Rajminta Al-shabaab, xisbul Islaam Iyo Shareeecadda Islaamka
Wararkii Soomaalidda ee usbuucyadii ina dhaafay waxa ka mid ahaa war sheegayay xukum rajmina oo ay fuliyeen kooxda Xisbul Islaam ee ka talisa magaalada Afgooye. Soomaliddu fasiraada dhacddadan iyo kuwii la midka ahaa ee ka horeeyay waa ay isku khilaafeen. Qolo waxa ay ku doodeen in rajmintani ay tahay mid loogu gargaarayo shareecadda Islaamka. Qole kale waxa ay falkan u arkaan fal arxan dara ah oo waliba dulmi ku ah kuwii lagu fuliyay xukumkaas, qolooyinkan qaarkood waxa ayaba aaminsan yihiin in xukumka rajmintu aanu ku soo aroorin shareeceada Islaamka ee uu yahay mid laga soo guuriyay kutubtii umadihii hore. Qolo sadexaad, iyagu may diidin in rajmigu uu yahay xukum ka mida axkaamta shareecada Islaamka laakiin waxa ay shaki wayn galiyeen daacaddnimada kooxaha fulinaya xukmka ee Al-shabaab iyo Xisbul Islaam. Qoladani waxa ay ku doodayaan in hirgalinta xudduudu ay u baahantahay dawlad ee aanay koox yari kaligeed hir galin karin, sidaas oo kale waxa ay ku doodayaan in aanay kooxahani u marin fulinta xadkan wadadadii ay shareecadu u dajisay. Hadaba yaa saxsan? Yaa qaldan? Maxay shareecadu ka qabtaa rajminta? Waddadee ayaase loo maryaa hirgalinta xaddkan? Su’aalahaasi waxa ay ka mid yihiin su’aalo ay dad badani is waydiinayaan, waana su’aalaha aan jawaabtooda ku eegi doono qormadan.
Shareecaddu ka balaadhan xuduud
Xuduuddu waa qayb yar oo ka mida axkaamta diinta Islaamka. Axkaamta diinta Islaamka waxa uu Ilaahay u soo dajiyay in ay bani’aadmiga u horseedaan nolol fiican. Waxyaabaha uu Islaamku aadka ula dagaalamay ee mujtamacyada burburiya waxa ka mida sinada (galmada aan xalaasha ahayn). Qof kasta oo caqli leh kama qarsoona caaqibo xumada ay sinadu u leedahay qofka iyo mujtamaca xumaantaas banaysta. Raad xuma wayn ayuu ficilkani ku yeeshaa mujtamaca khaasatan hadii qofka ficilkan samaynayaa uu yahay qof xaas ah amaba hore u soo guursaday. Diinta Islaamku dhaqan xumaddan iyo inta samaynaysaba dagaal wayn ayay ku qaaday, waxaana ay u samaysay axkaam khaas ah oo ay kaga hortagyso in ay dhaqan xumadani ku faafto mujtamaca dhexdiisa.
Kala duwanaanta qawaaniinta
Inta aanaynu axkaamtaas ka hadal waxa muhiim ah in la isla fahmo in umaduhu ay ku kala duwan yihiin qaab ciqaabeedka ay ku abaal mariyaan danbiilayaasha sharciga jabiya. Sharci (qaanuun) dad ula eeg in uu adagyahay ayaa dad kale ula eeg in uu munaasib yahay. Tusaale ahaan, ciqaabta “Dilka” wadamada Yurub iyo Kanada waxa ay u arkaan mid qaladan, adag oo xuquuqda qofka ka hor imanaysa, wadanka Maraykanka iyo wadamo badan oo kale se waxa loo arkaa in ay tahay ciqaab sax ah, miisaaman, oo lagu abaal marinayo danbiilayaasha qaarkood. Dadka ciqaabta shareecada Islaamka u arka in ay tahay mid aan naxariis lahayn waa dad jaahil ka ah nidaamka uu Islaamku ula dagaalamo danbiilayaasha iyo danbiyadaba. Waxaan ku doodaynaa in aanay qawaaniinta Islaamku adkayn isla markaana uu wanaaga mujtamacu ku jiro ku dhaqankooda, waase hadii loo hirgaliyo sidii/waqtigii ay diintu jidaysay.
