عربي - English - Soomaali
Wasiir ugu baaqay Ra’iisal wasaare Cumar in uu iscasilo. | Ra’iisal wasaare Cumar oo Nairobi kullan kula qaatay xildhibaano. | Khaadiga Guud ee Kenya: Ciida waxaan tukanaynaa maalinta Sabtida ah. | Burcad badeed Soomaali ah oo qafaashay markab xamuul ah iyo 18 shaqaale ah. | Alshabab oo shacabka Muqdisho u cayimay goobo ay ku tukadaan salaada Ciida. | Xaalada Muqdisho oo saaka dagay kadib dagaalo socday tan iyo xalay suxuurtii. | Hogaamiya dhaqameed Soomaali ah oo Libya kala hadlay siideynta maxaabiista Soomaaliyeed. | Alshabab oo weeraro hor leh uga digtay Uganda. | UNHCR: 230 qof ayaa lagu dilay dagaladii ugu dambeeyay Muqdisho. |

Ma og tahay…? (Xaqiiqooyin la yaab leh…!)

16 May, 2010

Waxaa jira malaayiin waxyaabood oo aad la yaabaysid marka lagu sheego balse hadana biya kama dhibcaan ah, kuwaasoo laga yaabo in aanad ogeyn laakiin inaad aqrisaa waxay kuu yeelan kartaa xiise gaar ah…!

Ma og tahay aqristoow in Gooryaan-dhuleedku leeyahay 5 wadne, isla markaana halkii libiqsi ay ku qaadato 0.3 ilbiriqsi…!

Ma og tahay in nus bilyan dad ah,  ku dhowaad 8-dii qofba uu mid ka mid ihi la ildaranyahay nafaqa darro raagtey…!

Ma og tahay in kaneecada dhadig ay u jaqdo dhiiga insaanka iyo xayawaanka kale si ay ugu nafaqeyso ugxanteeda ee ay iyadu dheefsato dhabaqa (nector) iyo dheecaanada kale ee laga helo dhirta…!

Ma og tahay in Lyndon B. Johnson uu ahaa madaxweynihii ugu horeeyey dalka Maraykanka ee xirta okiyaalaha araga ee loo yaqaano Contacta lenses ama bikaacyada taabashada oo la saaro qaybta madoow ee mooyda isha si wax loogu arko ama loogu xaragoodo…!

Ma og tahay in kahor intii aan la sameeynin hawo qaboojiyaha (air condition) in la isticmaali jirey walxo ka sameeysan suuf oo inta la qooyo la saari jirey alaabta la doonayo in wax lagu qaboojiyo..!

Ma og tahay in business.com uu yahay domain-ka ugu qaalisan aduunka iyadoo dhowaantan lagu iibiyay qiime dhan 7.5 milyan oo doolar…!

Ma og tahay in carabka Jirjirrooluhu uu ka dheeryahay bahalka iyo carabkiisa oo la isku daray, isla markaana uu wax soo qaban karo isagoo ku socda xawaare dhan 16 cagood ilbiriqsigii..!

Ma og tahay inuu yaxaasku saacadiiba orod ku jari karo masaafo dhan 11 mayl….!

Ma og tahay in 95% liinta laga isticmaalo Maraykanka oo idil ay kasoo go’do gobolada California iyo Arizona ee isla dalkaasi…!

Ma og tahay in alifbeetada Ingiriisigu ay markii hore ka koobneyd 24 xaraf oo qura iyadoo markii dambe gadaal looga soo biiriyay xarfaha “J“ iyo  “U“.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

E-mail:-maxaaji@hotmail.com                     

Gothenburg, Sweden

Xogta: ALSHAHID
Categories: Koroso Aqoontaada, Maqaallada
Tags:

Tacliiq qor

Log in /