Xiriirka dhex mara labada jinsi ee uu ka koobanyahay bini aadamka ayaa la sheegaa inuu yahay xiriirka ugu fiican uguna dhibaatada badan waa haddii si xun loo adeegsado waana suno rabaani ah in labada jinsi xiriir qoto dheer dhexe maro sidoo kale nolosho ayaa ku dhisan sababtoo ah shey kasta waxaa laga abuuray labo jinsi si nolashu u dheeli tiranto haddaba fahamka guud ee xiriirka dhex mara laba jinsi waa lagu kala duwanyahay waxeyna ku xirantahay hadba dhaqanka bulsho kasta, sidaa darteed qoraalkan ayaan rabaa inaan ku lafa guro gabdhaheena soomaaliyeed qaabka ay u fahmaan xiriirka ama waayo aragnimadooda dhankaas laga soo bilaabo burburkii dowladii dhexe ee soomaaliya sababta aan saa u leeyahay waa iyadoo soomaaliya dhankasta ay ka burburtay waxaana shaqsiyan aaminsanahay in dhibaatooyinka Somalia la degay ay ka bilowdaan qowska.
Marka aan eegno sida culumadda nafsiga ay sheegan waxaa qof waliba muhiim u ah inuu ka tirsanaado koox oo waxa ay aaminsanyihiin inaysan shaqsi kaligii noolan Karin hadii ay taasi dhacdana qoftaas si wax ka yihiin sababtaa darteed ayay marka caruurta iskuulka bilaabayaan iskula fariisiyaan labo labo taasoo dhiiri galin u ah bilowga xiriirkooda xitaa marka homework loo dirayo ama shaqo guri waxaa la isku raaciyaa labo labo yacnii gabadh iyo wiil, Sidoo kale marka aad booqato dhaqtar nafsaani ah oo aad u sheegto dhibaatada ku heysata su,aasha ugu horeysa oo uu ku weydiinaya waa saaxiib ma leedahay yacnii waxaad moodaa in culumada ku takhasusay nafsada ay aaminsanyihiin dhibaato waliba inay ka bilaabato kali ahaanta ama xiriir la,aanta dhinac kastaba ha noqotee saa darteed reer galbeedka aad bay u xushmeeyaan una ilaaliyaan arimaha bulshada iyo xiriirka dhex mara haweenka iyo ragga sidoo kale perception-kooda ama fahamkooda dhanka xiriirka dhex mara laba jinsi aad buu uga duwanyahay midkanaga.
Haddaba marka aan u soo degno bulshadeena soomaaliyeed oo runtii dhankasta ka burburtay waxaan dhihi karnaa burburka dhanka bulshada wuxuu qeyb weyn ka yahay ayaan darada dadkeena ku habsatay muddada rubuc qarniga ku sii dhow daraaso ay sameeysay urur bulsho oo ka howl gala gudaha soomaliya ayaa lagu cadeeyay in boqolkiiba 70% furiinka ka dhaca soomaliya ay sabab u tahay xiriir xumada dhex marta gabdhaha iyo wiilasha taasoo ay ururku sheegeen in caruur fara badan darbi jiifyo noqdeen kuwa kalena siyaabo kale loo adeegsado sida dagaalada, shaqooyinka addadag, iyadoo aysan jirin cid u dooda xuquuqdooda sidoo kale ururka ayaa sheegay inaysan jirin aqoon dhanka thaqaafada xiriirka survey ay sameysana waxaa lagu ogaaday in gabdhaha boqolkiiba 60$ ay aaminsanyihin xiriirka inuu yahay xiriirka jinsiga ah halka ay wax ka yar boqolkiiba 20% ay aaminsanyihiin in arintu intaa ka qoto dheertahay .
Haddaba gabdhaheena ayaa ah kuwa ku liita ama aan wax badan ka fahansaneyn xiriirka dhex mara labada jinsi sababtoo ah waxa badanaa dhacda gabdho yar yar oo la guursado gabdho bilo gudahood lagu guursaday iyo waxyaabo badan oo aan mucjiso ku tilmaami karo sababtuna waxa weeye gabdhaheena oo arinta ka fiiriya dhanka dhaqaalaha iyo jinsiga arimahaas oo ah kuwa hoose marka la dhisayo guri, muhiimada uu xiriirku leeyahayna waa in labada qof ay isku qanciyaan dhanka behaviorka ama dabeecada iyo waxyaaba ay qof waliba ka hesho yacnii labada qof inay isaka mid noqdaan ama isaka soo dhawaadan aragti ahaan masiirka noloshooda taasina waxa ay ku iman kartaa in la sameeyo xiriir qoto dheer oo arimahaa lagu lafo guraayo.
