Dowladda KMG oo ku baaqday in la joojiyo dagaalka Puntland.
Muqdisho (Alshahid)-Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaaladii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka Bosaaso halkaasi oo ay isku fara saareen xoogag daacad u ah wadaad diimeed la yiraahdo Sheekh Maxamed Saciid Atam iyo ciidamada maamul goboleedka Puntland. Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya; Yussuf Xassan Ibrahim (Yussuf Dheeg) oo xalay isaga oo Kampala jooga [...]
Dagaalo ka dhacay Dhoobley.
Dhoobley (Alshahid)-Waxaa saaka uu dagaal saacado socday duleedka degmada Dhoobley ku dhexmaray ciidamo taabacsan Sheekh Axmed Maxamed Islam (Axmed Madobe) iyo xoogaga Alshabab ee gacanta ku haya degmadaasi. Dagaalka ayaa ahaa mid saacada socday oona la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana uu markii dabe dagaalka noqday mid looga tabar roonaado ciidamadii weerarka soo [...]
Sheekh Atam oo ka hadlay ujeedadiisa.
Nairobi (Alshahid)-Sheekh Maxamed Saciid Atam; hogaamiye diimeedka dagaalka kula jira ciidamada Puntland ayaa ka hadlay u jeedadiisa iyo goorta uu soo bilaabay howlaha uu hada ku jiro. Sheekh Atam oo khudbo ka jeediyay qol ay taageerayaasha Alshabab ku leeyihiin Paltalka ayaa sheegay in uu dagaalka u bilaabay si uu gobolada Puntland dulmiga u dul qaado [...]
Madaxweyne Siilaanyo oo xilka loo dhaariyay.
Hargeysa (Alshahid)- Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo), oo uu xisbigiisa Kulmiye 26-kii bishii June ku guuleystay doorashadii madaxweynanimo ee ka dhacday Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka madaxweynanimada, isagoo jagadaas kala wareegay madaxweynihii hore ee Somaliland, Dahir Riyaale Kahin. “Waxaan idiin ballan qaadayaa inaa shacabka Somaliland ku dhaqo cadaalad iyo sinnaan,” Ayuu yiri [...]
Jasiirada Seychelles oo xukuntay 11 Burcad badeed Soomaali ah.
Nairobi (Alshahid)-Wadanka Jasiirada Seychelles ayaa Isniintii shaaciyay in 11 kamid ah Soomaali loo haysay Burcad badeednimo ay maxkamad dalkaasi ku taala min 10 sano oo xabsi ah. Sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha dalkaasi, 11ka nin ayaa lagu helay dambi ah in ay weerareen ayna afduubi rabeen dooni ay leeyihiin ciidamada ilaalada badaha [...]
Raiisal wasaare Cumar oo ka hadlay dagaalada Puntland ka socda.
Muqdisho (Alshahid)-Raiisal wasaaraha dowladda KMG ee Soomaaliya; Cumar Cabdirsahid Cali ayaa ka hadlay dagaalada Soomaaliya ka socda gaar ahaan kuwii shalay ka dhacay deegaanada ku yaala duleedka Bosaaso. Raiisal wasaaraha ayaa sheegay in dagaaladaasi ay la mid yihiin kuwo kooxaha uu ugu yeeray argagixisada caalamiga ah ay ka wadaan gudaha Soomaaliya loona baahanyahay in si [...]
Xassan Dahir: Mar dhow baan Alshabab la midoobaynaa.
Muqdisho (Alshahid)-Hogaamiyaha ururka Xisbul Islam; Sheekh Xassan Dahir Aways oo shalay shir jaraa’id ku qabtay fargaaro ku yaala deegaanka Tooratoorow oo Xisbul Islam ay ku fulinaysay xukun rajmin Nin ay lagu aedeeyay in uu sineestay ayaa sheegay in dhawaan ay midoobi doonaan iyaga iyo Alshabab. Sheekh Xassan ayaa uga mahad celiyay dadka ka shaqeeyay wadahadalka [...]
Madaxweyne Siilaanyo oo maanta xilka loo dhaarinayo.
Hargeysa (Alshahid)-Waxaa maanta xilka Madaxweyne nimo ee Somaliland loo dhaarinayaa Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ahaa hogaamiyihii xisbigii mucaaradka ahaa ee Kulmiye kaasi oo doorashadii Somaliland ka dhcaday 26kii June ku guulaystay. Xaflad aad loosoo qaban qaabiyay ayaa maanta ka dhacaysa caasimada Hargaysa waxaana ka qayb gali doono mas’uuliyiin ka socota wadamada dariska ah ee [...]
Madaxweyne Museveni oo isaga baxay kullankii Madaxda Midowga Afrika.
Kampala (Alshahid)-Madaxweynaha dalkiisa uu sanadkan marti galiyay kullanka Midowga Afrika; Yuweri Museveni ayaa lagu soo waramayaa in uu shalay isaga baxay kullankii Madaxda Midowga Afrika kadib markii uu ka xumaaday deeq lacageed uu bixiyay Maraykanka. Madaxweyne Museveni ayaa kullanka waxaa kusii matalayay wasiirkiisa arrimaha dibada; Sam Kutesa. Ilo wareedyo ku dhow dhow shirka ayaa sheegaya [...]
Madaxweyne Sharif iyo Johnnie Carson oo Kampala ku kulmay.
Kampala (Alshahid)-Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka u qaabilsan Africa; Johnnie Carson ayaa shalay Kampala ku qabtay kullan lagu garab is taagayo dowladdda KMG ee Soomaaliya. Kullanka oo ay kasoo qayb galeen madaxda wadamada IGAD, kuwo ka socda wadamada deeq biyaasha loo yaqaano iyo waliba xubno katirsan golaha amaanka ayaa looga wada hadlay xaalada ay [...]