عربي - English - Soomaali
Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay afhayeenka madaxtooyada. | Dowladda iyo Alshabab oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay Yeed. | Booliska Burundi oo qabtay nin ay uga shakiyeen Alshababnimo. | Burcad badeeda Soomaaliyeed oo sii daayay markab Turkiga laga leeyahay. | Madaxweyne Sharif iyo Museveni oo kulmay. | Jabuuti oo beenisay in ay ciidamo usoo dirayso Soomaaliya. | Xiisada colaad oo ka taagan gobolka Hiraan. | Alshababta Jowhar oo dugsiyo magaca ka badalay. | Alshabab oo beeniyay ku lug lahaanshadii dagaalkii Puntland. |
Arkiviga March, 2010

Dad Soomaali ah oo laga soo talxiiray Saudi Arabia oo saaka Muqdisho laga soo dajiyay.

Dad Soomaali ah oo laga soo talxiiray Saudi Arabia oo saaka Muqdisho laga soo dajiyay.

Muqdisho (Alshahid)- Subaxnimadii saaka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho laga soo dajiyay ilaa 120 ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo laga soo talxiiray boqortooyada Sacuudiga. Dadkani oo u badnaa dhalinyaro kasoo jeeda gobolada kala duwan ee Soomaalia  ayaa sheegay in laga soo qabtay magaalooyinka waaweyn ee Sacuudiga kadib markii ay howl galo lagu ugaarsanayo [...]

Xassan Dahir Aways oo taageeray qabuur burburinta Alshabab.

Xassan Dahir Aways oo taageeray qabuur burburinta Alshabab.

Muqdisho (Alshahid)- Hogaamiyaha Xizbul Islam Sheekh Xassan Dahir Aways oo shalay galinkii dambe wariyayaasha ugu waramayay khadka Telefoonka ayaa sheegay in ay Alshabab ku saxanyihiin qabuurihii ay burburiyeen isagoo intaasi ku daray in ay jireen dad caabudi jiray qabuurahaasi. “ Arinta kala saarida qabuurta iyo masaajida waa mid ku cad xitaa kitaabka ugu yar ee [...]

Maraykanka oo walwal ka muujiyay xaalada xerooyinka qaxootiga ee Waqooyi-Bari Kenya.

Maraykanka oo walwal ka muujiyay xaalada xerooyinka qaxootiga ee Waqooyi-Bari Kenya.

Nairobi (Alshahid)- Maamulka Obama ayaa walaac kamuujiyay warbixin laga soo saaray xerooyinka qaxootiga ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, taasi oo tilmaamtay in qaar kamid ah dhalinyarada Soomaalida ah ee ku nool xerooyinka Dhadhaab ay ciidan ahaan uqortaan kooxaha ka dagaalamaya Soomaaliya. Reuben Brigety, oo ah sarkaal sare oo katirsan waaxda qaxootiyada iyo muhaajiriinta ee Maraykanka [...]

Kenya oo diiday in ay Burcad badeeda kale ay wadankeeda ku maxkamadayso.

Kenya oo diiday in ay Burcad badeeda kale ay wadankeeda ku maxkamadayso.

Nairobi (Alshahid)- Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin in wadankeeda la keeno Burcad badeeda laga soo qabto meelaha ka baxsan biyaheeda. Sida uu wariyayaasha Nairobi ugu sheegay Xoghaya Guud ee Wazaarada Amaanka Gudaha ee Kenya, Frances Kimemia. “Waanu ka qayb qaadanaynaa la dagaalanka Burcad badeeda balse ma yeelayno inaan qaadno culayska dal kale” [...]

Kenya oo diiday codsi uga yimid dowladda KMG.

Kenya  oo diiday codsi uga yimid dowladda KMG.

