Madaafiic saaka ku dhacday xarunta baarlamaanka.
Muqdisho (Alshahid)-Madaafiic dhowr ah ayaa saaka ku dhacday agagaarka xarunta baarlamaanka KMG (Gurriga Shacabka) halkaas oo ay maanta ku shirsan yihiin xubnaha baarlamaanka KMG ah. Wararka laga helay xarunta baarlamaanka ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 hoobiye ay kusoo dhaceen agagaarka gurriga umadda taas oo khal khal badan ku abuurtay dadka ka ag dhow goobtaas. [...]
Xukuumadda KMG iyo Ahlu Sunnah wax badan baa ka dhexeeya.
Muqdisho (Alshahid)-Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda KMG ah ayaa lagu sheegay in Ahlu Sunna ay muhiim u tahay geedi socodka nabada ee Soomaaliya ka socda, looguna baaqayo inay ka laabato hadalkii dhawaan uu sheegay afhayeenkooda oo ahaa inay waxba la qaybsan karin dowladda KMG ah. Warsaxaafadeedka ayaa sidatan u qornaa: Xukuumadda Federaalka Ku-Meel-Gaarka ah (XFKMG) waxay [...]
Musharixii ugu horeeyay ee xilka R/Wasaaraha Soomaaliya.
Prof. Muxiddiin Cali Yuusuf ayaa taariikhdu ahayd 24-ka September 2010 uga dhawaaqay hotel Naasahablood 2 ee magaalada Muqdishu musharaxnimadiisa xilka R/wasaaranimada Soomaaliya. Prof. Muxiddiin ayaa doonistiisa xilkaan ka sheegay qado sharaf uu u sameeyay qaar ka mida Isimada iyo aqoonyahannada beesha Majeerteen, wuxuuna ka codsaday inay ku taageeraan doonistiisa. Prof. Muxiddiin wuxuu xusay in haddii [...]
Madaxweyne Sharif oo sheegay inuu soo dhawaynayo wadahadal uu la sameeyo xoogaga mucaaradka.
New York (Alshahid)- Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sahriif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo wadahadal uu la bilaabo xoogaga mucaaradka (Alshabab iyo Xisbul Islam). Shariif Sheekh Axmed oo waraysi siiyay Idaacada VOA Laanteeda afka Soomaaliga ah oo la weydiiyey inuu heshiis la galayo kooxaha kasoo horjeeda haddii la dhex dhexaadiyo, ayaa sheegay inuu ciddii [...]
Xildhibaanada Soomaaliya oo isku khilaafsan waxa laga yeelayo golaha wasiirada ee uu madaxda u ahaa Cumar Cabdirashid.
Muqdisho (Alshahid)-Xildhibaanada baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa u muuqda kuwo sii daba jooga khilaafkii u dhexeeyay Madaxweyne Sharif iyo Ra’iisal wasaarihii is casilay ee Cumar Cabdirashid. Xildhibaanada qaarkood ayaa haatan ku howlan diyaarinta mooshin ay ku doonayaan in xukuumada cusub ee dhawaan lasoo dhisayo ay ahaato mid xubnaheeda ay cusub yihiin kana tirro yar [...]
Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo ka qaxay goobahoodii ganacsi.
Muqdisho (Alshahid)-Suuqa Bakaaraha oo mar ahaa kan ugu weyn gobolka Bariga Afrika ayaa haatan waxaa lasoo darsay duqayn iyo madaafiic aan waqti lahayn taas oo curyaamisay dhaq dhaqaaqii ganacsi ee suuqa isla markaasna sababta khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaara dadka shacabka ee suuqa jooga. Wararka laga helayo gudaha suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in [...]
Khudbadda Madaxweyne Shariif uu ka jeediyay xarunta Qaramada Midoobay (Aqriso khudbadda oo dhan).
Nairobi (Alshahid)-Madaxweyne shekh Shariif ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Xarunta QM ee uu ka socdo shirkii 65 Aad ee QM, Khudbadiisii oo aan idiin soo ratjumnayna waxay ku bilaabatay sidaan:- Marka hore waxaan rabaa in aan guddoomiyaha cusub Mr Jozef Dez ugu hambalyeeyo xilkiisa, guddoomiyaha waxaa lagu yaqaannaa in aqoon siyaasadeed iyo hoggaamin [...]
Ahlu Sunna oo sheegtay inay ka baxday dowladda kuna baaqday shir weyne Qaran.
Muqdisho (Alshahid)-Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ee ka mid ah kuwa ka dagaalama Soomaaliya ayaa shalay shaaca ka qaaday inaysan ka tirsaneyn dowladda KMG isla markaana aysan awood qaybsi la sameyneyn xukuumadda cusub ee dhawaan lasoo dhisayo. Afhayeenka Ahlu Sunna Waljamaaca, Sheekh Cabdullahi Cabdiraxman (Abu Yussuf Alqaadi) ayaa shalay Muqdisho ka sheegay in kadib kullamo maalmahan [...]
Gudoomiye Tarsan oo ugu baaqay reer Muqdisho inay Alshabab iska dhiciyaan.
Muqdisho (Alshahid)- Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamud Axmed Nuur Tarsan, ayaa ugu baaqay dadka ku dhaqan gobolka Banaadir inay la dagaalamaan kooxda Alshabab, maadaama buu yiri ay hantidooda xoog ku haystaan. Gudoomiyaha oo ka qayb qaadanayay barnaamij ka baxa Radio Muqdisho ayaa ku eedeeyay Alshabab inay yihiin ajaanib dalka kusoo duushay, banaysatayna dhaca iyo bililiqada hantida [...]
War murtiyeed kasoo baxay kullankii Qaramada Midoobay ka yeelatay arrinta Soomaaliya.
New York (Alshahid)-Waxaa magaalada New York ee dalka Maraykanka kusoo gaba gaboobay kullan madaxeed ay ka qayb galeen 37 wadan iyo ururo caalami ah kaasoo looga hadlayay xaalada Soomaaliya. War murtiyeed laga soo saaray kulan madaxeedkaas, ayaa lagu sheegay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin heshiiskii Jabuuti oo udub dhexaad u ahaa xal [...]