Alshabab iyo dowladda oo guulo ka kala sheegtay dagaalka Muqdisho.
Muqdisho (Alshahid)-Ururka Alshabab iyo dowladda KMG ayaa siyaabo kala duwan guulo uga kala sheegtay dagaalka maalintii sideedaad ka socda caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Afhayeenka dhinaca ciidamada ee Alshabab, Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ay ciidamadoodu guulo ka soo hoyeen, wuxuuna intaasi ku daray [...]
Dr. Cabdiqasim Salaad oo dhaliilay dowladda KMG iyo AMISOM.
Muqdisho (Alshahid)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Dr. Cabdiqasim Salaad Xassan ayaa dhaleeceyn usoo jeediyay kooxaha ku dagaalamaya caasimada Soomaaliya ee Muqdisho gaar ahaa dowladda KMG iyo ciidamada AMISOM. Dr. Cabdiqasim oo xalay u waramayay saxaafada Muqdisho isaga oo joogo dalka Masar ayaa waxa uu ugu baaqay dhinacyada isku haya dagaalka Muqdisho in ay u naxaan dadka [...]
Duqaymo iyo dagaal saaka ka socda Waqooyiga Muqdisho.
Muqdisho (Alshahid)-Degmooyin ka tirsan waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa saaka waxa uu dagaal xoog le ku dhex marayaa xoogaga Alshabab iyo ciidamada dowladda KMG oo garab ka helayo kuwa AMISOM. Dagaalka saaka ayaa xoogiisa ka dhacay degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley oo ay dhawaanahan isku hor fadhiyeen labada dhinac ee dagaalka u dhexeeyo waxaana weli aan war [...]
Madaxweyne Sharif oo caalamka kaalmo ka codsaday.
Muqdisho (Alshahid)-Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa mar kale baaq uu kaalmo ku waydiisanaya u diray Beesha Caalamka si gacan looga siiyo dowladda KMG la dagaalanka xoogaga mucaaradka ee ay Alshabab ugu weyntahay. Madaxweyne Sharif Sheekh Axmed oo maanta warsaxaafadeed kasoo saaray xafiiskiisa Muqdisho ayaa sheegay in ururka Alshabab iyo saaxiibadadooda Al-Qaacida ay Soomaaliya ka [...]
Dagaal culus oo galabta ka qarxay Hodan iyo Boondheere.
Muqdisho (Alshahid)-Dagaal aad u xoogan una dhexeeya ciidamada dowladda KMG, kuwa Ahlu Sunna iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo Alshabab oo dhanka kale ah ayaa galabnimadii maanta isku mar ka qarxay degmooyinka Boondheere iyo Hodan ee gobolka Banaadir. Dagaalka oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayna bar bar socotay duqayn xoogan oo [...]
Ciidamada Badda ee Denmark oo Burcad badeed ka badbaadiyay markab.
Nairobi (Alshahid)-Diyaarad ah nooca qumaatiga u kaca oo ka duushay guudka markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee NATO gaar ahaan kuwa dalka Denmark ayaa bad baadisay markab ganacsi oo marayay Gacanka Cadmeed kadib markii ay weerar kusoo qaadeen koox Burcad badeed Soomaali ah, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada badda ee Denmark. [...]
Danjire Cabdullahi Axmed Cadow oo ka hadlay dagaalka Muqdisho.
Nairobi (Alshahid)-Danjire Cabdullahi Axmed Cadow oo ah siyaasi can ka ah Soomaaliya haatana ku nool dalka Maraykanka ayaa ka hadlay dagaalka Muqdisho dulaystay kaasi oo uu ku tilmaamay mid awood lagu doonayo aana wax xal ah u keenayn Soomaaliya. Mudane Cadow ayaa sheegaya in kooxaha isku haya Muqdisho ay mid waliba doonayso gacan ku haynta [...]
Dagaalka Muqdisho oo maalintii 7aad galay.
Muqdisho (Alshahid)-Barqanimadii maanta ayaa waxaa mar kale dib u bilowday dagaalkii lixdii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday qaybo ka mid ah Muqdisho ayna ku hardamayeen xoogaga mucaaradka ee Alshabab hogaamiso iyo ciidamada dowladda KMG, kuwa Ahlu Sunna iyo AMISOM oo isku dhinac ah. Dagaalka maanta oo aan sidaas usii xoog badneyn ayaa ka dhacay [...]
Dhaq dhaqaaq ciidan oo ka taagan duleedka Baladweyne.
Baladweyne (Alshahid)-Sida ay sheegayaan wararka laga helay deegaanka Kala beyrka ee 24 km Waqooyiga kaga began Baladweyne waxaa saaka halkaasi soo gaaray ciidamo aad u tira badan oo isugu jira Ethiopian iyo kuwa dowladda KMG. Ciidamadan oo la sheegay in ay wataan gaadiidka dagaalka oo tiro badan ayaa saldhig ka samaystay isgoyska Kala beyrka oo [...]
Ahlu Sunna: Mowlaca Macallin Nuur annaga ayaa isaga baxnay.
Muqdisho (Alshahid)-Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ee galabnimadii Jimcada lagala wareegay gacan ku haynta saldhig ay ku lahaayeen degmada Hodan ayaa sheegay in saldhigaasi aysajn Alshabab ka qabsan balse ay uga baxeen sababo dhinaca xeelada militaryga ku salaysan. Afhayeenka Ahlu Sunna, Sheekh Cabduqadir Cabdullahi (Abu Yussuf) oo saxaafada Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in dhawaan ay [...]