Rajminta iyo diinta Islaamka
Axaadiis saxiixa oo ku sugan kitaabka Bukhaariga iyo Muslimkuba waxa ay sugayaan in rajmigu yahay mid uu nabigu(csw) ficil ahaan uu sameeyay isla markaana uu asxaabtiisa faray in ay sameeyaan. Afarta mad-hab na waa ay isku waafaqeen sharcinimada arinkan. Waxaba uu soo wariyay Iimaamka la yidhaa Ibnu Qudaamah in culimada Islaamka ee lagu kalsoonyahay ay dhamaantood isku waafaqeen sharcinimada arinkan. Sidaa si le’eg ayuu Sheekha Shawkaani la yidhaa soo wariyay. Waan arkay dad diidan jiritaanka ciqaabtan lakiin taageero badan oo daliil ku dhisan ma haysataan. Waa laga doodi karaa qaabka/waqtiga loo dabaqayo xukumkan laakiin in laga doodo jiritaankeedu waa waqti lumis.
Si kooban sharcigan waxa lagu fulinayaa qofkasta oo sinaysata oo xaas ah amaba guur hore u soo maray. Ciqaabtan si loo hirgaliyose shareecadu waxa ay u dajisay shuruudo iyo jaranjarooyin loo maro fulinteeda. Si ciqaabtan loo hirgaliyo waa in marka hore la sugaa in falkani dhacay. Shareecadu waa ay adkaysay sida lagu sugayo falkan, waayo ujeeddada ka danbaysay hirgalinta xukumkani waa in ay dadka cabsi galiso si aanay dhaqan dhaqankani u noqon mid mujtamaca ku dhex faafa. Aynu bal hadaba isla eegno qaabka ay shereecadu u sugayso falkan:
Qirasho: Waa in uu qofku qirto in uu sinaystay isla markaana uu rabo in lagu fuliyo sharcigan. Si qirashada qofkaas loo aqabalo waa in uu qaadigu hubiyaa in qofkani waxa uu qiranayaa ay run tahay. Waa in uu sidoo kale hubiyaa in caqligiisu fayowyahay isla markaana aanay jirin cid qofkan ku qasbaysa qirashada arinkan. Waxa la soo wariyaa in nin uu nabiga u yimid oo uu u qirtay in uu sinaystay isagoo xaas ah. Nabigu(csw) waxa uu waydiiyay dadkii- ay ninkaas tolka ahaayeen- in caqligiisu uu dhan yahay iyo in kale. Waxa ay tolkiis u sheegen nabiga in aanay waali ku ogayn ninkaas. Intaas kadib nabigu (csw) ninkii ayuu waraystay si uu bal u hubiyo waxa uu ninkani sheegayaa in ay sax tahay iyo in kale. Su’aalo badan ayuu waydiiyay oo aad dareemayso in uu nabigu rabo in uu qiil u raadiyo ninkaas. Markii uu qofkaasi si cad u qirtay in uu ficilkaas sameeyay isla markaana uu nabigu hubiyay in maskaxdiisu ay dhantahay ayuu amray in la rajmiyo. Hadii uu qofku qirto sinada oo uu dabadeed ka noqdo qirashadaas maxaa la yeelayaa? Waa in la aqbalo ka noqoshadiisaa, waa hadii aanay jirin daliil kale oo aan ahayn qirashadiisaas oo qofka lagu hayo. Sidaas ayay culimo badani qabaan. Mida kale waa in uu afar jeer oo kala duwan uu qaadiga hortiisa ka qirtaa in uu ficilkan sameeyay.
Markhaatiyo : Mida labaad ee ay ku sugmaysaa waa in la helo 4 markhaati oo aan been iyo xumaan lagu ogayn oo qiraya in ay arkeen qofkaas oo xumaantaas samaynaya. Qaadigu waa in uu hubiyaa in markaatiyadani waxa ay sheegayaan ay hubaan. Waa in uu waydiiyaa waqtiga , meesha iyo waxa ay arkeen in uu qofkaasi samaynayay. Waa in baadhitaan xoogan uu qaadigu ku sameeyaa markhaatiyadaas waayo markhaati furkoodu waxa uu sabab u noqon karaa in qofkaasiuu naftiisa waayo.
Uur: Culimada qaar ayaa qaba in hadii gabadhu ayna xaas lahayn, isla markaana ay uur yeelato in xadka lagu qaado. Laakiin inta badan culimad muslimiintu waxa shardi ka dhigayaan in ay gabadhu ay qirato in ay si xor ay iyadu sinada u samaysay.. Waana sida saxa ah, hadii kale waxa dhici karta in gabadh la kufsaday waliba oo iyadu dulman in xad lagu oogo.
