رتب لخدمات احصائيات و ترتيب المواقع | شبكة الشاهد الإخبارية - احصائيات و ترتيب

Shabaabka ma Rabaan Dawlad Soomalaiyeed?

shababcamp

Shabaabka: Wejiyadooda way xirtaan, sabata waa la garan la'yahay. Ma shacabkay iska qariyaan?

Shacabka Soomaaliyeed ayaa dareen kala duwan ka muujinaya sida ay u arkaan dagaallada ururka shabaab qaadeen iyo qaraxyadii ugu danbeeyey iyo waxa laga filan karo guulaha ilaa iyo haatan ay gaareen iyo in shabaab wax dawladnimo ama ama nabad Soomalaiya la doonayo.

Qeybo badana oo shacabka ka mid ah oo ku sugan gudaha dalka oo ay ku jiraan culimada iyo odoyada ayaan si xor ah u cabiri karin dareenkooda maadaama shabaabka lagu bartay gaalaysiinta iyo khaarijinta ciddii fikirkooda ka hor timaadda iyadoo digniino u diray culimo badan oo uu ka mid yahay boqol soon walaalkiis iyo sheekh axmed daahir aweys oo iyagu ka hadlay inaysan bannaanayn daadinta dhiiigga muslimka kuwasoo markii danbana midna iska aamusay midna dalka isaga baxay.

Caburinta ka sokow ma jirto cid si cad u sheegtay in mashruuca shabaab ay fahamsan tahay iyo waxa uu yahay oo shabaab qudhooda ma fahamsana macnaha dawladnimo mana usoo gudbin shacabka soomalaiyeed ilaa iyo hadda qaabka ay dawladnimo inay uga hirgasho Soomaaliya u doonayaan iyo sida calaamka kale loola noolaan karo.

Waxaa laga fahmayaa falalkooda iyo hadalkaba inay uun dagaal u joog yihiin waxa kaliya ay garanayaanna ay tahay dilka, isqarxinta, caburinta shacabka iyo kusoo rogista wareegtooyin hadba sida ay diintu u rabaan ama fahmaan ah tiiyo aysan wareegtooyinku mararka qaar nusuus la yaqaanno aysan ku qotomin balse ay tahay fahmakmooda ama hawadooda.

Waxaa kaloo ay ku dhawaqaan dagaal caalami ah oo aan waligiis joogsanayn oo ay beesha caalamka iyo soomalida ka aragti duwan kula jiraan iyadoo in badan u fahamtay in hadafkoodu yahay inaysan Soomaaliya dawlad ka dhalan mar haddii ay dawlad halkaasi ka hanaqaaddaa ay ka cabsanayaan inay diidoo in dalkeeda sii joogaan niman meelo kale wax kasoo qarxiyey ama kasoo qarxinaya oo ururro dibadeed ku xiran. dhanka kalana aysan iyagu qudhooda rajo ka qabin in loo daynayo dawlad ay iyagu xukumaan oo aan soomalidana talada wax uga ogolayn caalamkana heshiis nabadeed aan la gaari karin balse doonaysa inay dagaal uun kula jirto ilaa ay dunida qabsato taasoo aysan iyana gaari karin marka tabartooda la eego.

Waxaa kale oo ay og yihiin in awoodooda ciidan haatan ay uun dagaal fool ka fool ah la gali karto maleeshiyaadka Soomalaida ee habacsan ama aan iyaga ka tabar roonayn balse aysan ciidan nidaami ah oo hubka noocyadiisa kala duwan wata meeshuu doono haka yimaadee aysan fagaare kula dagaallami karin, kana difaacan karin goobaha ay haystaan sidaa darteedna iskuma shideeyaan dhisidda maamul sax ah ee meel walba waa amiir usii magacow dagaalkana sii wad, hadidi ciidan xooggan yimaadana waa dagaal jabhadayn, dhuumaalaysi iyo qarxin taasoo nuxurka noqonayo inaysan Soomaliya wax dawlad ah ka dhalan ilaa ama fikrika qaacida wax iska badalayo ama laga cirib tirayo ama dawladaha ay cadawsanayaan ka ogolaanayaan in loo dhaafo mashruuca ay rabaan qaacida iyo shabaab kasoo isna u muuqda mid fog.

Shacabka Soomaaliyeed ee cabursan ee arrintana daawanaya waxaa sugaya laba mid uun in ay aayahooda ka tashadaan oo shabaab iyo ciddii ku maquuniinaysa dagaal caalami ah oo aysan ka bixi karin iska qabtaan ama ay daawadaan shabaabka oo ay noqdan cowskii ku baaba’y meel maroodiyaal ku dirireen, oo dhinacna qaraxyo aan loo aaboo yeelin maalin walba in badan oo ka mid ah shacabku ku dhimato iyadoo la leeyahay dan idinkama linhin ee niyadiina ayaa la idinku soo bixinayaa oo hal cadawgnna ka mid ah hadii aan aragno intiina meesha maraysana waa cayayaan dhintay oo kale ama dhanka kale ay madaafiic la isku dul waydaarsado oo ay ku dhex baaba’aan. In badan shacabka waxaad mooddaa inay weysan yihiin hoggaan sax ah oo dawladnimada la raadisa sidaa darteedna ay hawl gab yihiin oo ay in badani iskaga qaxday dalka halka kuwa kalana ay iskaga dhex jiraan meelaha lagu dagaallamayo oo ay qaxi. la’ yihin waxaase ugu danbaynta masuuliyadda usoo wareegaysaa wax garadka iyo hogaanka bulshada oo la rabaa in wxii aan dalka ka shaqayn doonin si cad uga hor yimaadaan ugu yaraan afkaba haka cadeeyeene.
——-
Xogta: Goobjoog

Xogta: ALSHAHID

One Response to Shabaabka ma Rabaan Dawlad Soomalaiyeed?

  1. avatar
    abu nimco July 5, 2010 at 12:27 am

    wabsedkaan waxaa leh eeyo usheeeya amison iyo etobiya waxaa rabtiin maa noo sheiisiin minafiqiin baatihiin

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone