رتب لخدمات احصائيات و ترتيب المواقع | شبكة الشاهد الإخبارية - احصائيات و ترتيب
Home » 2009 » November (Page 3)

FECNET oo siminnaar ku saabsan xuquuqda aadanaha qabatay

FECNET oo siminnaar ku saabsan xuquuqda aadanaha qabatay

Garowe (Alshabab) – Siminaar ku saabsan xuquuqda aadanaha oo ay soo qabanqaabisay Shabakadda Femail Education Centers Network (FECNET), ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal. Siminaarkan oo ay ka qeybgalayeen mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda Waxbarashada Puntland, dowladda hoose ee magaalada Garoowe, ururrada ka howlgala deegaannada Puntland, culimaa’udiin iyo saxafiin ayaa maanta ka [...]

Mucaaradka Yaman oo ciidan u qoranaya qaxootiga Soomaalida

Mucaaradka Yaman oo ciidan u qoranaya qaxootiga Soomaalida

Sanca (Alshahid) – Kooxda Xuutiyiinta ayaa waqooyiga dalka Yeman ka qoranaya si ay u shaqaaleeyaan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha si ay ugala qaybqaataan dagaalka ay kooxdaasi kula jirto dawladda Yemen. Danjiraha ururka Jaamacadda Carabta ee Muqdisho, Ibraahim Al-Shuweymi ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay, in dagaallada ka jira Soomaaliya ay ku qasbeen [...]

Golaha ammaanka iyo Burcad badeedda

Golaha ammaanka iyo Burcad badeedda

Nairobi (Alshahid) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qaadanaya go’aan ku saabsan sidii loo difaaci lahaa maraakiibta isticmaala Biyaha Soomaaliya, oo inta badan afduub kala kulma kooxo Burcad badeed ah. Bisha Diseembar ayaa la sheegay inuu si kama dambeys ah Golaha ammaanku u qaadan doono go’aankaasi, oo hadda 21 dal ay ku gudajiraan diyaarinta [...]

Yemen oo qabatay doon hub waday oo ka tagtay Soomaaliya

Yemen oo qabatay doon hub waday oo ka tagtay Soomaaliya

Sanca (Alshahid) – Ciidamada badda ee dalka Yemen ayaa gacanta ku dhigay doon hub wadday oo ka tagtay Soomaaliya, isla markaana ku sii jeedday dalka Yemen, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dalka Yemen. Warkaan oo ay qortay wakaalada wararka dalka Yemen ee SABA, ayaa lagu sheegay in doontaan oo ay la [...]

Puntland oo doon ka soo furatay Burcad badeedda

Puntland oo doon ka soo furatay Burcad badeedda

Boosaaso (Alshahid) – Ciidamada Ilaaliya xeebaha Maamulka Goboleedka Puntland ayaa la sheegay inay ku guuleysteen in ay xoog ku soo furtaan doon ay koox burcad badeed Soomaali ah ka qafaasheen meel u dhow xeebta degmada Eyl. Gaashaanle sare Afey Cali Xaashi ayaa sheegay in ciidamadoodu ay xoog ku soo furteen doon laga lahaa dalka Yemen [...]

Al-Shabaab: WFP waa inay raashinka ka iibsataa beeraleyda Soomaalida

Al-Shabaab: WFP waa inay raashinka ka iibsataa beeraleyda Soomaalida

Muqdisho (Alshahid) – Bayaan maanta ka soo baxay xafiiska la socodka arrimaha hay’adaha ajnabiga ah ee ururka Alshabaab ayaa lagu sheegay in la go’aamiyay in hay’adda WFP aanay dib dambe Soomaaliya u keenin raashin ay ka keentay dibadda, oo ay ka iibsato beeraleyda Soomaalida si loogu qeybiyo dadka u baahan. “Marka laga hadlayo howlaha ay [...]

Mareykanka: Soomaali lagu soo oogay dacwado argagixiso

Mareykanka: Soomaali lagu soo oogay dacwado argagixiso

Minnesota (Alshahid) – Xeer ilaalinta federaalka ee dalka Mareykanka ayaa sheegay inay soo gabagabeeyeen baaritaanno ay ku sameynayeen dad loo haysto argagixisannimo, oo ay Soomaali ku jirto, iyagoo ugu dambeyntiina dacwado ku soo oogay saddeed qof. “Xukuumadda Mareykanka waxay dambiyo ku soo oogtay sideed qof oo aysan midna gacanta ku heyn. Nin ka mid ah [...]

Shaqaalaha Qaramada Midoobay oo ka baxay meelo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya

Shaqaalaha Qaramada Midoobay oo ka baxay meelo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya

Nairobi (Alshahid) – Shaqaale ka tirsanaa Qaramada Midoobay ayaa shalay sababo la xiriira ammaankooda uga baxay deegaanno ka tirsan koonfurta Soomaaliya. Magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhex,e ayaa shaqaale ka tirsanaa hay’adaha samafalka iyo kuwa Qaramada Midoobay, waxa ay go’aansadeen inay si kumeel gaar ah uga baxaan halkaasi. Shaqaalaha isaga baxay gobolkaasi oo gaaraya [...]

Madaxweyne Shariif: Waan ka xumahay siday beesha caalamka uga gaabisay Soomaaliya

Madaxweyne Shariif: Waan ka xumahay siday beesha caalamka uga gaabisay Soomaaliya

Muqdisho (Alshahid) – Madxweynha Dowlada federaalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in weli ay beesha caalamka ka sugayaan taageeradii ay horay u ballanqaadeen ee ahayd in ay wax u qabanayaan Shacabka Soomaliyeed. Waxaa uu sidoo kale madaxweynahu soo hadal qaaday in ballanqaadyadaasi ay ka sugayaan dowlad ama hay’ad kasta oo horay ugu dhawaaqday in [...]

Masuuliyiinta Galmudug oo ka hadlay bambaanooyin lagu weeraray

Masuuliyiinta Galmudug oo ka hadlay bambaanooyin lagu weeraray

Gaalkacyo (Alshahid) – Masuuliyiinta maamulka Galmudug ee ka arrimiya dhanka koofureed ee magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay qaraxyo xalay lala beegsaday xarun ay ku lahaayeen magaaladaasi. Masuuliyiinta mamulka Galmudug ayaa waxaa ay saakay warbaahinta u sheegeen in qaraxyadaasii ay ka dambeeyeen sida ay sheegeen Al shabaab iyo Xisbul Islaam oo ay tilmaameen in uu dagaal [...]

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone