رتب لخدمات احصائيات و ترتيب المواقع | شبكة الشاهد الإخبارية - احصائيات و ترتيب
Home » 2009 » October (Page 3)

Qaramada Midoobay oo talaabo u qaadday dhinaca nabadda soomaliya

Qaramada Midoobay oo talaabo u qaadday dhinaca nabadda soomaliya

Nairobi (Alshahid) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay dadaal ku bixinayso howlaha nabadda Soomaaliya. Qaramada Midoobay ayaa sheegatay AMISOM iyo Dowladda KMG ahba u diyaarisay lacag (Trust Funds) oo faa’iidada ka soo baxdaa ay labadaasi qaybood uga faa’iidaysan doonaan sugidda amniga dalka. Mr. Lynn Pascoe, madaxa siyasadda ee Qaramada Midoobay  oo u suurogeli weyday inuu [...]

Laacib Soomaaliyeed oo wacdaro ka dhigaya Scotland…..!!!! (Sawiro)

Laacib Soomaaliyeed oo wacdaro ka dhigaya Scotland…..!!!! (Sawiro)

Feruz Islam waa Laacib da’ yar oo sidoo kale ka tirsan kooxda Celtic Glasgow ayaa noqday laacibkii ugu horeeyey ee loo xulo da’yarta 17 jirka ah ee xulka Scotland taasoo imanaysa kadib markii la dabaqay shuruucda cusub ee ku saabsan hal beega loo tixraacayo cida meteli karta xulka kasta oo ay dhowaantan soo rogtey Hay’adda [...]

11 Dowlado Carbeed oo go’aansaday la dagaallanka burcad badeedda Soomaaliya

11 Dowlado Carbeed oo go’aansaday la dagaallanka burcad badeedda Soomaaliya

Jeddah (Alshahid) – Kulan looga hadlayay arrimaha burcad badeedda Soomaalida oo ay isugu yimaadeen taliyayaasha ciidamadda badda ee 11 dowladood oo Carbeed kana  socday magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ayaa shalay soo gebageboobay. Wakaaladda wararka dalka Sacuudiga ayaa sheegtay in taliyayaasha ciidamada badda ee dowladaha khaliijka iyo dowladaha carbeed ee kulaala badda cas, oo kulankoodii [...]

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dib u heshiisiinta Liibiya

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dib u heshiisiinta Liibiya

Muqdisho (Alshahid) – Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mabda’a ahaan soo dhaweyneyso isku day kasta oo carbeed oo lagu xallinayo arrinta Soomaaliya. Mudane Daahir oo wareysi siinayay jariiradda Al-Sharqal Awsat ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aysan dowladda Liibiya ka helin war rasmi ah oo ku [...]

Soomaalida Uganda oo lagu soo jeestay

Soomaalida Uganda oo lagu soo jeestay

Kampala (Alshahid) -Dowladda Uganda ayaa qaadday tallaabooyinkii ugu horreeyay ee ay amaanka dalkeeda ku xoojinayso, kaddib hanjabaadii ka soo yeeray Ururka Alshabaab. Dowladda Uganda ayaashalay  ku dhawaaqday inay diiwaangelinayso dhammaan dadka Soomaalida ah, eek u dhaqan dalkeeda,  haddii ay yihiin socoto iyo haddii ay yihiin ay qaxooti yihiinba. Diiwaangelintaan ayaa timid kaddib markii ay kulan [...]

R/Wasaare Sharmaarke oo London gaary

R/Wasaare Sharmaarke oo London gaary

London (Alshahid) - Ra’iisal Wasaaraha Sooomaaliya, Cumar Cabdirashiid Sharmarke, ayaa booqasho ku tagay magaalada London ee dalka Ingiriiska. Booqashada Raiisal Wasaaraha oo ah mid rasmi ah ayaa wuxuu wadahadallo la yeelan doonaa qaar ka mida madaxda dowladda Ingiriiska. R/Wasaare Sharkaarke ayaa lagu wadaa inta uu joogo  London inuu khudbad ka jeediyo aqalka lagu magacaabo Chatham House. Mudane [...]

Alshabaab oo jawaab ka bixisay wadahadallo la sheegay inay Liibiya waddo

Alshabaab oo jawaab ka bixisay wadahadallo la sheegay inay Liibiya waddo

Muqdisho (Alshahid) – Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Max’uud Raage ‘Cali Dheere’ oo saxaafadda la hadalayay ayaa sheegay in wadahadal dhex maraa dhinacyada isku haya Soomaliya xalkeedu uu yahay fulinta shareecada Islaamka. “Cid kastaa oo wadda shareecada Islaamka, waa aqbalaynaa dib u sheshiisiinta ay keenaa” ayuu yiri Sh. Cali dheere oo isagoo jooga Aadan Yabaale, khadka [...]

Liibaya oo doonaysa inay dhexdhexaadin u furto Soomaalida

Liibaya oo doonaysa inay dhexdhexaadin u furto Soomaalida

 Tripoli – Wararka ka imaanya dalka Liibiya ayaa sheegaya in xukuumadda Qadaafi ay damacsan tahay inay shir dib u heshiisiin ah u qabato dowladda Soomaaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda. Xukuumadda Liibiya ayaa danaynaysa inay u fidiso gogol nabadeed  kooxaha isaga soo horjeeda arrimaha Soomaaliya, si loo dhameeyo khilaafka soo jiitamaya  ee u dhexeeya  kooxahaas. [...]

Dameero Dacwo Ah.

“Waxaan ku soo baxay buuq iyo sawaxan, markaan u kuurgalayna waxaan ogaaday in ay meesha isku haystaan Haweenay iyo Ninkeeda, Haweeneyda ayaa waxay ku doodeysaa “Ninkaan Dameerka ayuu silcinayaa, waxaana ogaaday in marka uu galo aagga ay ka taliyaan Xarakadda  Shabaabul Mujaahidiin in uu Liijaanka ka furo ,Dameerka marka uu ka soo baxna dib ayuu [...]

Jaban oo sheegtay in ay gargaareyso dowladda Soomaaliya

Jaban oo sheegtay in ay gargaareyso  dowladda Soomaaliya

Nairobi (Alshahid) – Dowladda Jaban ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay sidii ay gacan uga gaysan lahayd sidii dalka Soomaaliya loogu soo celin lahaa nabadda iyo kala dambaynta. Safiirka Japan ee Kenya Shigeo Iwatani, isaga oo ka hadlayay magaallada xadka Kenya iyo Soomaaliya ku taal ee Mandheera, xilli uu ku guda jiray bixinta tabbeelooyinka [...]

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone