Madaxweyne Sharif: Waxaa la joogaa xiligii ay ciidamada qalabka side ay dalka oo dhami la wareegi lahaayeen.
Muqdisho (Alshahid)-Madaxweynaha dowladda KMG; Sheekh Sharif Sheekh Axmed oo shalay xarunta dowladda KMG ee Villa Soomaaliya kaga qayb galay xaflad lagu dalacsiinayay 35 sarkaal oo katirsan ciidamada dowladda KMG ayaa sheegay in dhawaan ay ciidamada qalabka sida ee dowladdu la wareegi doonaan dalka oo dhami. Xafladda lagu guddoonsiiyay saraakiishan oo gaarayay 35-sarkaal waxaa goob joog [...]
Wallad Cabdalla oo xaflad sagoontin ah loo qabtay.
Nairobi (Alshahid)-Xaflad aad loo soo agaasimaya oo ka dhacday habeenimadii Sabtidii guriga uu Nairobi ka dagan yahay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi; Maxamed Cali Nuur (Ameriko) ayaa waxaa lagu sagoontiyay Axmadu Wallad Cabdalla oo ah ergeyga xilka ka dagaya oo xoghayaha guud ee Qaramada Midobay Soomaaliya u qaabilsanaa tan iyo bishii September ee sanadii 2007. [...]
Alshabab oo guul ka sheegtay dagaalkii shalay iyo ciidamada dowladda oo beeniyay.
Muqdisho (Ashahid)-Waxaa shalay galinkii dambe uu dagaal aad u culus ku dhex maray dhinaca waqooyi ee caasimada Muqdisho, ciidamada dowladda KMG iyo kooxda Alshabab. Dagaalka oo ahaa mid ilaa xalay fiidkii socday ayaa waxaa guul ka sheegtay kooxda Alshabab oo saxaafada u sheegay in ay horumar dhinaca balaaran ka sameeyeen dagaalkii shalay. Gudoomiyaha Alshabab ee [...]
Soomaali way doqonowdey!.
‘Doqon, doqon barax la’, doqon wadasho leh, caalle, nacas, dhaadhaan, dabbaal, naanaab, reerkoodadoc-uma-dhaafe, sawaab, salleello iyo axmaq’ waa tilmaamo 13an ah oo Soomaalidu ruuxii garashadiisa ama garaadkiisu hooseeyo ama liito u taqaan. Caqliga dheeraadka ah ama kan hooseeya waxaa laga ogaadaa qofka dhaqankiisa ama bulshada dhaqankeeda Waxaa kale oo lagu baaraa baaritaan la yiraahdo IQ [...]
Xarunta Alshahid oo Dood-cilimyeed la Xiriira Hawlaha Samofalka ee Soomaaliya ku Qabatay Nairobi
Alshahid ( Nairobi) Maalinimadii Shalay waxaa magaalada Nairobi ka dhacay dood-cilmiyeed ay soo qabanqaabisay Xarunta Cilmi Baarista iyo Diraasdka Iclaamka ee Alshahid, taasoo ay ka soo qeybgaleen xubno ka socda 20 hay’adood oo waddani ah oo ka hawlgala Soomaaliya, dood-cilmiyeedkan ayaa lagu falanqeeyay xaaladda hawlaha samafalka ee Soomaaliya iyo sidii hay’adaha wadaniga ah ee ka [...]
Burcad badeeda Soomaaliya oo markab afduubtay.
Nairobi (Alshahid)-Koox Burcad badeed Soomaali ah ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay afduubteen markab ka diiwaan gashan dalka Singapore ayna saaranyihiin 19 shaqaale oo u dhashay dalka Shiinaha, kaasi oo marayay Gacanka Cadmeed sida ay xaqiijiyeen wasaaradaha arimaha dibada ee dalalka Shinaha iyo Singapore. Markabka la qabsaday ayaa lagu magacaabaa MT Golden Blessing waxa [...]
Nin Israil u dhashay oo lagu haysto inuu hub geyn rabay Soomaaliya.
New York (Alshahid)-Maxkamad kutaala Koonfurta gobolka Florida ee dalka Maraykan ayaa bilowday dhagaysiga dacwada Hanoch Miller, oo ah muwaadhin Israeli ah lagu dacweeyay inuu rabay inuu shixnad hub ah u geeyo Soomaaliya. Ciidamada amaanka ee gobolka Florida ayaa ku eedeeyay Mr. Hanoch Miller oo ah Injineer ku taqasusay diyaaradaha uu doonayay in si ddhuumashaal ah [...]
Garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo oo maalintii sadexaad xayiran.
Gaalkacyo (Alshahid)-Waxaa maalintii sadexaad xayiran garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo kadib marki ay halkaasi ay gaartay diyaarad wado lacago cusub oo shilin Soomaali ah. Diyaaradan ayaa waxaa saaran lacago cusub oo ah kunka shilin ee Soomaaliga ah taasoo lagu qiyaasay 17 bilyan, waxaa laga soo qaaday bankiga dhexe ee caasimada Muqdisho ee dowladda KMG sida [...]
Xiisad colaadeed oo ka taagan deegaano hoos tago degmada Wanlaweyn.
Wanlaweyn (Alshahid)-Deegaano hoos taga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellada Hoose gaar ahaan tuulada Hakawa ayaa laga soo sheegayaa in maanta ka taagan tahay saan saan colaadeed kadib markii ay shalay halkaasi ku dagaalameen ciidamo ka kala tirsan ururada Alshabab iyo Xisbul Islam. Dagaalka shalay ayaa waxa uu dhaliyay khasaaro soo kala gaartay labada dhinac ee [...]
Golaha Camalka Islaamka oo dhaliilay doorashadii Somaliland.
Muqdisho (Alshahid)-Golaha Camalka Islaamka oo ah urur Diimeed Soomaaliya kajira soona caanbaxay horaantii sanadkan ayaa dhaliilay doorashadii Sabtidii ka dhacaday maamul goboleedka la magac baxay Somaliland oo lagu dooranayay madaxweynaha Somaliland. Guddoomiyaha golaha Camalka Islaamka; Sheekh Maxamed Ibrahim Bilaal oo caasimada Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay ayaa waxaa uu ka hadlay arimo dhowr ah oo [...]