Home » 2010 » January
Shir madaxeedka Midowga Afrika oo maanta furmay

Shir madaxeedka Midowga Afrika oo maanta furmay

Addis Ababa (Alshahid) – Shir madaxeedkii 14aad ee ururka Midowga Afrika ayaa maanta ka furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaasoo ay ku sugan yihiin madaxweynayaal badan oo ka socda dalalka Qaaradda Afrika. Shirkan ayaa madaxda ka qeybgalaysa waxaa ka mid ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, guddoomiyaha xilligan ee Midowga [...]

Dowladda oo ku celisay inay wax ka qaban doonto ammaanka dalka

Muqdisho (Alshahid) – Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale sheegtay inay wax ka qaban doonto dhibaatooyinka ammaan-darri ee dalka ka jira, kuwaasoo ay tilmaantay inay shacabka ku hayaan kooxaha dowladda ka soo horjeeda. C/raxmaan Ibbi oo ah Ra’isul wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa isagoo la hadlayay idaacadda dowladda wuxuu tilmaamay inay [...]

Continue reading …
Ban Ki-Moon: Qorshaha kuma jirto ciidamo caalami ah oo loo diro Soomaaliya

Addis Ababa (Alshahid) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, ayaa sheegay in inta ay colaaduhu ka sii socdaan Soomaaliya aan loo diri doonin ciidamo caalami ama kuwa ka socda Qaramada Midoobay. Ban Ki-Moon ayaa sheegay in dagaallada hadda ka socda Soomaaliya lagu joojin karo iyadoo la awoodgeliyo ciidamada Soomaalida ee booliska iyo millateriga, [...]

Continue reading …
IGAD oo ku baaqday in la taageero dowladda Soomaaliya

Addis Ababa (Alshahid) – Urur goboleedka IGAD ayaa beesha caalamka u soo jeediyay in la kordhiyo tallaabooyinka lagu taageerayo dowladda Soomaaliya, si ay ugu guuleysato howsha ay u xilsaaran tahay ee ah inay wax ka qabato xaaladda cakiran ee dalka. Wasiirrada arrimaha dibadda IGAD oo kulan ku qaatay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya [...]

Continue reading …
Qaramada Midoobay oo waxbarashada ka caawineysa Soomaaliya

Muqdisho (Alshahid) – Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya ka taageraysa dhinaca waxbarashada, arrintaasoo ay ka wadahadleen wasaaradda hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya. Wasiirka Hiyaddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa sheegay in si ay wax ugu qabtaan ardayda Soomaaliyeed ay dadaal dheeraad ah u galeen sidii ay ugu heli lahaayeen waxbarasho [...]

Continue reading …
Maamulka Somaliland oo shirkadaha isgaadhsiinta amar ku soo rogay

Hargeysa (Alshahid) – Maamulka Somaliland ayaa amar ku soo rogay shirkadaha isgaarsiinta ee ka shaqeeya deegaannadooda, amarkaasoo ah inaanay kaararka moobaylada siinin cid aanay tixraac ka heyn. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Somaliland Cali Maxamuud Axmed oo u warramay Radio Hargeysa ayaa sheegay inay arrintaasi u sameynayaan si loo hanto ammaanka, maadaama ay halis dhinaca nabadgelyada [...]

Continue reading …
Madaxweyne Shariif oo Addis u safray

Muqdisho (Alshahid) – Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport, si uu ugu biiro madaxweynayaasha Afrika ee Addis Ababa kaga qeybgalaya shir midaxeedka Midowga Afrika. Shirkani oo ah kii 14aad ee si caadi ah ay u yeeshaan madaxwaynayaasha Midowga Afrika ayaa [...]

Continue reading …
Markab ku gubtay dekedda Muqdisho

Muqdisho (Alshahid) – Wararka aanu ka heleyno dekedda wayn ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in lagu guuleystay in la damiyo dab qabsaday markab dhuxul siday oo ku gubtay dekedda wayn ee magaalada Muqdisho. Markabkan oo laga leeyahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa lagu magacaabaa MV Al-Marjan, waxaana ku rarnaa xamuul dhuxul ah oo uu ka [...]

Continue reading …
Wasiirro uu aqoon iswaydaarsi uga socdo Jabuuti

Jabuuti (Alshahid) – Wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa dalka Jabuuti waxaa uga soconaya aqoon iswaydaarsi ku saabsan caqabadaha ka hor yimid dowladda muddada sanadka ah ee ay jirtay. Aqoon iswaydaarsigani ayaa waxaa ka qeybgalaya 7 wasiir oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, waxaana ay wararku sheegayaan inuu maanta soo gebageboobi doono, isla markaana ay wasiirradu [...]

Continue reading …
Shir madaxeedka Midowga Afrika oo berri furmaya

Addis Ababa (Alshahid) – Shir madaxeedka ururka Midowga Afrika ayaa maalinta berri ah ka furmaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo maanta dalkaasi laga dareemayo diyaargarowga loogu jiro shirka. Madaxweynayaasha dalalka Afrika ayaa ku sii qulqulaya magaalada Addis Ababa si ay shirkaasi uga qeybgalaan, waxaana shalay halkaasi gaaray qaar ka mid ah madaxweynayaasha Afrika. [...]

Continue reading …
Page 1 of 16123Next ›Last »