Ciidamada bada ee Holland oo sii daayay Burcad badeed ay qabteen.
Nairobi (Alshahid)- Ciidamada bada ee wadanka Holland ayaa sii daayay 12 Burcad badeed Soomaali ah oo ay gacanta ku dhigeen maalintii Axada ahayd sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay wazaarada difaaca ee wadankaasi. War saxaafadeedka ayaa sheegay in diyaarad Helicopter ah ay leeyiniin ciidamada ka hortaga Burcad badeeda ee Germany ilaalana ka haysay biyaha [...]
Xubin katirsan odayaasha beelaha Muqdisho oo xalay lagu dilay deegaanka Lafoole.
Muqdisho (Alshahid)- Waxaa xalay ay kooxo hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ku dileen deegaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho Cabdi Maxamed Jimcaale (Cabdi Shaag) oo xubin ka ahaa golaha dhaqanka iyo midnimada ee beelaha Hawiye sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Maxamed Xassan Xaad oo ah afayeenka golahaasi. Marxuumka ayaa sida la sheegay waxaa rasaas ku [...]
UN: Kenya waxa ay ka qayb qaadataa hurinta colaada Soomaaliya.
Nairobi (Alshahid)- Warbixintii ay dhawaan soo saareen gudiga QM ee la socoshada cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya ayaa waxa ay dalka Kenya ku eedaysay in ay lugta kula jirto colaada Soomaaliya. Warbixinta ayaa tilmaamtay in Kenya ay tahay meel ay taageero badan ka helaan dhinacyada ku dagaalamaya Soomaaliya iyadoo ay warbixintu sheegtay in kooxaha kasoo herjeeda dowladda [...]
Hogaamiyayaasha Carabta oo balanqaad dhaqaale ugu yaboohay dowladda KMG.
Tripoli (Alshahid)- Gaba gabadii shirka madaxweynayaasha wadamada Carabta ayaa madaxdii shirka kasoo qayb gashay waxa ay dowladda KMG Soomaaliya u balanqaadeen in ay taageero dhaqaale u fidinayaan iyagoo aanan cayimin waqti gaar ah oo ay dhaqaalahaasi bixinayaan. Shirka oo lagu soo gaba gabeeyay magaalada Sirti ee Libya ayaa waxa ay madaxdii Carabeed ee kasoo qayb [...]
Dagaal iyo duqaymo xalay ka dhacay Muqdisho.
Muqdisho (Alshahid)- Dagaalo iyo duqaymo is barbarsocday ayaa xalay saqdii dhexe ka qarxay xaafado katirsan degmada Hodan oo ay dhawaanahan isku horfadhiyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo kooxaha kasoo horjeeda. Dagaalka oo sacaado socday ayaan la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee uu gaystay balse waxaa jira ilaa iyo 5 ruux [...]
Mucaaradka Ethiopia oo loo diiday in ay booqdaan hogaamiyohooda xabsiga ku jira.
Addis Ababa (Alshahid)- Xubno katirsan xisbiga mucaaradka ah ee Ethiopia ee layiraahdo Midnimada Dimoqraadiyada iyo Cadaalada (UDJ) ayaa Sabtidii loo diiday in ay booqdaan hogaamiyahooda xabsiga kujira oo layiraado Birtukan sida ay warbaahinta u sheegeen xubno katirsan xisbigaasi. Marwo Birtukan oo ah 36 sano jir ayaa waxaa la xiray bishii December 2008 kadib markii lagu [...]
Ban-Ki Moon oo wadamada Carabta kacodsaday in ay wadamadooda ka mamnuucaan ururka Alshabab.
Sirti (Alshahid)- Xoghayah guud ee Qaramada Midobay Ban-Ki Moon ayaa ka codsaday madaxda Carabta ee kasoo qayb gashay shir waynaha ka dhacaya magaalada Sirti ee Libya in ay wadamadooda ka mamnuucaan ururka Alshabab ee Soomaaliya kadagaalamo. Xoghayaha ayaa sheegay in ay waajib tahay in wadamada Carabta ay ka qayb qaataan dadaalka caalamiga ah ee lagu [...]
Saadiq Al-Mahdi oo ku eedeeyay dowladda Sudan in ay dalka burburisay.
Khartoum (Alshahid)- Raysal Wazaarihii hore ee dalka Sudan: Saadaq Al-Mahdi ayaa ku eedeeyay xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Cumar Al-Bashir in ay dalka Sudan meel khatar ah marinayso ayna sabab u tahay in uu dalka kala qaybsamo. Saadiq oo lahadlayay wakaalada wararka ee Reuters Sabtidii xiligaasi oo uu ku guda jiray ol olaha doorashada Sudan ka [...]
Ma Dalkii Soomaaliya ayaa burbursan mise dadka Soomaaliyeed…!
Nin baa waxaa la yiri dhaanshey markaas baa Haani ka biya deysey markaas ayuu mudo la xarbiyay inuu haantii si wanaagsan u afduubo oo lingaxa ku adkeeyo isagoo quus jooga welise aan ka harin howshii ayaa waxaa biya deys bilowday Haan kale markaas buu yiri ”Ma Haan Haantan arkaysaa biya celineysa”. Dal burburay iyo dowlad [...]
Bas ku gadoomay gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.
Nairobi (Alshahid)- Gaari bas ah oo u kala gooshayay degmada xadka ku taala ee Mandera iyo caasimada Nairobi ee Kenya ayaa maalintii Sabtida ahayd ku qalibmayay meel u dhow degmada Celwaaq ee gobolka Waqooyi Bari Kenya. Baskani oo layiraahdo Desert Cruiser ayaa waxaa ku dhintay 4 ruux oo ahaa dadkii saarnaa uuna kujiro tandhiboygii baska [...]