Muqdisho (Alshahid)- Ururka Alshabab ayaa maanta xaflad balaaran ugu qabtay Masjidka Nasrudiin ee xaafada Baar Ubax ciidamo tiradoodu tahay 209 kuwaasi oo dhawaan uu tababar ugu soo dhamaaday xero lagu magacaabo Cabdalla Casaam ee kuyaala gudaha Soomaaliya. Xaflada oo ay kasoo qayb galeen saraakiil sar sare oo katirsan Alshabab, waxaan halkaasi hadal dheer ka jeediyay [...]
Nairobi (Alshahid)- Xildhibaan Dick Wathika oo baarlamaanka Kenya u matalayay deegaanka Makadara ayaa noqday xildhibaankii 5aad ee jagadiisa waaya kadib markii ay maxkamada sare ee wadankaasi xukuntay inuu doorashadii dhacday 2007dii ku shubtay. Xaakimad kalpana Rawal ayaa duhurnimadii Jimcada maanta ah xukuntay in Mr. Wathika uu si cadaalad daro ah uu ku noqday xildhibaanka Makadara [...]
Continue reading …Nairobi (Alshahid)- Madaxweynaha wadanka Kenya; Mwai Kibaki ayaa dalka Shiinaha kujooga booqasho 5 maalmood qaadanaysa. Madaxweyne Kibaki ayaa galinkii dambe ee Khamiistii ka dagay garoonka caalamig ah ee Pudong halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen saraakiil sare oo katirsan xukuumada Shanghai iyo safiirka Kenya u fadhiya Shiinaha; Julius Sunkuli. Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehliyaan tiro [...]
Continue reading …Muqdisho (Alshahid)-Kadib kulan ay maanta ku yeesheen madaxtooyada villa Soomaaliya sedexda mas’uul ee ugu sareeya dowladda KMG ayaa waxa ay soo saareen war murtiyeed looga hadlayo khilaafka ka dhextaagan baarlamaanka KMG. War murtiyeedka oo si wada jir ah ay usoo saareey Madaxweyne Sheekh Sharif, Raysal wasaare Cumar Cabdirashid iyo Gudoomiye Sheekh Adan Madobe ayaa loogu [...]
Continue reading …Nairobi (Alshahid)-Markab dagaal oo ay leedahay Faransiiska ayaa maalintii Khamiista ahayd qusiyay markab weyn oo ay isticmaalayeen Burcad badeeda Soomaaliya kaasi oo marayay meel 500 mayl u jirta xeebaha Soomaaliya sida ay sheegtay wasaarada difaaca ee Faransiiska. Markabka dagaal ee Faransiiska oo lagu magacaabo FS Nivoz ayaa weeraray markabka ay isticmaalayeen Burcad badeeda iyagoona gudihiisa [...]
Continue reading …Iyadoo marba marka ka dambeysa ay sii xumaaneyso Xaaladda Magaalada Muqdisho, kadib markii ay sanooyin ugu dambeeyey hareeyeen dagaalo aan dhamaad laheyn oo xitaa inta badan bulshada Soomaaliyeed ay ka quusteen in uu dhaco wax heshiis ah, balse dadka Soomaaliyeed ayaa inta badan waxay is weydaarsadaaan oo laabtooda ku qaboojiyaan “Naxariista rabi lagama quusto, waxaana [...]
Continue reading …Muqdisho (Alshahid)-Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ee dhawaan heshiiska la saxiixday dowladda KMG ayaa sheegay in ay dhawaan weerari doonaan goobo badan oo ay hada xoog ku leeyihiin Alshabab iyo Xisbul Islam. Sheekh Cabdullahi Sheekh Cabdiraxman (Abu Yussuf) oo maanta shir jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ay ciidamada Ahlu Sunna haatan wadaan sidii ay [...]
Continue reading …Gaalkacyo (Alshahid)-Taliska ciidamada amaanka ee gobolka Mudug ayaa maanta xarunta gobolkaasi ee Gaalkacyo kusoo bandhigay qalab kontorobaan ah oo ay ciidamadu ku qabteen bar koontorool oo kutaala koonfurta Gaalkacyo. Qalabkan oo isugu jiray jaakadaha iyo koofiyadaha aysan xabada marin, telefoonada meelaha fog lagu isticmaali karo ee (Motorola VHF) iyo alaabo kale ayaa waxa sheegtay hay’ada [...]
Continue reading …Nairobi (Alshahid)-Burcad badeeda Soomaaliya ayaa keenay meel u dhow xeebaha degmada Garacad ee gobolka Mudug 3 doomo kaluumaysi ah oo laga leeyahay wadanka Thailand sida lagu sheegay war kasoo baxay taliska ciidamada badaha ee NATO. Sedaxda doomood oo kala ah MV PRANTALAY 11, oo ay saaranyihiin 26 shaqoolo ah , MV PRANTALAY 12 oo ay [...]
Continue reading …Muqdisho (Alshahid)- Alshabab ayaa soo bandhigtay filim ay ku jiraan labadii qof ee fulisay ismiidaamintii Talaadadii lagu beegsaday ciidamo katirsan AMISOM kuwaasi oo ku sugnaa Bangigii hore ee Ganacsiga. Filimka oo uu wariyayaasha usoo bandhigay afhayeenka Alshabab Sheekh Cali Maxamud Raage (Cali dheere) ayaa waxa uu tusayay labo dhalinyaro oo lagu kala magacaabay Maxamed Yussuf [...]
Continue reading …