Burcad badeed rasaas ku furay Diyaarad Mareykanku leeyahay.
Muqdisho (Alshahid) – Kooxo burcad badeed Soomaali ah ayaa saakay aroortii hore rasaas ku furay diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Mareykanka, sida lagu sheegay qoraal emailka lagu soo diray oo ay soo saareen ciidamadda badda ee Mareykanka. Burcadda ayaa markii ay rasaasta ku furayeen diyaradda waxay dul saarnaayeen doontii ay ku [...]
Axmed W. Cabdalla oo la hadlay qurbo joogta Soomaalida
Nairobi (Alshahid) – Qoraal aad u dheer oo ku soo beegay bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane Axmed Welad Cabdalla kula hadlay Soomaalida qurbo joogta ah. Qoraalkaan oo ah mid aad u dheer ayuu ergaygu uga hadlayaa arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, wuxuuna qoraalku u [...]
Dagaal ka dhacay Ex-control Afgooye
Muqdisho (Alshahid) – Kooxaha mucaaradka ayaa saakay dagaal ku ekaysiisy xarumaha ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin Ex- control Afgooye. Dagaalkaan oo aan waqti badan socon ayaa dhinacyada dagaalamayay aysan waxba iskula harin, daryanka madaafiicda ay isku adeegsanayeena wuxuu khalkhal geliyay dadkii barakacayaasha ahaa ee ku noolaa duleedka magaalada Muqdisho, kuwaasoo guryahooda uga soo cararay dagaallada [...]
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo xaqiijiyay baxsashada la haystihii Faransiiska.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa xaqiijiyay in uu Dowladda Soomaaliya u soo gacan galay mid ka mid ah Saraakiishii Faransiiska ahaa ee af-duubka loogu heystay Soomaaliya. Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xaaladda sarkaalkan ay tahay mid hagaagsan, wuxuuna ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo qaabkii uu [...]
Mid ka mida lahaystayaasha Faransiiska oo soo baxsaday
Muqdisho (Alshahid) – Mid ka mid lahaystyaashii Faransiiska oo ay gacanta ku hayeen kooxaha mucaaraadka ayaa ka soo baxsaday gacantooda. Lahaystahaan oo aan weli la shaacin soo baxsashadiisa ayaa la sheegayaa inuu iminka ku sugan yahay xarrunta madaxtooyada. xiriir aan la samaynay xafiiska madaxtooyada ayaa wuxuu inoo xaqiijiyay soo baxsashada lahaystahaasi, waxayna inoo sheegeen in [...]
Xildhibaannada Digil iyo Mirifle oo ka soo horjeestay qaabkii loo magacaabay wasiirrada
Xildhibaano iyo Wasiiro ka soo jeeda Beelaha Digil Iyo Mirifle ayaa maanta kulan ay ku qabteen magaalada Muqdisho kaga soo horjeestay qaabkii loo magacaabay golaha wasiirrada ee cusub. Xildhibaannada iyo Wasiirada Digil iyo Mirifle ayaa sheegay in qaabka loo qaybiyay Wasiirrada ay ka soo horjeeddo qaabka awood qaybsiga ee 4.5 ee xeerka u ah awood [...]
Baaritaan lagu bilaabay burcad badeeddii Masar la geeyay
Qahira (Alshahid) – Warar ka imaanaya magaalada Qaahira ayaa sheegaya in 8-dii burcad badeedda Soomaalida ee dhowaan xoogga ku kaxaysteen kalluumaysatadii Masaarida ayaa maanta la hor geeyay hay’adaha baarista ee dalka masar. Warka ayaa intaa ku daray in baaritaankan uu yahay mid u gaar ah Masaarida, ayna jirin dhinacyo caalami ah oo daneeya arrimaha burcadda [...]
Kenya: Wasiir dhallinyarada Soomaalida la hadlay
Nairobi (Alshahid) – Wasiirka Horumarinta Gobollada Waqooyi ee dalka Kenya Maxamed Ibraahim Cilmi “Maxamed Faay” oo wareysi gaar ah siiyay Alshahid.net ayaa ku celiyay mowqifkii dowladdiisa ee ahaa inaanay wax ciidan u diri doonin gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna uga digay dadka gobollada Waqooyi Bar ee ay Soomaalidu degaan inaysan faraha la gelin dagaallada Soomaaliya ka [...]
Wakiilka midawga Afrika ee Soomaaliya oo Hargaysa gaaray
Hargeisa (AlShahid) — Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicolas Bwakira ayaa gaaray Magaalada Hargeysa ee maamulka aan wali la aqoonsan ee Somaliland. Socdaalka Wakiilka ayaa qayb ka ah dadaal uu ku doonayo in uu ku xalliyo muranka u dhexeeya xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland oo u muuqda mid sii xoogaysanaya. Bwakira si wayn ayaa [...]
Soomaalida Australia oo soo dhaweeyay in la mamnuuco Al Shabaab
Melbourne (AlShahid) – Sheekha ugu sarreeya Jaaliyadda Soomaalida ku dhaqan dalka Australia ayaa taageeray go’aankii ay dawladda Australia ku gaartay in la mamnuuco kooxda Al –Shabaab isagoo sheegay in ay tani farriin cad u dirayso kooxaha ay suurto gal tahay in ay taageeraan. Sheekh Ciise Muuse oo ah Imaamka masaajidka Mary ee magaalada Melbourne ayaa [...]