رتب لخدمات احصائيات و ترتيب المواقع | شبكة الشاهد الإخبارية - احصائيات و ترتيب
Home » 2009 » September (Page 3)

Mareykanka oo siyaasiyiinta ugu cadcad Kenya u digay

Mareykanka oo siyaasiyiinta ugu cadcad Kenya u digay

Nairobi (Alshahid) – Dowladda Mareykanka ayaa digniin u dirtay 15 ka mida siyaasiyiinta uga sarreeyay dowladda Kenya, sidaasna waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi. Safiirka Mareykanka ee Kenya Michael Ranneberger ayaa maanta oo Khamiista ah sheegay inay fariin u direen 15 ka mida siyaasiyiinta Keyna ugu caansan, kuwaas oo [...]

Maxkamadda Gobolka Hiiran oo ku biirtay Xisbul Islaam

Maxkamadda Gobolka Hiiran oo ku biirtay Xisbul Islaam

Baladweyne (Alshahid) – Guddoomiyaha Maxkamadda  Islaamiga ee Gobolka Hiiraan Sheekh C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay magaalada Baladweyne ku sheegay inay ku biireen ururka Xisbul Islaam.  “Wixii maanta ka dambeeya waxaanu ka mid nahay ururka Xisbul Islaam,  hubkeena  iyo ciidankeenaba waxay ka mid yihiin Xusbukl Islaam” ayuu yiri  Sheekh C/raxmaan  oo [...]

Safaaradda Mareykanka ee K/Afrika oo hanjabaad awgeed loo xiray

Safaaradda Mareykanka ee K/Afrika oo hanjabaad awgeed loo xiray

Johannesburg – Safaaradda Mareykanku ku leeyahay magaalada Pritoria ee dalka  Koonfur Afrika ayaa albaabbada la isgu dhiftay kaddib markii ay soo gaareen hanjabaadyo uga yimid Alqaacidda. Kooxdan ayaa taleefan u soo dirtay Safaaradda Mareykanka maalintiii Isniinta, iyagoo ku hanjabay inay weerari doonaan dhismayaasha ay Marekanku ku leeyihiin Koonfur  Afrika oo ay ka mid tahay safaaradda [...]

Soomaalida oo noqotay magangelyoddoonka ugu badan ee Yurub galay

Soomaalida oo noqotay magangelyoddoonka ugu badan ee Yurub galay

Malta – Warbixin laga soo saaray jasiiradda Maalta ayaa lagu sheegay inay Soomaalidu tahay dadka ugu badan ee sanadkaan magangelyo weydiistay dalalka Yurub. 5,000 oo Soomaali ah ayay warbixintu sheegtay inay galeen Yurub, kuwaas oo badankooda magangelyo weydiistay dalalka Holland, Finland iyo Sweden. Waxay warbixintu intaa ku dartay in dadka soo gaaray Jasiiradda Malta 5% [...]

Sh. Xasan Turki oo ka soo horjeestay go’aankii maamulka Kismaayo

Sh. Xasan Turki oo ka soo horjeestay go’aankii maamulka Kismaayo

Muqdisho (Alshahid) – Sheekh Xasan Turki oo ah mid ka mida hoggaamiyeyaasha Islaamiyiinta ee wax ka xorreeyay magaalada Kismaayo ayaa si weyn uga soo horjeestay go’aankii ay shalay qaateen maamulka Kismaayo oo  ay sheegeen inay ku biireen maamulada Alshabaab Sh. Turki oo maanta shir jaraa’id oo khadka taleefanka ah ku qabtay isagoo jooga Muqdisho ayaa [...]

Yurub oo ka digtay in Soomaaliya noqon doonto sida Afganistaan.

Yurub oo ka digtay in Soomaaliya noqon doonto sida Afganistaan.

Qaramada Midoobay – Madaxa Midowga Yurub u qaabilsan horumarinta iyo gargaarka baniaadamnida ayaa shalay sheegay in Soomaaliya ay isku bedeli doonto “Afganistaanta cusub” haddii aysan dowladaha reer Galbeedku ay ku taageerin dowladda Soomaaliya wax kasta oo ka hor istaagaya in Alqaacidda ay saldhigyo ka samaysato Soomaaliya. Xukuumada Sh. Shariif ayaa waxaa weeraro kulul ku haya [...]

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la yeeshay Wariyeyaasha Qurba joogta ah ee Nairobi.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la yeeshay Wariyeyaasha Qurba joogta ah ee Nairobi.

Nairobi (Alshahid) – Wasiirka Warfaafinta  Dowladda KMG ee Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta magaaladda Nairobi kulan kula yeeshay qaar ka tirsan Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee qurba jooga ah magaalda Nairobi ee dalka Kenya. Wariyeyaasha kulanka la qaatay Wasiirka Warfaafinta ayaa waxaa hoggaaminayay Mudane Maxamed Cabdullaahi Siidi oo ay dhawaan wariyeyaasha qurba jooga ah u [...]

Dhimaalka Dhawaqa iyo Dhigaalka Af Soomaaliga!.

Afku waa kaydka Bulshadu wax ku ridato ama ay wax ku shubato, waa unugga dhawaqa, hadalka, malaynta, fekerka, iyo sheekada. Afku waa dhaxal sidaha bulsho walba, waxaa dhumucdiisa ku jirta waxa ay bulshadaas soo ahaan jirtay sooyaal ( Tagtada fog ) waxa ay tahay maantadaan la jooga (Casrigan) iyo waxa ay noqon doonto ayaaha dambe. [...]

Kufsiga haweenka oo Gaalkacyo ku soo kordhaya

Kufsiga haweenka oo Gaalkacyo ku soo kordhaya

Gaalkacyo – Dhibaatooyinka ka jira magaalada Muqdisho ayaa Caasha (ma aha magaceeda dhabta ah) ku kaliftay inay u cararto magaalada Gaalkacyo, iyadoo rumaysnayd in iyada iyo reerkeedaba nabadgelyo ku helayaan. Todobaad ka hor ayaa Caasha waxaa soo weeraray dablay hubaysan. “Waxay ahayd 5-tii galabnimo markii 3 nin oo hubaysan ay madaxa qori iga saareen kaddibna ay [...]

Maamulka Kismaayo oo ku biiray Alshabaab.

Maamulka Kismaayo oo ku biiray Alshabaab.

Kismaayo (Alshahid) – Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maamulkii halkaa ka dhisnaa ku biireen Xarakada Al-Shabaab. Afhayeenka maamulka Kismaayo Sh. Xasan Yacquub ayaa caddeeyay in maamulkooda uu hoos tagi doono wixii  hadda ka dambeeyay Alshabaab, sidoo kalena Sheekhu wuxuu sheegay in magacii maamulka Kismaayo la bedelay  loona bixiyay Wilaayadda Shabaabka ee Jubbooyinka [...]

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone