Dhawaan waxa aan akhriyay warbixin dheer oo joornaalka la yidhaa Newyork times uu ka qoray dhaliinyaro Soomaaliyeed oo mudooyinkii danbe ay wararku sheegayeen in ay ka guureen wadanka Maraykanka kuna noqdeen Soomaaliya si ay uga ag dagaalamaan ururka Al-Shabaab. Qayb wayn oo ka mida wararka uu joornaalkani soo bandhigay ee ku saabsan xogta dhaliinyaradan waxa uu -joornaalku- ka soo ururiyayay goobaha kulanka (Social network sites) ee ay dhaliinyaradaasi ku lahaayeen aalada internedka. Warbixinta joornaalkan waxa ku cad in shabakadahaasi ay ka mid ahaayeen shabakadaha fududeeyay xidhiidhka dhaliinyardan iyo ururka Al-shabaab. Sidoo kale waxa warbixintan ku cad in ay goobahaasi ahaayeen meelaha dhaliinyaradaas ku noqotay Soomaaliya ay kula soo xidhiidhi jireen asxaabtoodii ay kaga tageen qurbaha. Hadaba maxay yihiin goobahan kulanka internedku? Intee ayay faa’idadooda le’egtahay? Sidaas oo kale Khatartooduse intay le’egtahay?. Maqaalkan waxa aan kaga jawaabi doonaa su’aalahaas. Sidoo kale maqaalkan waxa aan ku soo gudbin doonaa talooyin muhiim ah oo ku saabsan goobahan kuwaas oo aan rajaynayno in ay waalidka Soomaaliyeed ka faa’idaysan doonaan.
Goobaha kulanka ee internedku waa meelo ay dadku isku bartaan, ku sheekaystaan isla markaana ay macluumaadka ku saabsan noloshooda isku dhaafsadaan. Waa goobo isticmaalkoodu uu mudooyinkan danbe aad u sii badanyo. Tusaale ahaan shabakada la yidhaa Facebook waxa ka diwaan gashan in ka badan 250 million xisaabood (account). Sidoo kale shabakada la yidhaa Myspace waxa iyana ka diwaan gashan 263 million[1] xisaabood. Ubadka yaryar iyo dhaliinyarada soo koraysa ayaa ugu badan dadka isticmaala goobahan. Afti aan ka qaadanay caruur Soomaaliyeed oo da’doodu u dhaxayso 10-14 waxa ka soo baxay in 70% caruurtaasi ay isticmaalaan qaar ka mida goobahan. Facebook, Twitter, Myspace iyo Window Live ayaa ka mida goobaha kulanka ee internedka.
Faa’idooyinka goobahan waxaa ka mida in ay xoojiyaan xidhiidhka uu qofku la leeyahay saaxiibadiis iyo qaraabadiisa. Sidoo kale waxa ay fududeeyeen is dhaafsiga macluumaadka. Waxa kale oo ay door ka qaataan in ay si fudud ugu xidhiidhaan dad badan oo ay hiwaayadi ka dhaxayso kuwaas oo aduunka kaga kala nool meelo kala duwan. Faa’idooyinkaas oo dhan waxa uu qofku helayaa isaga oo aan aqalkiisa dhaafin. Waxa uu qofku u baahanyahay oo kaliya waa Kombuyuutar ku xidhan aalada internedka.
Faai’idooyinkaas ka sakow waxa jirta in ay goobahani iyana khatartooda leeyihiin, khaastana ubadka soo koraya. Meelahani, waa meelo ay ka ugaadhsadaan dhamaanba inta xumaanta rabtaa. Kuwa ciyaalka faraxumeeya, kuwa daroogada iibiya, kuwa jidhkooda ka baayacmushtara, gangska iyo dhamaanba kuwa la midka ahi waa meelo ay ka ugaadhsadaan. Hadii uu qofku shabakadahan ku qoro macluumaadkiisa dhabta ah(sida magaciisa, ciwaankiisa, da’adiisa,telfoonkiisa) waxa ay mararka qaarkood sabab u noqon kartaa in tuugta interdenku ay macluumaadkaas u sticmaalaan si aan sax ahayn taas oo saamayn wayn ku yeelata nolasha qofkii macluumaadkaas iska lahaa.
Goobahani waxa kale oo ay noqdeen meelo dad badan oo aan fahan durugsan u lahayn diinta islaamku ay kula xidhiidhaan dadka aan cilmiga baalaadhan u lahayn diintooda, khaasatana da’yarta soo koraysa. Arinkani waxa ay khatrtiisu sii xoogsanaysaa waqtigan lagu jiro oo dhaliinyarada Soomaaliyeed ay hadafka u noqdeen ururadaas.
Khatartaas aan soo sheegay darteed waa in shabakadahan si taxader ku jiro loo isticmaalo. Waalidka Soomaaliyeed waxa aan u soo jeedinaynaa talooyinkan hoose oo hadii la qaato aan is leenahay waxa ay yaryn kartaa khatarta ka iman karta shabakadahan :
Gabagabda maqaalkan, ma soo jeedinayno in caruurta laga mamnuuco goobahan, laakiin waxa aan soo jeedinaynaa in ubadka lala socdo qaabka ay u isticmaalayaan goloyaashan. Sidoo kale waxa aan soo jeedinaynaa in aanu waalidku marna ogolaan in caruurta ay da’doodu ka yartahay 13 ay xubno ka noqdaan golayaashan. Hadii ay hore uga noqdeena waa in uu xisaabtooda ka tirtiraa goloyaashan.
This post was submitted by Siciid Cali Axmed.