimaha xuquuqda aadamaha marka ay safarada ku soo kala bixinayso dalalka Africa. Safar siddeed maalmood ah ayay Clinton ku imaan doontaa dalalka Kenya, South Africa, Angola, Jamhuuriyadda dimoquraadiga Congo, Nigeria, Liberia, [...]
Continue reading …Warsidaha OCHA Somaliya cadadkii ugu dambeeyay ee 28-aad ayuu kaga hadlay xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya, wuxuuna warsiduhu u qornaa sidatan: Isbeddellada Guud ee ugu Muhiimsan 20kii Luulyo, saddex hay’adood oo kuwa Qaramada Midoobey ah – Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobey, Waaxda Qaramada Midoobey ee Bedqabka iyo Ammaanka (UNDSS) iyo Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya [...]
Continue reading …Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku qalabaysan gaadiidka dagaalka iyo hub tiro badan ayaa shalay soo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan. Ciidamadan ayaa wararku sheegayaan inay markiiba fariisin ka dhigteen isgoyska Kala-bayrka ee deegaanka Jawiil ee Gobolka Hiiraan, oo ay todobaa ka hor ka baxeen. Ciidamadan ayaan tiradooda si rasmi ah loo garanayn, basle dadka [...]
Continue reading …Sh. Shariif waxa uu mudooyinkii ugu danbeeyay caalamka ka dalbanayay in lala soo gaadho ciidan milatari oo dawladiisa difaaca. Sidoo kale qaar ka mida madaxda sar sare ee dawlada ku meel gaadhka ah ayaa iyaguna qaylo dhaano ay dawladaha caalamka u direen waxa ay ku waydiisteen dawladahaas in lala soo gaadho ciidan iyo saanad milatari [...]
Continue reading …Wakiilka Qarmada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla ayaa sheegay inaysan beesha caalamku aqbali doonin in xoog iyo dagaal lagu rido xukuumadda Soomaaliya. Axmed Walad Cabdalla oo maant ka qaybgalaya kulan Qaramada Midoobay ay uga hadlayso arrimaha Soomaaliya, ayaa wareysi ay BBC-du la yeelatay ku sheegay in sax tahay in Xukuumadda Soomaaliya uu u [...]
Continue reading …Nairobi (Alshahid) Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Mudane Maxmed Cumar Dhalxa ayaa maanta wareysi uu siiyay Alshaahid.net kaga halday kulankii ay shalay Baarlamanku ku yeesheen Muqdisho oo ay xilka kaga qaadeen shan ka mida xildhibaannada. Guddoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay in ragga xilka laga qaaday ay yihiin saaxiibadiis ay soo wada shaqeeyeen, isla markaana [...]
Continue reading …Wasaradda arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in Hillary Clinton ay Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed kula kulmi doonto magaalada Nairobi, ee dalka Kenya. Hillary Clinton ayaa noqon doonta mas’uulkii ugu sareeyay ee ka mida dowladda Mareynkanka oo la kulanta Madaxweynaha Soomaaliya Sh. Shariif. Tanna waxay qayb ka tahay siyaadadda [...]
Continue reading …Shan Xildhibaan oo ka mida Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa maanta laga xayuubiyay xilkii ay Baarlamaanka u hayeen, qaar kalena digniin ayaa loo soo jeediyay, kaddib kulan uu maanta Baarlamaanka ku yeeshay magaalada Muqdisho. Kulankaan oo ay ka soo qaybgaleen ila 301 Xildhibaan ayaa waxaa loo qaybiyay nuqul ku saabsan heshiiskii dhinaca xuduudaha badda ee dhex maray [...]
Continue reading …