رتب لخدمات احصائيات و ترتيب المواقع | شبكة الشاهد الإخبارية - احصائيات و ترتيب
Home » 2010 » June (Page 25)

Warbixin: Ciidamada dowladda KMG loogu tababarayo Uganda.

Warbixin: Ciidamada dowladda KMG loogu tababarayo Uganda.

Xerada ciidamada ee Bihanga oo kutaala duleedka magaala madaxda Uganda ee Kampala ayaa waxaa Isniintii uu tababar uga furmay 2000 oo askari kuwaasi oo ay soo dirsatay dowladda KMG ee Soomaaliya. Ciidamadan oo ay horyaalaan caqabado badan oo ay kamid tahay in ay dowladda KMG gacanteeda soo galiyaan gobolada Soomaaliya oo ay intooda badan ka [...]

Cali Ameriko: Ganacsatada Soomaaliya waxa ay xiriir la leeyihiin ururka Alshabab.

Cali Ameriko: Ganacsatada Soomaaliya waxa ay xiriir la leeyihiin ururka Alshabab.

Nairobi (Alshahid)-Safiirka dowladda KMG Soomaaliya u fadhiyo magaalada Nairobi ayaa waxa uu ku eedeeyay ganacsatada Soomaaliya in ay xiriir la leeyihiin ururka Alshabab. Maxamed Cali Ameriko; safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi oo shir jaraa’id ugu qabtay warbaahinta xafiiskiisa Nairobi ayaa sheegay in ay hayaan cadaymo xaqiijinaya in ganacsato waaweyn oo Soomaali ah ay xiriir dhow [...]

Madaxweyne Sharif oo khudbad ka jeediyay shirka Afrika iyo Faransiiska.

Madaxweyne Sharif oo  khudbad ka jeediyay shirka Afrika iyo Faransiiska.

Nice (Alshahid)- Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya; Sheekh Sharif Sheekh Xassan ayaa khudbad ka jeediyay shirka wadamada Afrika iyo dalka Faransiiska uga socda magaalada Nice ee dalka Faransiiska. Madaxwyne Sheekh Sharif ayaa khudbadiisa  kaga codsaday 40 wadan ee Afrika ka socday iyo dalka Faransiiska in taageero dhinac walibaba ah loo fidiyo dowladda KMG ee Soomaaliya si [...]

Wariya Soomaali ah oo la gudoonsiiyay abaal marinta ay sanad waliba bixiso CNN.

Wariya Soomaali ah oo la gudoonsiiyay abaal marinta ay sanad waliba bixiso CNN.

Kampala (Alshahid)-Wariyaha wakaalada wararka ee Faransiiska (Agence France-Presse’s) uga soo warama dalka Soomaaliya ayaa ku guulaystay abaal marinta wariyaha sanadka ee dhinaca saxaafada ka howl gasho dulalka colaad ka jirto. Mustafa Xaaji Cabdinur oo AFP uga soo warama Soomaaliya ayaa waxaa la gudoonsiiyaay abaal marinta uu TVga CNN sanad waliba gudoonsiiyo wariyayaasha aadka u fir [...]

Xaalada Baladweyne oo saaka degan iyo abaabul dagaal oo ka socda duleedka magaalada.

Xaalada Baladweyne oo saaka degan iyo abaabul dagaal oo ka socda duleedka magaalada.

Baladweyne (Alshahid)-Waxaa saaka degan xaalada magaala madaxda gobolka Hiraan ee Baladweyne kadib markii shalay uu duleedkeeda ka dhacay dagaal ay isaga hor yimaadeen ciidamada dowladda KMG oo garab ka helayo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca iyo xoogaga Xisbul Islam oo dhinac ah. Qaar kamid ah dadka degan Baladweyne ayaa sheegay in xaalada magaaladaasi ay saaka degantahay [...]

Mudaharaadyo looga soo horjeedo falkii Israel oo ka dhacay dalka Sweden.

Mudaharaadyo looga soo horjeedo falkii Israel oo ka dhacay dalka Sweden.

Gothenburg (Alshahid)- Kumanaan dibad baxayaal Muslimiin ah ayaa waxa ay banaanbax weyn ka dhigeen magaala madaxda labaad ee Sweden; Gothenburg halkaasi oo ay ku muujiyeen sida ay ugu caraysan yihiin falkii ay maalin kahore Israel ku dishay 10 ruux oo la socday maraakiib gar gaar u siday dadka ku xaniban Gaza. Dadkan banaan baxayaasha ah [...]

Shil gaari oo ay wax ku noqdeen culuma’udiin Kenya can ka ah.

Shil gaari oo ay wax ku noqdeen culuma’udiin Kenya can ka ah.

Nairobi (Alshahid)-Waxaa galabnimadii Axadii uu shil gaar ka dhacay wadada dheer ee isku xirta caasimada Nairobi iyo magaala madaxda gobolka waqooyi bari Kenya ee Garissa. Shilkan ayaa dhacay kadib markii gaari nooca yar yar ah oo ay wateen culuma’udiin can ka ah dalka Kenya uu ku gadoomay meel u dhow magaalada Mwingi oo u dhaxayso [...]

Madaafiic xalay ku dhacay xaafado katirsan Muqdisho.

Madaafiic xalay ku dhacay xaafado katirsan Muqdisho.

Muqdisho (Alshahid)-Waxa xalay ay madaafiic khasaaro nafeed geysatay ku dheceeno qaybo kamid ah caasimada Muqdisho. Inta la ogyahay laba qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir halka afar kalana ay  ku dhaawacmeen xaafada Siinaay ee degmada Wardhiigleey kadib markii madaafiic habow ah ay ugu tageen xaafadahooda sida ay xaqiijieen dadka [...]

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone