Home » 2010 » June
Khudbadii uu Cabdullahi Cise  ka jeediyay Qaramada Midobay 50 sano ka hore.

Khudbadii uu Cabdullahi Cise ka jeediyay Qaramada Midobay 50 sano ka hore.

Nairobi (Alshahid)-Caawa waxa ay ku beegantahay habeenkii ay Soomaaliya sida buuxda u qaadatay xornimadeedii ayna ku midoobeen labadii qeybood ee Waqooyiga iyo Koonfurta taasi oo dhacday 50 sano ka hor. Halkan waxaan idiinku soo gudbinaynaa qaybo kamid ah khudbadii uu Cabdullahi Ciise Maxamuud, ra’iisal wasaarihii xukuumaddii daakhiliga 1956-1960, iyo wasiirka arimaha dibada xiligii Madaxweyne Adan [...]

Raiisal wasaaraha Kenya oo qalniin caafimaad lagu sameeyay.

Nairobi (Alshahid)-Raiisal wasaaraha dalka Kenya; Raila Odinga ayaa maalintii Talaadada ahayd waxaa la jiifiyay cisbitalka Nairobi kadib markii uu xanuun dhinaca maskaxda ah kuyimid. Raila ayaa waxaa lagu sameeyay qalniin dhinaca madaxa ah, waxaana la duleeliyay madaxiisa oo laga shubay dhecaan maskaxda ku furmay sida uu xaqiijyay dhakhtarka dhinaca maskaxda ah ee cisbitalka Nairobi; Oluoch [...]

Continue reading …
Yemen oo xukuntay Burcad badeed Soomaali ah.

Sanca (Alshahid)-Maxkamad kutaala gobolka Xadar Maw tee Koonfurta kaga beegan caasimada Sanca ayaa waxaa  maalintii shalay ahayd lagu xumay 6 nin oo Soomaali ah oo lagu heystay fal Burcad badeednimo ah. Maxkamada ayaa sheegtay in 6 nin ay galeen dambiga lagu haysto isla markaasna mid waliba uu mutaystay xabsi dhan ilaa 12 sano. “Marka ay [...]

Continue reading …
Dowladda KMG oo soo bandhigayso dastuurka Soomaaliya ee cusub horaanta July.

Muqdisho (Alshahid)-Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in horaanta bisha inagu soo foolka leh ee July ay ummada Soomaaliyeed usoo bandhigi doonto dastuurka qabyada ah ee loo qorayo dalka Soomaaliya, kaasi oo ay howshiisa ka socoto dalka Jabuuti. Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka ee dowladda KMG; Madoobe Nuunow Maxamed oo caasimada Muqdisho ugu [...]

Continue reading …
Ahlu Sunna oo ku dhawaaqday inuu bur buray heshiiskii ay la gashay dowaldda KMG.

Muqdisho (Alshahid)-Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca oo 15kii bishii March magaalada Addis Ababa heshiis kula saxiiday dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in uu bur buray heshiiskaas ayna dhinacooda aqoonsaneen jiritaankiisa. Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Waljamaaca; Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay inuu burburay gabi ahaan heshiiskii ay horay ula galeen dowladda [...]

Continue reading …
Wariyayaal ku dhaawacmay duqayn shalay ka dhacday degmada Cabdicasiis.

Muqdisho (Alshahid)-Waxaa shalay galinkii dambe ku dhaawacmay duqayn ka dhacday xarunta Gaadiidka Booliiska ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho 8 wariye oo xiligaasi ku gudda jiray howlahooda shaqo. Xarunta ayaa xilliga ay duqayntu bilaabanaysay waxaa shir jiraa’id kaga hadlayay madax kamid ah Alshabab oo uu kujiro Mukhtaar Robow Al-Mansuur looga jeeday in shacabka lagu tuso [...]

Continue reading …
Ganacsade xalay lagu toogtay Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho (Alshahid)-Waxa xalay fiidkii lagu toogtay gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha in ganacsade ka ahaa isla suuqaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Kaahiye (Goobe). Marxuumka oo ahaa ganacsade ka ganacsan jiray musqulo uu ku lahaa gudaha suuqa ayaa waxaa toogtay rag hubaysan oo aanan haybtooda la garaneynin, kuwaasi oo ku hubaysnaa bastoolado. Qaraabadii marxuumka [...]

Continue reading …
Xarunta Alshahid oo Workshop ku Saabsan Horumarinta Waxbarasha ku Qabatay Muqdisho

Alshahid ( Muqdisho) Waxaa subaxnimadii saakay ka furmay hoteelka Pradise ee magaalada Muqdisho workshop ay ka soo qeybgaleen madax iyo macalimiin ks socda jaamacacdaha, iskuulada, iyo hay’adaha waxbarashada, kaasoo looga hadlayay horumarinta waxbarashada Soomaaliya iyo wadooyinkii loo adeegsan lahaa. Furitaankii shirka ayaa waxaa ka hadlay Ustaad Cali Muudeey oo amaan iyo bogaadin u soo jeediyay [...]

Continue reading …
WFP oo soo gaba gabeysay cunna qaybin ay kawaday Dhuusa mareeb.

Dhuusa mareeb (Alshahid)- Hay’adda cunnada u qaabilsan Qaramada Midobay ee WFP ayaa deeq raashin ah gaarsiisay ilaa 10 Kun oo qoys oo kamid ah barakacayaasha ku sugan xeryaha degmada Dhuusa mareeb iyo deegaannada ku hareereysan kuwaasi oo isugu jira dad kasoo cararay dagaalka ka jira Muqdisho iyo kuwo ay abaari xoola tirtay. Deeqda la gaarsiiyay [...]

Continue reading …
Salaad Cali Jeelle: Dowladda waa in ay hurdada ka kacdaa.

Muqdisho (Alshahid)-Salaad Cali Jeelle oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG oo saxaafada Muqdisho u waramay ayaa sheegay in dowladda KMG ee Soomaaliya ay weeraro xoog leh kala kulanto xoogaga mucaraadka ah kuwaasi oo ka faa’iideysta kal daadsanaanta heysata dowladda. “Waxaa la diyaariyay ciidamo fara badan oo militari ah, waxaa la diyaariyay gaadiidkii dagaalka, shidaalka, hubka [...]

Continue reading …
Page 1 of 25123Next ›Last »