Britain oo aan madax furasho u ogoleyn Burcad badeedda
London (Alshahid) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain ayaa xaqiijisay, in mowqifkeedu uu yahay inaan lacag madax furasho ah la siinin kooxda Burcad badeedda ah, si ay u sii daayaan lammaane dalkaasi u dhashay oo ay heystaan. Muuqaallo siyaabo kala gooni goonni ah looga soo duubay ayaa Rachel iyo Paul Chandler, waxay dowladdooda uga codsadeen [...]
Shabaab oo shaaciyay iskaashiga kala dhaxeeya Al-Qaacidda
Muqdisho (Alshahid) – Ururka Al-Shabaab ee dagaalka kala soo horjeeda dowladda Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ee Muqdisho ka howlgala, ayaa shaaca ka qaaday inuu iskaashi kala dhaxeeyo ururka Al-Qaacidda. Bayaan uu shalay soo saaray ayuu ururku ku yiri “jihaadka ka jira Geeska Afrika waa waajib inuu qeyb ka noqdo jihaadka [...]
Shariif: Mar Kasta Ma Qob Moosaa Laguu Dhigayaa!!
Nin odey ah oo si aad ah ula socda xaaladda Soomaaliya ayaan wax ka weydiiyey Madaxweyne Sheekh Shariif oo ay u buuxsantay mudo hal sano ah markii la doortey , waxa uuna hadalkiisii ku bilaabay. “Qiyaasta lagu cabiro rabitaanka Shacabka, Sheekh Shariif haddii aad ku ogeyd 95%, maanta hoos ayay u dhacday qiyaastaasi waxayna mareysaa [...]
Burcad badeed la siiyay madax furasho
Nairobi (Alshahid) – Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda gaadiidka badda ee gobolka iyo warar laga helay dhinaca kooxaha Burcad badeedda ayaa sheegay in maanta lacag madax furasho ah la siiyay Burcad badeed haysata markab lagu magacaabo MV Villetsa. Andru Mwangura oo ka tirsan hay’adda gaadiidka badda ee Bariga Afrika oo ay xaruntiisu tahay Kenya, ayaa sheegay [...]
Xaaladda lammaane Ingiriis ah oo ku afduuban Soomaaliya
Muqdisho (Alshahid) – Lammaane u dhashay dalka Ingiriiska oo Soomaaliya lagu heysto tan iyo bishii October ee sanadkii hore, ayaa xaaladdooda caafimaad laga deyrinayaa, iyadoo la sheegay inay u baahan yihiin gargaar degdeg ah. Rachel iyo Paul Chandler oo ah lammaane isu dhaxa ayaa koox Burcad badeed Soomaali ah waxay ka qafaasheen xeebaha Soomaaliya xilli [...]
Masar oo hanatay koobka Afrika
Luanda (Alshahid) – Ciyaar kama dambeys ahayd oo xalay dhex martay xulalka Masar iyo Ghana ayaa ku dhammaatay hal iyo eber ay koobkii qaaradda Afrika ku hanatay kooxdii ka socotay Masar. Ciyaarta oo aad u xiisa badnayd ayaa ka dhacday gegida ciyaaraha ee Accra Sports Stadium ee magaalada Luanda ee dalka Ghana, halkaasoo ay joogeen [...]
Qarax ay dad ku dhaawacmeen oo Boosaaso ka dhacay
Boosaaso (Alshahid) – Qarax ka dhashay bambaano lagu tuuray guri uu degenaa mas’uul hore uga tirsanaa maamul goboleedka Puntland, oo ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa la sheegay inuu sababay dhaawaca 3 ruux. Bambkani oo lagu tuuray guriga uu degan yahay wasiir ku xigeenkii hore ee arrimaha gudaha maamulkii Puntland Ibraahim Cartan [...]
Shir madaxeedka Afrika: Caalamku wuxuu ka sii jeestay dhibaatada Soomaaliya
Addis Ababa (Alshahid) – Ergada ka qeybgaleysa shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa sheegay shalay in dhibaatada isa soo tareysa ee ka taagan dalka Soomaaliya ay tahay mid khatar ku ah ammaanka caalamka, sida Afghanistan, iyagoo ku tilmaamay inuu caalamku iska indha tirayo wax ka qabashadeeda. [...]
Raila Odinga: Hoggaamiyayaasha gobolka Woqooyi Bari waa inay joojiyaan u doodidda dal kale
Mandera (Alshahid) – Ra’isul wasaaraha Kenya, Raila Odinga, ayaa uga digay hoggaamiyayaasha ka soo jeeda gobolka Woqooyi Bari inay joojiyaan u doodidda wadan kale, xilli ay ka jawaabeen howlgalkii ay ciidamadu dhawaan ku soo xirxireen dadka dalka ku jooga sida sharci darrada ah. Ra’isul wasaaraha ayaa u sheegay hoggaamiyayaashaasi inay ka gaabsadaan arrimaha sidan oo [...]