Dhanka kale gabadha waa udub dhexaadka qowska iyagaana looga baahanyahay inay xushaan ninka u qalma fulinkarana baahida qowska taasina waxa ay ku imaan kartaa ka fiirsi dheer iyo xiriir qoto dheer oo ay la yeelato qofka ay rabto inay nolol la wadaagto maadaama ay tahay jinsiga ugu nugul uguna dhibaatada badan waa hadii burbur dhaco
Ugu danbeyntii waxaan ku talinayaa in xooga la saaro dood cilmiyeedyo looga hadlaayo arimaha keena xiriir xumada dhex marta gabdhaheena iyo wiilasha iyo burburkan ku yimid qowsaska soomaliyeed lana qabto orientations dhanka bulshada ah si loo yareeyo burburka ku habsaday bulshadeena sidoo kale gabdhaheena waxaa u haboonan laheyd inay si wacan u fahmaan xiriirka oo aysan fiirin waxyaabo yar sababto ah noloshu ma ahan taas oo kaliya
waa sax gabdhehhena waa dhoorayaal mana garanayaan sida aad sheegtay
tan kale qoraaga waxaan ka codsanaa in uu badiyo maqaalada ceynkan ah
waxan u mahad celinaya qore sare saacid ahmada oo u dhabagalay waxa maanta ka taagan dhanka dumarka balse waxan leeyahay ama aan ka codsanaya in uu sidaan mar waliba ugu soo bandhigo inta aanan aqoonin xiriirka uu qoray qoraaga
ok walal howshaas waa mid nagu waajib ah
Qoraag aad ayuu umahsanyahay ,maqaalkaan oo kalana muda yaan sugeeynay , waxaana leeyahay horay u siiwad maqaalda noocaaan oo kale .
wana ku mahad san tahay inaa ka hadashay sawabtakentay dhib kan waa raga
Sxb marka hore maskaxda gaalada ayaad wadataa, maxaa yeelay diinta maxay ka qabtaa arintaas kama aadan hadal, qofka muslimka ahna waa inay diintiisa ahaataa nr. 1. marka siday aniga ila tahay xalku waa Islaam ee diinta haloo noqdo
waa sax walal muslim sida aad sheegtay runtiina waa laga yaaba inaan hilmaamay dhanka aad isoo xasuusisay oo ananba eegin waxa diinteenu ka qabto
thnkz bro
een qoraal juhdi lagu bixiyay ma rabo inaan cilad ka sheego,, een wada socoshada dheer diinteenu ma qabto,, oo waxa ka dhalan kara is damac iyo wax ka sii xun,, een Rasuulkeena NKH wuxuu yiri ” Al Xubbo bacdal zawaaj” oo micnaheedu yahay,, Jaceylka waa guurka gadaashii,, ka hor waa been iyo wuxuu sheydaan kuu qurxiyay,, muhimadu waa reerka gabarta inaad iska hubiso iyo aqlaaqda gabarta,, is fahanka iyo jaceylka isagaa dib ka imaanaya,, siduu Rasuulkeena inoo sheegay,,, mahadsanid walaal
thnks mr saacid waad qiyaastay all mashaacirta dhalinta somliyeed, ee sudan.
walaal saacid waxa aan layaabay qoraalkada sida uu uqan ciyay gabdho iyo willalba midba midka kale ayuu isleeyahay iyaga ayuu runta kasheegay
waana markii ugu horaysay oo aan arko qoraal labada dhinac qanciya
warkaan aniga waanba ka yaabanahay side qalafsan ee uu uga hadlayo gabdhaha somaliyeed ma nin maseyrsan baa qorey see wax u jiraan?
walale horta waa mahadsantahay juhdiga aadkubixisay qoriada maqaalkan lakiin .walaale waxa wanaagsan inaad danka diinta ka egtaa ayadana .
dadka qaarbaa leh jacaylka wa guurka kadib waa sax waa hadalka naiga(SCW) lakiin su asha naloosobandhigaa ah maxa kena gurka kadib furtaankaan badan ee somalia ku soo kordhay , taasna anigu waxaan oran lahaa fikir ahaantayda , waa wax ay sabab uyihiin labada lamaanahaa ee dhistay gurigaas tas oo inta badana salka ku haysa jaahilimo iyo dalkii oo asna iska burbursan oo muskilado ka aloosanyihiin .
runtii waa qoraal wanaagsan wana kumahadsanyahay qoraagu balse waxan yara fikrad aahan ugu bidhaamin laha qoraaga qeer alaah siiye inuu eego waxa ay diinta ka qabto xiriirada nuucaas ah, ama aan iraahdo kuwa reer galbeedka.
runtii waxa jirta arin aan la iska indhatirikarin, taasina wa in umad waliba ay leedahay dhaqan iyo caado,ha ahaato dhinac kasta oo nolosha ka mid ah.
marka waajib ma ahan inan umado kale dhaqankooda qaadana oo aan keena kataga
anigo og in soomaalidu ay ku liidato majaalkan ah xiriirka ka dhaxeeya wiilasha iyo gabdhaha, qaasatan dhalinta maanta jirta aan eeda saare. sababtuna waxa ay tahay iyaga oo aan aqoon dheerad ah u laheen xiriirkaas qiimaha uu ku fadhiyo iyo ahmiyada uu kuleeyahay mustaqbalkiisa iyo kan ubadka uu dhali doono.
mahadsanid qora sare. mr.saacid omar
Walal jazakalahu kheyrul jiza. Marka xigta waxa kena furinka wa in lahilmamo marka hore marka xigtana in hawenka aysan aqon darada ninkaleyahay ama waajibka ukuleyahay sbabtuna wa in ay firconi yihn