رتب لخدمات احصائيات و ترتيب المواقع | شبكة الشاهد الإخبارية - احصائيات و ترتيب
Home » 2010

Gobolka Banaadir oo ku guulaystay tartanka koobkii gobollada Soomaaliya

Gobolka Banaadir oo ku guulaystay tartanka koobkii gobollada Soomaaliya

Garowe (Alshahid)-Kooxda kubada cagta ee gobolka Banaadir ayaa galabnimadii maanta ku guulaystay goobka gobollada dalka Soomaaliya oo dhawaanahan ka socday xarunta maamul goboleedka Puntland ee Garowe. Gobolka Banaadir ayaa ciyaartii fiinaalka kaga badiyay 1-0 kooxdii ka socotay gobolka Bari. Ciyaarta galabta ayaa ahayd mid aad u xiiso badneyd, waxaana gobolka Banaadir uu goolka la hormaray [...]

Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna oo ku baaqay in la gaar gaaro dadka abaaruhu ku dhufteen Zakadana la baxsho

Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna oo ku baaqay in la gaar gaaro dadka abaaruhu ku dhufteen Zakadana la baxsho

Muqdisho (Alshahid)- Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Waljameeca ayaa ka hadlay faa’idada xilligan ay leedahay Zakada, iyagoo tibaaxay in dadka wax alle siiyay looga baahan yahay inay Zako ka baxshaan maalkooda oo ay ku kaalmeeyaan dadka masaakiinta ah. Bayaan ka soo baxay culumaa’udiinka ayaa lagu sheegay in waqtigan ay tahay xilliga ugu adag ee dalka ku [...]

Maxamed Dheere oo dhaliilay maamulka gobolka Banaadir

Maxamed Dheere oo dhaliilay maamulka gobolka Banaadir

Muqdisho (Alshahid)-Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa dhaliil xoogan dusha uga tuuray maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG ah, waxaana uu ku baaqay in loo sameeyo miisaaniyad la isku ogyahay. Maxamed Dheere oo wareysi siiyay Idaacada Shabelle ayaa sheegay in dhaqaale aad u badan uu maamulka gobolka Banaadir ka helo [...]

Cidamadii dowladda KMG ah u joogay degmada Doolow oo hubka laga dhigay

Cidamadii dowladda KMG ah u joogay degmada Doolow oo hubka laga dhigay

Balad Xaawo (Alshahid)-Ciidamada dowladda KMG ah ee ku sugan degmada Doolow ee gobolka Gedo, ayaa dhawaan waxaa hub ka dhigis ku samaysan dowladda Itoobiya kadib markii is afgaran waa uu dhexmaray sida uu saxaafada u sheegay sarkaal katirsan Ahlu Sunna Waljamaaca oo xulafo la ah dowladda KMG ah. Sarkaalka oo ka gaabsaday in magaciisa uu [...]

Hogaamiyaha Alshabab oo ka hadlay midowga labada dhinac iyo shirqoolo uu sheegay

Hogaamiyaha Alshabab oo ka hadlay midowga labada dhinac iyo shirqoolo uu sheegay

Muqdisho (Alshahid)-Hogaamiyaha xarakada Alshabab, Mukhtaar Cabdiraxman Abuu Zubeyr ayaa markii ugu horaysay ka hadlay ku biiritaanka ururkii Xisbul Islam uu ku biiray xarakada Alshabab iyo shirqoolo uu tilmaamay in laga maleegayo gudaha iyo dibada Soomaaliya. Abuu Zubeyr ayaa fariin maqal ah oo uu soo gaarsiiyay warbaahinta ku sheegay in midowga Alshabab iyo Xisbul Islam uu [...]

Ra’iisal wasaare Farmaajo oo beeniyay in xukuumadiisa ay wax heshiis ah la gashay shirkado shisheeye

Ra’iisal wasaare Farmaajo oo beeniyay in xukuumadiisa ay wax heshiis ah la gashay shirkado shisheeye

Muqdisho (Alshahid)-Ra’iisal wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta baarlamaanka KMG ah ka hor sheegay in xukuumadiisa aysan wax heshiis ah la galin shirkado shisheeye. Ra’iisal wasaaraha ayaa maanta baarlamaanka u hortagay si uu uga jawaabo su’aalo ay xildhibaanada ka weydiiyaan heshiis la sheegay in dowladda KMG ah ay la [...]

Ciidamada AMISOM oo cambaareeyay duqayn shalay ay ku dhaawacmeen dad rayid ah

Ciidamada AMISOM oo cambaareeyay duqayn shalay ay ku dhaawacmeen dad rayid ah

Muqdisho (Alshahid)-Taliska ciidamada AMISOM ee Muqdisho u jooga ilaalinta dowladda KMG ah ayaa si kulul u cambareeyay madfac shalay ku dhacay xarunta Xalane halkaas oo ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo rayid ah. Xaruntii hore ee Xalane ayaa waxaa ku yaala fariisin ay ciidamada AMISOM leeyihiin isla markaana uu ka dhex dhisan yahay cisbital ay [...]

Dowladda KMG ah iyo Alshabab oo ku dagaalamay gobolka Hiiraan

Dowladda KMG ah iyo Alshabab oo ku dagaalamay gobolka Hiiraan

Balad weyne (Alshahid)-Wararka ka imanaya deegaanka Kala bayrka ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay uu halkaas dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda KMG ah ee halkaas fariisinka kuleh iyo xoogaga Alshabab. Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inuu socday ku dhowaad nusu saac, waxaana markii dambe goobta kusoo haray ciidamada dowladda KMG ah ee horay usii [...]

Maraykanka oo uga digay muwaadhiniintiisa u safrida Soomaaliya

Maraykanka oo uga digay muwaadhiniintiisa u safrida Soomaaliya

Washington (Alshahid)-Xukuumada Washington ayaa Arbacadii shalay soo saartay digniin ku aadan muwaadhiniinta dalkeeda uu doonaya inay u socdaalaan dalka Soomaaliya. Wasaarada arrimaha dibada ee Maraykanka ayaa sheegtay in xaalada amaan ee Soomaaliya ay tahay mid khatar ah isla markaana Maraykanku uusan safaarad ku lahayn Soomaaliya. Warka kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada ee Maraykanka ayaa lagu [...]

Xildhibaanada Soomaaliya oo maanta ansixiyay miisaaniyada dowladda ee sanadka 2011

Xildhibaanada Soomaaliya oo maanta ansixiyay miisaaniyada dowladda ee sanadka 2011

Muqdisho (Alshahid)-Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay miisaaniyada dowladda KMG ah ee sanadka 2011 kadib dhowr fadhi oo lagu guul daraystay ansixintaas. Wasiirka maaliyadda iyo lacagta Xuseen Cabdi Xalane oo kullanka goob jooge ka ahaa ayaa xildhibaanada codaynta ka hor ka codsaday inay meel mariyaan miisaaniyada si dowladda KMG ah ay howlaheeda u [...]

Page 1 of 223123Next ›Last »

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone