Loading...
You are here:  Home  >  Maqaallada  >  Current Article

Dareen Af gabay!!!.

By   /  July 21, 2009  /  No Comments

    Print       Email

Adigoon waxbaranoo

Aroortii kalihinoo

Arday aadan noqonoo

Alif iyo hikaad baran

Anqas iyo qalin ku dhiganoo

Aqoon aadan kororsanoo

Aqligaaga kobcinoo

Adigoon tacliin dhiganan

Afaf iyo luqado baranoo

Adduunyada dulsaarnaaw

Ayaan darro maa ka weynoo.

Hor-u-dhacaan gaaban ugama jeedo inaan qormadaan kaga hadlayno waxbarshada iyo qiimaheeda, balse waxaan u soo qaatay inay ogaal la’aantu nuxur iyo bud dhig u tahay qormadeena, waxaanna si kooban u dul mari doonnaa caqabadaha soo foodsaara laba is calmatay ama qof hawada qof kale ka calmaday, haddana aan ku af ahayn.

Jacayl ama caashaq waa erayo dhihiddoodu sahlan tahay, balse xambaarsan macno weyn, waxay aas-aas u yihiin nolosha guud ahaan, waxay sabab u yihiin in la wadaago nolol, kuma sii jirto teeda lammaannimo, waa unugga sal xirka ah kuna dhisan tahay nolosha, haddaba mararka qaar way sahlan tahay waddooyinka loo maro, si ay u dhacdo in qofka hanto lammaanihiisa, waa wax sahlan in la wadaago: Af, Dhaqan, ama Diin, ama laba midkood ama saddaxdooda oo wada jira, kuma sii jirto haddii lammaanayaasha midkood yahay maanso yaqaan isku darsaday aftahannimo iyo codkarnimo, maxaa yeelay tani waxay keenaysaa in si fudud looga gudbo wixii caqabado ah ee la soo gudboonaada, ama soo jiidashada iyo kasbashada kolsoonida lammaanaha!.

Haddaba haddii ay jirto kala duwanaasho la xiriirta sida:  qaab labiska, cuntada, qaabka fekerka iyo guud ahaan aragtida nolosha ku aaddan, waa laga gudbi karaa, waase haddii afka la isla garanayo, sidoo kale haddii ay jirto kala duwanaasho dhanka Diinta ah iyo waxa la rumaysan yahay way fududahay si looga gudbaa, sababtoo ah waxaa lagu wada socon in qof walba dhankuu rabo u jeesto siduu rabana u cibaadayto, taas oon qofka kale waxba u dhibayn inay u noqoto dhamaystir mooyee!.

Haddiise labada is calmatay ama qof ka mid ah la calmaday aysan isku af ahayn, dareenka ka dhex abuurmaya wuxuu noqon mid aan qiimo yeelan, waana qaybtaan tan aan kaga hadlaynno qormada, markii ay indhahaaga deeqdo ee aad ka hesho qalanjo uu Eebe u dhamaystiray dheerar iyo joog, midabkeedu yahay dheeh aad u birbirqaya sida ileyska cadceedda, qaab samayska jirkeedu uu yahay mid aad loogu fara yarastay oon lahayn ceeb iyo iin, markii uu dareenkaagu raacay gabar tilmaamahaa leh ee ay qalbigaaga buuxisay, ee aad go’aansatay inaad hadasho una  bandhigato jacaylka aad u qaadday, haddii ay caqabaddii koowaad kugu noqoto luqaddii aad kula hadli laheyd, maadaama aad kala luqad tihiin- sow ma noqon dareen afkii gabay halkii looga baahnaa inuu afku u soo dhiciyo wixii uu tabayo!, ee markaas ma is tiri: maxay afafku u kala duwanaaden midbku waxba igama dhibeen!, ma is tiri: luqadahu maxay u kala gaddis naadeed dheehu waxba igama dhibeene!, ma is tiri: hadalku muxuu u kala weec sanaaday muuqaal waxba igama dhibaane!, ma is tiri: dhawaaqyadu maxay caynba cayn u noqdeen dhaqanku waxab igama dhibeene!, ma is tiri: maxay xarfuhu, shaqaladda iyo qaab dhigaalku u kala jeedsanaadeen hamham waxba igama dhibteene!, ma is tiri: maxay dhihiddu iyo hab cod soo saaristu u kala duwanaadeen cimilo iyo cibaado waxba igama dhibteene!, waase Abuur Eebbe!.

Erayadaa iyo kuwo la mid ah ayaa dareenkiisa ku dhasha, haddii uusan iskula sheekaysan heer cod dheer uu ku dhoho, oo ay wada maqlaan inta ka ag dhow, waxay haddaba dareen murugadu ku dheehan tahay ka soo baxaysaa qalbi la burburay qarracanka niyad jabkaa soo food saaray, dareenkii ku baurmay qalbigiisana waxaa hor istaagay luqaddii, waxay soo maraysaa murugadaa niyad uu ku dhacay burbur oon marnaba filayn inay helayso neecawda Jacaylka .

Luqaddii looga baahnaa inay jacaylka u noqoto baallihii uu ku haadi lahaa xambaaraha iyo gudbiyaha koowaad, marka ay ku noqoto caqabadda koowaad sow ma noqonayso cadawga Jacaylka, afkii looga bahnaa dareenka jacaylka inuu u doodo markuu noqdo caqabadda hor istaagta sow ma ahan dhibaato, marka hadalka luqadduhu noqdaan waxa horjoogsada inuu jacaylku abuurmo, si uu u arko iftiinka waxa laga dareemayo qalbiga ama wadnaha, haddii afkaagu -waa luqadda aadeegsanaysee  ay kaa hor is taagto inaad la xiriirto inantii aad calmatay sow noqon mayso luqaddu cadawgaaga koowaad, oo ku taami maysid in adduunka laga tirtiro ama laga dabar gooyo luqadaha!, mar kale sow ku calaacali maysid in adduunka loo sameeyo hal luqad oo ka wada dhexeysa, si aysan u dhicin is afgaran waa iyo in la kala dhex galo lammaanayaal is calmaday ama naf naf kale calmatay!, ugu dambayn waxaan ku soo af meerayaa qormadaan maanso deel qaaf ah, ama maansada qalin ku qorka qoraaga.

 Maansadiina waa tan:

Adigoo uu caashaqo

Albaabadiisa kuu furay

Aqalkiisa waasacaa

Kugu soo agaasimay

Ahlan kugu yaraaday.

Caashaqaa abuurmee

Aragtida jalleecda

Abyantii haweenkee

Araggaaga deeqdee

Aad go’aan ku gaartee

Hadal aad wadaagtaan.

Afkaagii ku ciiloo

Ajnabi kaa dhigaayoo

Afgaran waa dhacaayoo

Carabkaa adkaadaa

Aad garan afkeediyo

Luqadday adeegsani!.

Dareenkaa af waayee

Hadal uu ammaantiyo

Xikmaddaa ku aaburan

Aqligiisa buuxdee

Arar uu ku sheegiyo

Waayo luqadoo adeegsan.

Ayaantii uu caashaqay

Abaaryadii bidhaantee

Ayaamaha la beegsiyo

Guga xiga abaartiyo

Aarantaa cagaarkiyo

Aqbadu daadanaysuu

 Aqal galid filaayoo

Aruuskuna qoshaystee. 

Waxse dhacay amaroo

 Ayaankii xumaayoo

Aayihii mugdowyoo

Amakaak iyo ciil

Aamus iyo dhafakaar

Afkii juuqda gabyee!.

 

Bashiir M. Xersi.

brdiraac@hotmail.com .

    Print       Email

About the author

avatar

Waa saxafi Soomaaliyeed ka soo qalin jebiyay Kulliyaddii Saxaafadda Soomaaliya 1985. Shaqooyinka uu qabtay waxaa ka mid ah: soo saare Telefishinka Qaranka (1986-1990), Guddoomiyaha Wargayska Qaran (1991-1995), Tifaftiraha Wargayska maamilnlaha "Ayaamaha" (1995-2007), Tifaftiraha Wargayska "Somali National Post" oo ka soo baxa Nairobi (2008-2009). Dhowr urur saxafadeed ayuu oday ka noqday, hadda waa macalliin dhinaca saxaafadda ah, isla markaana waa tifaftiraha Qaybta Soomaaliga ee Shabakadda Alshaahid qaybta Soomaaliga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

You might also like...

FEYSAL CUMAR MUSHTEEG

Waan xusuustaye ila xus!! (Qayb kale iyo Qof kale)

Read More →