رتب لخدمات احصائيات و ترتيب المواقع | شبكة الشاهد الإخبارية - احصائيات و ترتيب
Home » 2009 » December (Page 3)

Saraakiil Soomaaliyeed oo waxbarasho ciidan ku dhameystay Uganda

Saraakiil Soomaaliyeed oo waxbarasho ciidan ku dhameystay Uganda

Kampala (Alshahid) – Saraakiil Soomaali ah oo dhallinyaro ah oo dhameysatay kulliyad ciidan oo ku taalla dalka Uganda, ayaa loo soo gababagabeeyay waxbarasho ay qaadanayeen muddo saddex sano ah. Saraakiishaasi milateri oo ka kala socday dalalka Soomaaliya, Uganda, Tanzania iyo Siiraliyoon, ayaa xaflad qalinjebin ah loogu qabtay academy-ga milateriga ee Kampala. Xafladdii qalin-jebinta ee saraakiishaasi, [...]

Tahriibayaan gaaray Yemen

Tahriibayaan gaaray Yemen

Sana’a (Alshahid) – Ku dhawaad 100 ruux oo tahriibayaal Soomaali ah ayaa shalay galinkii dambe gaaray xeebaha wadanka Yemen, kaddib markii ay safar kaga gudbeen gacan biyoodka Cadmeed. In ka badan 96 ruux oo tahriibayaal Soomaali ah oo la socday labo doomood ayaa gaaray xeebaha wadanka Yemen gaar ahaan gobolka Xatramuut. Saraakiil dhinaca ammaanka badda [...]

Somali Journalists Coalition Club in Sudan oo uu tababar u soo gabagaboobay

Somali Journalists Coalition Club in Sudan oo uu tababar u soo gabagaboobay

Khartoum (Alshahid) – Waxaa soo gabagaboobay tababar golaha Naadiga suxufiyiinta Soomaaliyeed ee dalka Sudan uga socday Jaraa’idka lagu magacaabo Alwifaq ee ka soo baxa wadanka Sudan gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Khartoum. tababarkasi oo socday 17kii ilaa 26kii bishan. Waa markii ugu horreysay oo tababar noocaan oo kale ah ay suxufiyiin Soomaaliyeed ku qaataan [...]

Mustaqbal ku Socda Qoys iyo Calan.

Waxaa maalmahan ummadda Soomaaliyeed aad u hareeyey si weyna loo hadal yahay Calanadda kala duwan ee ka soo ifbaxay wadanka Soomaaliya, meelaha dadka isugu yimaadaan ayaa waxaa ka jira guux ku aadan Calanada cusub ee qolo waliba suratay deegaanka ay gacanta ku hayso, dadka qaarkii ayaa leh “War Calankii Soomaaliya ee Buluuga ayaa dhalay Calanada [...]

Labadeyda maalmood mideen Dhimashada ka fakanayaa !!!

Sharaxa Cinwaanka: Oraahdaan waxaa iska leh Khaliifkii Rasuulka islamarkaasna ahaa inaadeerkiis oo haddana qabay gabadhiisii Faduma Binti Rasuul, sidaan ognhayba Cali Bin Abii Daalib RC. Wuxuu ahaa dadkii ugu cilmiga iyo Qadahaba badnaa saxaabada, sidoo kale waxayse dadka badankiisu ogeyn in asaga iyo wiilkiisii Xasan Bin Cali Bin Abii Dalib ay ahaayen kuwo xikmadu afkooda [...]

Burcad badeedda oo markab sii daayay

Burcad badeedda oo markab sii daayay

Muqdisho (Alshahid) – Koox Burcad badeed Soomaali ah ayaa sii daayay markabka laga leeyahay Shiinaha oo ay in muddo ah ku heysteen xeebaha Soomaaliya, kaddib markii ay qaateen lacago madax-furasho ah. Shirkadda iska leh markabka lagu magacabo De Xin hai ayaa laga soo xigtay inay Burcad badeeddu u sheegeen inay sii dayeen markabkii ay ka [...]

Burcad badeed la siiyay lacag madax-furasho ah

Burcad badeed la siiyay lacag madax-furasho ah

Muqdisho (Alshahid) – Koox Burcad badeed Soomaali ah oo haysata markab laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa la siiyay lacago madax-furasho ah, si ay u sii daayaan markabka iyo shaqaalaha la socda, sida ay sheegeen rag kooxdaas ka tirsan. Markabka oo ah nooca xamuulka ah ayaa lagu magacaabaa MV De Xin Hai, waxaana ku rarneyd dhuxul, [...]

Qarax ka dhacay Laascaanood iyo wafdi Kenya ah oo magaalada loo diiday

Qarax ka dhacay Laascaanood iyo wafdi Kenya ah oo magaalada loo diiday

Laascaanood (Alshahid) – Qarax lala beegsaday gaari nooca booliska ah ayaa xalay fiidkii ka dhacay magaalada Laascaanood, kaasoo sababay inuu dhaawacmo wiil yar oo 14 jir ah. Qaraxan ayaanay jirin cid loo soo qabtay iyo cid sheegatay inay ka dmabeysay, wuxuuna ka dhacay meel aan ka fogeyn halkii uu ka dhacay qaraxii lagu dilay taliyihii [...]

Maamul loo samaynayo Gobollada Koonfurta Soomaaliya

Maamul loo samaynayo Gobollada Koonfurta Soomaaliya

Doolow (Alshahid) – Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo saraakiil shir ku yeeshay degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa isku raacay in maamul goboleed loo sameeyo qaar ka tirsan gobollada koonfureed ee Soomaaliya. Dhawaan ayaa si toos ah loogu dhawaaqayaa maamulkaasi, sida uu warbaahinta u sheegay Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) oo afhayeen u ah guddiga shirka [...]

Suxufiyiin ku xirnaa Kismaayo oo la sii daayay

Suxufiyiin ku xirnaa Kismaayo oo la sii daayay

Kismaayo (Alshahid) – Labo wariye oo ka tirsanaa kuwa ka howlgala gudaha magaalada Kismaayo ayaa dib xorriyaddoodii u helay, kaddib markii laga daayay xabsi ay shalay u taxaabeen maamulka magaaladaasi. Wariyayaashan ayaa kala ah Maxamed Cabdi Colow oo magaalada Kismaayo wararka uga soo dira Raadiyo Banaadir oo Muqdisho ku yaalla iyo Raadiyo Garowe, iyo Qadar [...]

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone