Muqdisho (Alshahid)-Warar lagu kalsoonyahay oo laga helayo madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay labada mas’uul ee ugu sareeya dowladda KMG. Khilaafka ayaa la sheegayaa in uu salka ku hayo qorshe uu soo jeediyay Ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashid oo ahaa in dastuurka qabyada ah ee ay dhawaan soo bandhigtay [...]
Muqdisho (Alshahid)-Hogaamiyaha Xisbul Islam, Sheekh Xassan Dahir Aways, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu weyntahay dagaalka Soomaaliya ka jira gaar ahaan kan Muqdisho. Sheekh Xassan Dahir oo ku labisnaa dharka ciidamada, sitayna qori AK 47 ah ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowladda [...]
Continue reading …Muqdisho (Alshahid)-Kullan ay golaha wasiirada ee dowladda KMG Soomaaliya shalay galinkii dambe ku yeesheen Muqdisho ayaa lagu ansixiyay in dowladda KMG ay damaanad qaado amaanka xildhibaanada ayna guryo siiso. Kullankan oo uu shir godoominayay Ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashid ayaa looga dooday sidii ay dowladda KMG u damaanad qaadi lahayd amaanka xildhibaanada kadib markii 24kii bishan [...]
Continue reading …Kampala (Alshahid)-Dowladda Uganda ayaa ballan qaaday in Soomaaliya ay usoo dirayso ilaa 10,000 oo askari oo ka mid ah ciidamadeeda kaydka ah, waa haddii maamulka Obama uu diyaar u yahay taageerida ciidamadaas, sidaas waxaa yiri taliyaha ugu sareeya ciidamada difaaca ee Uganda,Gen. Aronda Nyakairima. Taliyaha oo waraysi siiyay warbaahinta Uganda ayaa sheegay in Maraykanka ay [...]
Continue reading …Muqdisho (Alshahid)-Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow dhow madaxtooyada villa Soomaaliya, waxaa maanta dalka Uganda loo qaadayaa maydaka iyo dhaawaca ciidamada AMISOM ka soo gaaray madfacii ay Alshabab shalay la beegsadeen xarunta Villa Soomaaliya. Maydadka 4 ka tirsan ciidamada AMISOM iyo dhaawaca 8 kale ayaa maanta loo duulinayaa caasimada Uganda ee Kampala halkaasi oo [...]
Continue reading …Muqdisho (Alshahid)-Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan ayaa xaqiijiyay in 4 ka tirsan askartooda ay dhinteen halka 8 kalana ay dhaawacmeen kadib markii uu madfac kusoo dhacay madaxtooyada Villa Soomaaliya. Barigye Bahuko, afhayeenka AMISOM oo xalay saxaafada Muqdisho qaarkeed u waramay ayaa sheegay in madfaca oo ay soo rideen xoogaga mucaaradka uu ku dhacay saldhiga [...]
Continue reading …Muqdisho (Alshahid)-Ururka Alshabab ee dagaalka xoogan kula jiro ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ayaa galabnimadii shalay, wariyayaal ka socda saxaafada Muqdisho geeyay Mowlacii Macallin Nuur, oo uu afhayeenka ciidamada booliska ee dowladda KMG sheegay in ay dib u qabsadeen. Afhayeenka ciidamada Alshabab, Cabdicasiis Abu Muscab oo shir jaraa’id ku qabtay Mowlaca ayaa sheegay in [...]
Continue reading …Rome (Alshahid)-Madaxweynaha dalka Liibiya, Mucamar Gaddafi ayaa khilaaf ka dhax dhaliyay dowladda iyo shacabka Talyaaniga kadib markii la sheegay in uu Diinta Islaamka soo galiyay gabdho Talyani ah,howl wadeenana ka ah shirkad diyaaaradeed kuwaasi oo ka qayb galayay kullan ka dhacayay xarunta dhaqanka ee Liibiya ay ku leedahay Rome. Madaxweyne Gaddafi ayaa la sheegay in [...]
Continue reading …Baydhabo (Alshahid)-Maamulka Alshabab ee degmada Baydhabo ee xarunta u ah gobolka Bay ayaa magayo ka badalay 3 xaafadood oo ka tirsan magaaladaasi isla markaasna u bixiyay magacyada hogaamiyayaal Alqaacida ah. Xaafadaha magacyada cusub loo bixiyay ayaa kala ah: Xaafada Iisha oo logu magic daray hogaamiyihii Alqaacida ee Ciraaq, Al-Zarqaawi kaasi oo ay Maraykanka dileen, xaafada [...]
Continue reading …Muqdisho (Alshahid)-Ra’iisal wasaara ku xigeenka ahna wasiirka dekkedaha iyo gaadiidka badda ee dowladda KMG, Sheekh Adan Maxamed Nuur (Adan Madoobe) ayaa ku eedeeyay kooxda Alshabab in ay dhibaatooyin badan ku hayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ganacsatada ah. Wasiirka oo saxaafada shir jaraa’id ugu qabtay xafiiskiisa ku dhex yaala dekkeda weyn ee Muqdisho ayaa sheegay [...]
Continue reading …