Nairobi (Alshahid)- Dowladda Kenya ayaa ku gacan sayrtay codsi ay soo jeedisay dowladda KMG Soomaaliya kaasi oo ahaa in Kenya ay Soomaaliya usoo dirto ciidamo loo tababarayay dowladda KMG kuwaasi oo weli ku sugan Kenya. Afayeenka dowladda Kenya Alfred Mutua ayaa sheegay in cabsi ay ka qabaan weerar kaga yimaado kooxaha hubaysan ee Soomaaliya daraadeed [...]

Madaxweyne Sharif oo Addis Ababa gaaray.

Madaxweyne Sharif oo Addis Ababa gaaray.

Addis Ababa (Alshahid)- Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa socdaal aan horay loo sii shaacin ku tagay dalka Ethiopia kadib markii uu kasoo laabtay shir madaxeedkii wadamada Carabta. Madaxweyne Sharif ayaa Addis Ababa kula kulmay hogaamiyaha Ethiopia Melez Zenawi halkaasi oo ay ka wada hadleen arimo dhowr ah oo ay ugu wayntahay [...]

Maraykanka oo ka baaraan dagaya sidii uu uga qayb qaadan lahaa howl galka ay dowladda KMG qaadayso.

Maraykanka oo ka baaraan dagaya sidii uu uga qayb qaadan lahaa howl galka ay dowladda KMG qaadayso.

Washington (Alshahid)- Khabaro Maraykan ah oo katirsan wazaarada gaashaandhiga ee Pentagonka  ayaa ka baaraan dagaya sidii ay Soomaaliya ugu diri lahaayeen dayuuradaha dagaalka ee aanan cidna wadin ee loo yaqaano Drones kuwaasi oo si dadban uga qayb qaadanadoona weerar ay dowladda Soomaaliya ku qorshaynayso in ay kula wareegto goobaha ay gacanta ku hayaan kooxaha kasoo [...]

Dagaal xalay ku dhaxmaray Dhoobley Alshabab iyo ciidamada Kenya.

Dagaal xalay ku dhaxmaray Dhoobley Alshabab iyo ciidamada Kenya.

Dhoobley (Alshahid)- Xalay abaarihii todobadii fiidnimo ayaa waxaa dagaal uu magaalada kutaalo xaduuda Kenya iyo Soomaaliya   ee Dhoobley  ku dhaxmaray ciidamada ilaalada xaduuda ee Kenya iyo xoogaga Alshabab ee ku sugan Dhoobley. Sida ay sheegayaan dadka ku dhaqan magaalada Dhoobley waxaa uu dagaalka ka dhacay xaduuda labada dal halkaasi oo la isku weedaarsaday rasaas socotay [...]

Madaxweyne Gaddafi oo markale ku celiyay in ay wanaagsantahay in Nigeria la kala qaybiyo.

Madaxweyne Gaddafi oo markale ku celiyay in ay wanaagsantahay in Nigeria la kala qaybiyo.

Tripoli (Alshahid)- Madaxweynaha dalka Libya Mucamar Al-Gaddafi ayaa markale ku celiyay inuu aaminsan yahay in ay wanaagsantahay in dalka Nigeria la kala qaybiyo. Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Libya oo layiraahdo JANA, Gaddafi ayaa sheegay in ay Nigeria wanaagsan tahay in loo kala qaybiyo 4 wadan oo ku dhisan qowmiyado. Hadalkan cusub ee kasoo [...]

Diiwaan galin lagu samaynayay Soomaalida kunool Uganda oo la joojiyay.

Diiwaan galin lagu samaynayay Soomaalida kunool Uganda oo la joojiyay.

Kampala (Alshahid)- Dowladda Uganda ayaa istaajisay diiwaan galin logu samaynayay dadka Soomaalida ah ee kunool dalkaasi kadib markii ay arintaasi ka cawdeen qaar kamid ah Soomaalida ku dhaqan Uganda. Diwaan galinta oo ay soo qaban qaabiyeen urur magaciisa la yiraahdo Xiriirka Soomaalida Uganda ayaa la istaajiyay kadib markii urur labaad oo ay leeyihiin qaar kamid [...]

Log in /