Kenya oo beenisay in ay wax xiriir ah la leedahay Alshabab.
Nairobi (Alshahid)- Dowladda Kenya ayaa beenisay warbixin ay soo diyaariyeen gudiga QM ee la socoshada cunaqabataynta hubka ee Soomaalia taasi oo ku eedaysay Kenya in ay dalkeeda ku sugan yihiin xubno katirsan ururka Alshabab ee ka dagaalama Soomaaliya. Xoghayaha guud ee wazaarada amniga gudaha ee Kenya; Kimemia ayaa wariyayaasha ugu sheegay Nairobi in eedaynata warbixinta [...]
Xabaala Faagiddu Waxay ka Dhalatay Maydka la Jiido!.
Indhawaala ahba waxaa isa soo tarayey falalka gurracan ee ka dhacaya koofuurta Soomaaliya, inta badan waxaa hor kacayey wadaad madaxu u duuban oo diin ku gambanaya, dadkana ku madax qabsaday inay diin Eebe dhaqan galinayaan, shareecadana ay dadka iyo dalkaba ku dabaqayaan, falalkaasi waxay isugu jireen qaraxyo lala beegsado dadka rayidka ah, goobaha ganacsiga, ugaarsiga [...]
Booqashadii Madaxweyne Sharif ee Ethiopia.
Addis Ababa (Alshahid)- Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa soo gaba gabeeyay booqasho 2 maalmood ahayd oo uu Ethiopia ku tagay. Madaxweynaha oo saxaafada la hadalay intii uusan ka duulin garoonka caalamiga ah ee Addis Ababa ayaa sheegay in ay madaxda Ethiopia kawada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo [...]
Deegaanada hoos tago gobolka Mudug ee uu shalay dagaalka ka dhacay oo saaka xasiloon.
Muqdisho (Alshahid)- Waxaa saaka dagan xaalada goobihii ay shalay ku daagaalameen labo maleeshiyaad beeleed oo halkaasi wada daga, dagaalkaasi oo sababay in ilaa 25 ruux ay ku dhintaan 40 kalana ku dhaawacmaan. Dagaalka oo shalay ka dhacay deegaanada Camaar iyo Bacaadweyn oo kawada tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa ka dhashay muran ku aadan [...]
Midowga Europe oo tababar u fidhinayo ciidamo ay leedahay dowladda KMG.
Brussels (Alshahid)- Wadamada Midowga Europe ayaa isku raacay in tababar military loo fidhiyo ilaa 2000 oo askari oo katirsan ciidamada dowladda KMG tababarkaasi oo bilaabanaya todobaad gudahiisa. Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday xarunta EU ee Brussels, tababarka ayaa ka dhici doono dalka Uganda waxaana ka qayb qaadani doono dowladdo kamid ah Midowga Africa iyo Maraykanka. [...]