Sacuudiga: Shil gaari oo ay dad Soomaali ah ku dhinteen
Jeddah (Alshahid) – Shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuuudiga ayaa waxaa uu sababatay dhimashada saddex qof oo Soomaali ah iyo dhaawaca saddex kale. Dadkii shilkaasi ku dhaawacmay ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla Jeddah, halkaasoo lagu daweynayo. Shilkaani ayaa la sheegay inuu ka dhashay kaddib markiii gaariga oo xawli [...]
Ra’isul wasaaraha Kenya: Dowladdeenu ma amrin qafaalka Soomaalida
Nairobi (Alshahid) – Ra’isul wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in howlgalkii dhawaan ciidamadu ay ku soo qabqabteen dadka ajaanibta ah ee dalkaasi ku nool oo ay ku jirto Soomaalidu, aanu ahayn amar ka soo baxay xafiiskiisa. Guddi ka socday Soomaalida ku nool Kenya iyo kuwa deegaanka ka soo jeeda, ayaa la kulmay Ra’isul wasaaraha [...]
Boosaaso oo uu qarax ka dhacay
Boosaaso (Alshahid) – Qarax miino ayaa barqannimadii maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaasoo ay ku dhaawacmeen 3 ruux oo rayid ah. Qaraxani ayaa ka dhacay waddada isku xirta xarunta madaxtooyada ee waqooyiga magaalada Boosaaso iyo dekedda magaalada, waxaana qaraxa lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamada booliska ee maamulka Puntland. Goobta [...]
Maamulka gobolka Banaadir oo u baaqay WFP
Muqdisho (Alshahid) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay hay’adda cunnada adduunka ee WFP inay dib ugu soo laabato deegaannada koonfurta Soomaaliya oo ay horay uga joojisay howlihii samafalka. C/salaan Daahir C/lle oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee arrimaha siyaasadda iyo bulshada ee maamulka gobolka Banaadir ayaa mar uu u warramayay Radio Muqdisho wuxuu [...]
Xaflad soo dhaweyn iyo Dardaaran ah oo loo sameeyey Xulka Qaranka Soomaaliyeed
Muqdisho (Alshahid) – Munaasand si heer sare ah loo soo agaasimey laguna soo dhaweynayey Xulka Qaranka soomaaliya oo dhawaan Guul ka soo hooyey kulankii ay la yeesheen Xulka Jabuuti ayaa lagu qabtey Hotelka Naasa Hablood Two waxaana ugu horeyn halkaa warbixin ka soo jeediyey Abuukar Islow oo ka mid kaaliyayaasha Xoghaya xiriirka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha xiriirka [...]
Mareykanka iyo Jabuuti oo ka wadahadlay arrimaha Soomaaliya
Jabuuti (Alshahid) – Kaaliyaha Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka ee dhinaca arrimaha amniga caalamka, Alexander Vershbow, ayaa booqasho ku tagay dalka Jabuuti, isagoo kulamo la qaatay madaxda ugu sarsareysa dalkaasi. Alexander Vershbow ayaa sheegay in Mareykanku uu sii wadayo isagoo ballaarinaya kaalmada dhinaca farsamada ee ay siiyaan dowladda Soomaaliya. Sidoo kale sarkaalkaasi ayaa sheegay inay ka shaqeyn [...]
47 Xildhibaan oo Yurub iska dhiibay
Nairobi (Alshahid) – Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka hadda jira ayaa la sheegay inay qaab qaxootinnimo ah isaga dhiibeen dalalka Yurub, kaddib markii ay halkaasi ku tageen howlo shaqo. Xildhibaannadan ayaa ka codsaday dalalka Yurub ee ay iska dhiibeen inay siiyeen magangelyo iyo degenaasho. Cali Baashi Xaaji Maxamuud oo horay u soo noqday guddoomiye ku xigeenka [...]
Qarax ka dhacay saldhiga ugu weyn AMISOM ee Muqdisho
Muqdisho (Alshahid) – Xalay ayaa qarax waxa uu ka dhacay saldhigga ugu weyn ee ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, halkaasoo sidoo kale uu ku yaallo isbitaal ay ciidamada Midowga Afrika ku daaweeyaan Soomaalida u baahan gargaarka caafimaad. Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, Brighye Bahuko ayaa u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee [...]
Yurub oo Soomaaliya u tababaraysa 2 kun oo askari
Brussels (Alshahid) – Midowga Yurub ayaa isku raacay inay Afrika u diraan koox gacan ka geysata tababar la siiyo 2 kun oo askari, oo loo tababarayo dowladda Soomaaliya. Dowladda Spain ayaa hoggaamin doonta howl ay 200 oo askar Yurubiyaan ah ku fadhiisan doonaan xerooyin tababar lagu siinayo askarta Soomaalida, oo ku yaalla dalalka Uganda iyo [...]
Dallada SOYDEN oo tababar ku saabsan ka hortaga AIDS-ka u furtey dhalinyaro
Muqdisho (Alshahid) – Waxaa maanta laga furey Hotel Ambassador tababar ku saabsan sida ugu haboon ee looga hortegi karo cudurka HIV-AIDSka, wuxuuna tababarkaan uu socon doonaa muddo shan maalmood ah. Tababarkaan ayaa loogu tala galey dhalinyarada ku nool gobalada Koonfurta iyo Bartama Soomaliya, si ay uga faaiidaystaan qataraha uu cudurkaan uu u leeyahay Bulshada iyo [...]