رتب لخدمات احصائيات و ترتيب المواقع | شبكة الشاهد الإخبارية - احصائيات و ترتيب
Home » 2010 » January (Page 16)

UN-ka oo ballanqaadyo ku saabsan ixtiraaminta wadciga qaxootiga ka helay hogaanka fallaagada Dalka Afrikada Dhexe

UN-ka oo ballanqaadyo ku saabsan ixtiraaminta wadciga qaxootiga ka helay hogaanka fallaagada Dalka Afrikada Dhexe

Bangi (Alshahid) – Hogaamiyaha ciidamada qaramada middoobe ee ka jooga dalka afrikada dhexe ayaa ka helay hogaanka falaagada dalkaasi balan qaadyo ku saabsan ixtiraaminta xquuqda qaxootiga, xilli ay sii kordheyso amni darida ka jirta waqooyiga bari ee dalkaasi. Ciidamada qaramada midoobe ayaa ilaaliya xero qaxootiyeed oo ku taala waqooyiga bari dalkaasi , laga soo bilaabo [...]

Al-Shabaab oo dhuullatus ciidan ku sameeyay Muqdisho

Al-Shabaab oo dhuullatus ciidan ku sameeyay Muqdisho

Muqdisho (Alshahid) – Ururka Al-Shabaab ayaa maanta dhoollatus ciidan ku soo bandhigay magaalada Muqdisho, iyadoo saraakiil ururkaasi ka tirsanna ay la hadleen ciidamadaasi, ayna sharraxeen qorshayaashooda. Boqollaal ciidamo ah oo ka tirsan Al-Shabaab oo loo gabagabeeyay tababarro iyo gaadiidka dagaalka ayaa dhoollatus ku sameeyay xerada Maslax ee degmada Heliwaa, halkaasoo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ay [...]

Gole Dhexe oo looga dhawaaqay shirka Ahlu Sunna

Gole Dhexe oo looga dhawaaqay shirka Ahlu Sunna

Caabudwaaq (Alshahid) – Gole Dhexe oo ay yeelanayaan culimaa’uddiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa looga dhawaaqay kulanka uga socda magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Golahan dhexe oo ka kooban ku dhawaad 40 xubnood ayaa waxaa guddoomiye loogu doortay inuu u noqdo Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir Aadan, Gudoomiye ku xigeenka koowaad waxaa loo doortay Sheekh C/laahi Cabdi [...]

Sanadkii tagay iyo saxafiyiintii lagu dilay Soomaaliya

Sanadkii tagay iyo saxafiyiintii lagu dilay Soomaaliya

Muqdisho (Alshahid) – Sanadkii tegay ee 2009 ayaa Soomaaliya lagu dilay ilaa 8 saxafi oo intooda badan ka shaqeynayay warbaahinta gudaha, iyadoo ay jiraan kuwa kale oo la dhaawacay. Wariyayaasha ka howlgala gudaha Soomaaliya ayaa dhibaatooyin badan kala kulma kooxaha siyaasadda isku diiddan, iyadoo loo geysto dilal, dhaawacyo, jir-dil iyo hanjabaadyo ka dhan ah shaqadooda, [...]

Soomaliya oo lagu wareejiyay maraakiibteedii hore

Soomaliya oo lagu wareejiyay maraakiibteedii hore

Muqdisho (Alshahid) – Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay qaar ka mid ah maraakiibtii hore ee Soomaalida, kuwaasoo ay haysay dowladda Yemen, sida ay sheegeen mas’uuliyiin dowladda ka tirsan. Shan markab oo ah nooca kalluumeysiga oo ay lahayd dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa xukuumadda Yemen waxay ku wareejiyay dowladda hadda ka jirta Soomaaliya, sida uu saxaafadda [...]

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone