Culumada degmada Mandera oo mamnuucay goobaha lagu daawado ciyaaraha iyo filimada.
Nairobi (Alshahid)-Culumaa’u diinka degmada Mandera ee gobolka waqooyi Bari, Kenya ayaa Isniintii shalay ahayd ku dhawaaqay in ay degmadaasi ka mamnuuceen daawashada ciyaaraha iyo filimaanta laga soo daayo telefishinada laga daawado goobaha shaneemooyinka. Culumada ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya maamulka degmadaasi ay talaabo ka qaadi doonaan cidii lagu arko iyadoo daawanaysa aflaamta iyo ciyaaraha. [...]
Qaramada Midobay oo meel marisay qaar uu Ruushka keenay oo lagu la dagaalamayo Burcad badeeda.
New York (Alshahid)-Wadamada xubnaha ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midobay ayaa Talaadadii isku raacay meel marinta qaraar uu soo hindisay Ruushka kaasi oo wax looga qabanayo dambiga Burcad badeednimada. Qaraarka ayaa waxa uu Burcad badeednimadu ka dhigayaa dambi weyn oo lagu mutaysanayo ciqaab adag. 15ka wadan eek u jira Golaha Amaanka ayaa waxa ay [...]
Madaxweyne Sharif oo sheegay in dhawaan baarlamaanka KMG uu kalfadhi yeelan doono.
Muqdisho (Alshahid)-Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa sheegay in uu dhawaan baarlamaanka KMG yeelan doono kal fadhigiisii. Madaxweynaha oo shirka jaraa’id ay ku wehliyeen raysal wasaare Cumar Cabdirashid iyo gudoomiyaha baarlamaanka Sheekh Adan Madobe ayaa ku nuux nuuxsaday in uu xalinta [...]
Alshabab oo qarxisay ciidamo katirsan AMISOM oo joogay saldhiga ay ku leeyihiin bangigii hore ee ganacsiga.
Muqdisho (Alshahid)- Duhurnimadii maanta ayaa qof naftii hura ah oo watay gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay fariisin cusub oo ay AMISOM dhawaan ka samaysatay bangigii hore ee ganacsiga. Qaraxa oo ahaa mid laga maqlay qaybo badan oo katirsan Muqdisho ayaa waxa uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wararka aanu [...]
Qarax uu ku dhaawacmay gudoomiyaha Alshabab ee Diinsoor oo xalay degmadaasi ka dhacay.
Muqdisho (Alshahid)-Waxaa xalay fiidkii ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Bay qarax lala beegsaday gudoomiyaha Alshabab ee degmadaasi Cabdixayi Axmed Nuur isagoo goortaasi kasoo baxay masjid uu salaada cishe ku tukaday. Qaraxa oo ka dhashay bomb gacanta laga tuuray ayaa dhaacaw ba’an u gaystay gudoomiyaha iyo dhowr kamid ah ilaaladiisa waxaana dhaawacooda loo la cararay [...]
Warbixin ay soo saartay hay’ada u dooda xuquuda aadamaha oo lagu eedeeyay Kenya iyo Midowga Afrika.
Nairobi (Alshahid)-Warbixin ay dhawaan soo saartay hay’ada u dooda xuquuqda aadamaha ee Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in wadanka Kenya iyo Midowga Afrika ay qayb ka yihiin xad gudubyada loo geysto dadka rayidka ah ee Soomaaliya. Warbixinta ayaa Kenya ku eedeesay in si khilaafsan sharciga caalamiga ah ay ciidamo ugu aruurisay kadibna ugu tababartay [...]
Burcad badeeda Soomaaliya oo shalay Axadii ku guul daraysatay in ay qabsadaan dhowr markab.
Nairobi (Alshahid)- Burcad badeeda Soomaaliya ayaa Axadii ku guul daraysay weeraro ay ku qaadeen afar markab oo ay kamid ahaayeen laba xamuul ahaa oo laga lahaa wadamada Japan iyo Malaysia sida ay sheegtay hay’ada ilaalada badaha caalamiga ah ee magaceeda loo soo gaabiyo IMB. Maraakiibta ayaa ka baxsaday weerarada Burcad badeeda kadib markii ay adeegsadeen [...]
Madaxweynaha dowladda KMG oo maanta kulan la yeeshay golaha wasiirada.
Muqdisho (Alshahid)- Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya shir saacada socday kula qaatay golaha wasiirada ee xukuumadad KMG. Madaxweynaha ayaa kulankani waxa uu wasiirada kaga dhageysay wax qabadkooda iyo sida looga gudbi karo xaalada adage e uu dalka ku jiro. Madaxweynaha ayaa wasiirada kala hadlay arimo dhowr [...]
Gudoomiyaha hay’ada culumada Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay kulankii Garowe ka dhacay.
Garowe (Alshahid)- Gudoomiyaha hay’ada Culumada Soomaaliyeed; Sheekh Bashir Axmed Salaad ayaa faah faahi ka bixiyay shir uu ururkiisa ku yeeshay Garowe kaasi oo laga soo saaray qodobo dhowr ah. Sheekha ayaa sheegay in shirka oo ay kasoo qayb galeen 50 culumaau diin ah cinwaankiisuna ahaa ku dayashada sidii uu Nabi Muxamad Naxariis iyo Nabad Galyo [...]
Ururka Ahlu Sunna oo dowladda KMG dusha ka saaray mas’uuliyada duqayntii shalay ka dhacday qaybo katirsan Muqdisho.
Muqdisho (Alshahid)-Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa dowladda KMG ku eedeeyay in ay leedahay mas’uuliyada khasaarihii shalay ka dhashay duqaymihii ay ciidamada AMISOM u geysteen qayb katirsan caasimada Muqdisho. Madaxa warfaafinta ee Ahlu Sunna; Sheekh Cabdullahi Sheekh Cabdiraxman (Abuu Yussuf) oo u waramayay qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho ayaa ummada Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay waxyeelada kasoo gaartay [...]