رتب لخدمات احصائيات و ترتيب المواقع | شبكة الشاهد الإخبارية - احصائيات و ترتيب
Home » 2010 » April (Page 2)

Qaar kamid ah hogaamiyayaasha Kaniisadaha Kenya oo bilaabay in ay u ololeeyaan diiditaanka dastuurka cusub.

Qaar  kamid ah hogaamiyayaasha Kaniisadaha Kenya oo bilaabay in ay u ololeeyaan diiditaanka dastuurka cusub.

Nairobi (Alshahid)-Qaar kamid ah hogaamiyayaasha Kaniisadaha ee Kenya ayaa bilaabay in ay u ololeeyaan diidida dastuurka qabyada ah ee Kenya loo samaynayo kadib markii lagu guul daraysaty in la isku afgarto kulan ay hogaamiyaashaasi la yeesheen wasiiradad Kenya maalintii Arbacada ahayd. Gudiga qaranka ee Kaniisadaha Kenya ayaa ku eedeeyay wasiirasad in ay sabab u ahaayeen [...]

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo soo bandhigtay Qalab cusub oo lagu horumarinayo Isgaarsiinta dalka

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo soo bandhigtay Qalab cusub oo lagu horumarinayo Isgaarsiinta dalka

Muqdisho (Alshahid) – Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo u taagan in markasta Daboosho baahida isgaarsiineed ee Bulshada ayaa maanta soo bandhigtay qalab cusub oo isugu jira gaadiid ay ku rakiban yihiin Anteenooyinka guurguura (BTS) iyo Taleefoonnada gacanta oo lagu kaarikeynayo Qorraxda (Solar Mobile). Xaflad lagu qabtay xarunta Shirkadda Hormuud ee Ceelasha Biyaha ayaa lagu soo bandhigay [...]

Nin u shaqaynayay hay’ad samafal oo xalay lagu dilay degmada Afgoye.

Nin u shaqaynayay hay’ad samafal oo xalay lagu dilay degmada Afgoye.

Afgoye (Alshahid)- Rag hubaysan oo aanan haybtooda lagaranaynin ayaa xalay fiidkii kutoogtay degmada Afgoye ee gobolka Shabellada hoose nin u shaqaynayay hay’ad samafal oo magaceeda la yiraahdo Hijra. Marxuunka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Mayow Maxamed ayaa la toogtay xili uu usii hoyanayay gurigiisa. Marxuun Mayow ayaa kahor inta uusan bilaabin la shaqaynta Hijra waxa [...]

Sheekh Cali Dheere “Qaraxa aan la beegsaney Amisom waxaa ugu Aareynay laba Ciraaqiyiin ah oo walaalaheenna ah oo lagu diley Ciraaq”

Sheekh Cali Dheere “Qaraxa aan la beegsaney Amisom  waxaa ugu  Aareynay laba  Ciraaqiyiin ah  oo walaalaheenna ah oo lagu diley Ciraaq”

Muqdisho (Alshahid) – Iyadoo maalintii shalay ahayd qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay xarun ay dhawaan degeen Ciidamada AMISOM ee ka hawlgala Magalada Muqdisho gaar ahaan Bankigii hore ee Ganacsiga ayaa waxaa ka soo baxay qaraxaasi warar kala duwan iyadoo ciidamada AMISOM afhayeen u hadlay uu sheegay in qaraxaasi uga dhaawacmeen labo askari, sidoo kale [...]

Warbixin:Ciidamada dowladda KMG oo ku biira kooxaha mucaaradka Mushaar la’an awgeed.

Warbixin:Ciidamada dowladda KMG oo ku biira kooxaha mucaaradka Mushaar la’an awgeed.

Nairobi (Alshahid)- Sida lagu sheegay war ay qortay wakaalada wararka ee Associated Press, ciidamado badan oo katirsan kuwa dowladda KMG ayaa ku biiray kooxda Alshabab kadib markii ay heli waayeen 100ka dollar ee loo siin jiray mushaar ahaanta. Ciidamadan oo u badan kuwo lagu soo tababaray dibada dalka gaar ahaan 1000 askari oo uu Faransiisku [...]

Wiil Soomaali ah oo dhawaan lagu dilay wadanka Canada.

Wiil Soomaali ah oo dhawaan lagu dilay wadanka Canada.

Toronto (Alshahid)-Waxaa maalintii Arbacada ahayd ee todobaadkii hore laga helay banaaka dhismaha McMurray ee xaafada ay aadka u degto Soomaalida ee Alberta, Canada mayda wiil 19 jir Soomaali ah laguna sheegay magaciisa Cabdinasir Cadiqadir Diriye. Booliska ayaa sheegay in dilka Cabdinasir uu ahaa mid la qorsheeyay kana dhashay muran u dhexeeyay isaga iyo saaxiibadiisa dhinaca [...]

Khasaaraha ka dhasahay duqaymihii iyo dagaaladii shalay ilaa xalay ka dhacay Muqdiho oo sii kordhaya.

Khasaaraha ka dhasahay duqaymihii iyo dagaaladii shalay ilaa xalay ka dhacay Muqdiho oo sii kordhaya.

Muqdisho (Alshahid)-Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed ee ay geysteen dagaaladii iyo duqaymihii is bar bar socday ee shalay ka dhacay qaybo kamid ah caasimada Muqdisho. Duqaymaha shalay oo inta badan lala beegsanayay degmooyinka Xamarwayne, Yaaqshiid, Hodan iyo Hawl wadaag ayaa waxa ay hada dhimashadu maraysaa 15 ruux oo dhamaantood rayid ah halka dhaawacana uu kor [...]

Axmed Madoobe oo wax lala yaabo ku tilmaamay eedeyntii shalay kasoo yeertay Xassan Dahir Aways.

Axmed Madoobe oo wax lala yaabo ku tilmaamay eedeyntii shalay kasoo yeertay Xassan Dahir Aways.

Muqdisho (Alshahid)- Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe) oo xubin sare ka ah ururka Xisbul Islam dhawaanahana dagaal kula jiray Alshabab ayaa idaacada Shabelle u sheegay in wax lala yaabo ay tahay eedeyntii uu shalay soo jeediyay hogaamiyaha Xisbul Islam Xassan Dahir Aways kaasi oo sheegay in Axmad Madoobe uu heshiis la galay dowladdaha Kenya iyo [...]

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hoosayso 17 jirka oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho.

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu  ka hoosayso 17 jirka oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho.

Muqdisho (Alshahid)-Kooxda Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hoosayso 17 jirka ayaa maanta kasoo dagay garoonka caalamiga ah ee Adan Cadde halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen boqolaal dad ah oo isugu jira mas’uuliyiin katirsan dowladda KMG, bahda isboortiga iyo dadwyne sitay calamo iyo caleemo qoyan. Kooxda ayaa waxa lagu soo dhaweeyay heeso wadani ah iyadoo ay [...]

UNICEF: Hoos u dhac weyn oo ku yimid faafitaanka cudurka malariyada ee Soomaaliya.

UNICEF: Hoos u dhac weyn oo ku yimid faafitaanka cudurka malariyada ee Soomaaliya.

Nairobi (Alshahid)- Hay’ada caruuta ee Qaramada Midobay UNICEF ayaa Isniintii warbixin ay soo saartay ku sheegtay in faafitaanka cudurka malariyada ee dalka Soomaaliya uu aad hoos ugu dhacay intii u dhexeysay sanadihii 2005-2009. Warbixinta ayaa lagu sheegay in dadka uu ku dhaco ama u dhinto cudurka malariyada ee ku sugan Soomaaliya ay yaraadeen boqolkiba 50 [...]

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone