Mas’uuliyiin Katirsan dowladda KMG oo Jig-Jiga kuxirxiran.
Muqdisho (Alshahid) – Labo xildhibaab iyo sarkaal kawada tirsan dowladda KMG ee Somaliya ayaa kurixan tan iyo dhamaadkii bishii January ee tagtay xabsi kuyaalo magaalada Jig-jiga ee xarunta kilinka shanaad ee Ethiopia. Xildhibaan Cabdiraxman Kulmiye (Cabdiraxman dheere) oo la hadlay qaar kamid ah saxaafada ayaa sheegay sadexda mas’uul oo kasoo joodo gobolka Hiiraan ay kuxiranyihiin [...]
Al-Bashir iyo Deby oo ku kulmay Doha si ay ukala saxiixdaan heshiis.
Doha (Alshahid) – Wafdi sare oo ka tirsan xukuumadda dalka Sudan oo uu hor kacayo madaxweyne Cumar Xassan Al-bashiir ayaa lagu wadaa in ay ku tagaan saacadaha soo socda gudahooda caasimadda dalka Qatar ee Doha booqasho soconeysa labo maalmood. Madaxweyne Al-bashiir ayaa goob jooge ka noqon doona inta ay socoto maraasimta saxiixidda hashiis kama danbeyn [...]
Maamulka gobolka Mudug ee Puntland oo sheegay inay fashiliyeen qaraxyo lala beegsan rabay xubno sarre oo maamulka Puntland katirsan.
Gaalkacyo (Alshahid) -Taliyaha booliska ee gobolka Mudug ee Maamulka Puntland, Muuse Axmed Cabdiraxman (Xasaasi) ayaa sheegay in ay fashiliyeen iskuday lagu doonayay in lagu laayo mas’uuliyiin katirsan maamulka Puntiland Taliyaha ayaa sheegay in miino lagu aasay dhabarka xarunta booliska ee gobolka mudug halkaas oo ay kutaalo wado ay isticmaalaan mas’uuliyiinta gobolka ee katirsan maamulka Puntland. [...]
Yemen oo joojisay tahriibayaasha qaxooti doonka ah
Sana’a (Alshahid) – Dowladda Yemen ayaa sheegtay inay hakisay qaxootiga Soomaalida ee dhinaca badda qaabka tahriibka ah uga soo gudbi jiray dalkaasi, xaalado ay la xiriiray dhinaca ammaankeeda. Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Yemen ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay arrintaasi uga jawaabeyso hanjabaaddii ururka Alshabaab ee ahayd inay dagaalyahanno u diri doonaan [...]
UNHCR oo soo dhaweysay ansixinta dowladda Uganda ee hashiis ku saabsan ilaalinta qaxootiga
Geneva (Alshahid) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca qaxootiga ee UNHCR ayaa soo dhaweysay ansixinta ay dowladda Uganda ansixisay hashiiska Midowga Afrika ee ku saabsan ilaalinta iyo kaalmeynta dadka barakacayaasha ah ee ku sugan gudaha qaarada Afrika. Ansixinta dowladda Uganda ayaa noqonayaa tii ugu horreysay, iyadoo maddo afar bilood ku dhow ay ansixiyeen 25 [...]
Okambo oo codsaday in la baaro qalalaasihii dalka Kenya
Nairobi (alshahid) – Maxkamadda dambiyada dagaalka ee caalamiga ah ayaa codsatay macluumaad dheeri ah, si ay u go’aamiso haddii ay sii wadeyso ama ay iska joojineyso baaritaannada qalalaasihii ka dhacay dalka Kenya, markii ay dhamaadeen doorashooyinkii madaxtannimada dalkaasi oo gilgilay dalka Kenya bishii December ee sanadii 2007 iyo bishii janaayo ee sanadii 2008. Mr Okambo [...]
Kummanaan Dagaalyahan oo soo gaaraya galbeedka Eritrea
Asmara (Alshahid) – Kumannaan dagaalyahanno oo qalabkooda ciidan uu u dhammeystiran yahay ayaa soo gaaray dalka Eritrea, iyagoo ka yimid bariga dalka Chad. Arrintaani ayaa imaaneysa kaddib markii uu booqday madaxweynaha dalka Chad Idriss Deby caasimada dalka Sudan, oo halkaasi uu la saxiixday dhiggiisa dalka sudan cumar al bashiir hashiis dhameynaya colaadda u dhaxeysay labada [...]
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo qabatey Xaflado lagu furayey ZAAD Service
Muqdisho (Alshahid) – Xaflado lagu furayey Hormuud ZAAD Service ayaa ka dhacday Magaalada Muqdisho waxaana xafladahaasi ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana dadweynihii ka qaybgalay xafladdahaasi loo faahfaahiyey qaabka barnaamijka Hormuud ZAAD Service. Xaflad ka mid ah xafladahaasi ayaa ka dhacday xarunta ay Hormuud ku leedahay Trepiano, waxaana lagu martiqaaday macaamiisha shirkadda waxaana [...]
Barakacayaal gaajo u dhintay
Muqdisho (Alshahid) – Dad ka barakacay dagaallada magaalada Muqdisho ka jira ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo kooxaha diiddan jiritaankeeda ayaa la sheegay inay qaarkood u dhinteen macluul iyo gaajo. Cali Cabdi Fiidow oo u warramay RBC ayaa sheegay in ay soo aaseen 4 carruur ah oo shalay duleedka magaalada Muqdisho ugu dhintay cudurka shubanka, [...]
Burcad badeedda oo markab Britain laga leeyahay sii daayay
Nairobi (Alshahid) – Koox Burcad badeed Soomaali ah oo haysatay markab laga leeyahay dalka Britain ayaa sii daayay narkabkaasi, kaddib markii ay ka qaateen lacago madax furasho ah, sida ay sheegayaan warar ku dhawdhaw kooxdaasi. Markabka oo lagu magacaabo Asian Glory ayaa la sheegay inay Burcad badeeddu ku haysteen xeebaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug, [...]