Arimahaas oo dhan hadaad si xeel dheer ugu fiirsato waxa kuu soo baxaya in Islaamku uu xadkan ku oogayo laba qolo oo kaliya. Qolo waa qolo uu damiirkoodu u saamixi waayay in xumaan ay sameeyeen ay aakhiro Ilaahay la hor tagaan. Inkasta oo ay ka toobad kani kareen, hadana damiirkooda ayaa siin waayay in ay qarsadaan ficilkaas.Sida caadiga ah waa ay adagtahay in danbiilayaashu ay danbigooda qirtaaan. Taariikhduna ma sheegin dad badan oo ficilkan qirta. Qoloda kale waa qolo xumaanta suuqyada la yimid, oo dhaqan xumadooda la yimid meel cid kastaba arkayso. Way adagtahay ayaan is leeyahay in la helo afar markhaatiya oo markhaati ka noqda in ay arkeen dad xumaantan faraha kula jira, waa hadii aanay dadkaasi ahayn dad dhaqan xumadoda meel kasta la taagan.! Sheekha la yidhaa Dr.Yusuf Al-qaradawi waxa uu ku fatwooday xitaa hadii Kamarad la qariyo oo qofkaas xumaanta uu samaynayo laga duubo isaga oon ogayn in aan xadka lagu oogayn, waayo waxa loo baahan yahay ayuu yidhi in la helo afar qof oo iyagu ficilkaas arkayay.
Xuduudda Xisbul Islaam iyo Al- Shabaab
Intaas ka dib, waxa aan ku doodaynaa in aanay kooxahan Soomaalidu ee leh xad baan oogaynaa aanay la imanin dhamaanba arimhii looga baahnaa hirgalinta xuduuda Islaamka. Culimo badan oo leh kuwa hore iyo kuwa iminka joogaba waxa ay sheegeen in xuduudda hirgalinteedu ay u baahantahay nidaam dawladeed ee aanay koox amaba shakhsiyo hirgalin karin. Waxa ay u baahantahay qaadiyo faham fiican u leh nidaamka ciqaabta ee ay shareecada Islaamku doonayso. Waxa ay baahantahay nidaam maxkamadeed kala sareeya oo suga danibiga danbiilaha lagu soo oogayo. Waxa ay baahantahay in la hubiyo caqliga qofkan lagu qaadayo xukumka. Ma aha arin fudud in qof naftiisa la qaado ama xubin muhiim ah oo jidhkiisa ka mida la gooyo, sidaa daraadeed waxa ay u baahan tahay degenaanshiiyo iyo hubsiimo badan. Si axkaamta Islaamku u hirgasho waa in la helaa nidaam garsoor oo ay dadku kalsooni ku qabaan. Waa doodayda in aan shuruudahaas wali la hayn.
Hadii afartii wadaad ee magaalo joogaaba inta ay qof danbi ku soo oogaan, sawiro ka qaadaan, dabadeedna ay yidhaahdaan shareecad baan dabaqaynaa ee na daawada, taasi dabaqaad shareeco noqon mayso ee waxa ay u eekaanaysa ku ciyaarid shareeco. Waxaana laga yaabaa hadii sidaas wax ku sii wadaan in waqtiga aan fogayn ay ay dad badan diintooda ka fidneeyaan.
Khaladka Saxaafadda
Ugu danbayn, qolooyinka warfaafinta-ee sawirada ciqaabaha soo tabiyaa-waa in ay iyaguna hab dhaqankooda saxaafadeed dib u eegaan. Wadamad xuduudda ooga sida Sucuudiga oo kale wali ma arag meel inta wariyayaasha loo yeedho la yidhaa kaalaya qofka la dilayo sawira, ka dibna sawiradii la soo galiyo internedka iyo you tubeka oo ciyaal iyo ciroolaba daawanayaan. Taasi dhaqan saxaafadeed ma aha ee waa in ay qolooyinkaai dib isugu noqdaan oo ay ka fiirsadaan sawirada ay soo gudbinyaan,.Dadka ay soo sawirayaan xurmo ayay leeyihiin xitaa hadii ay danbiilayaal yihiin…
mahadsanid, waxaan u mahadcelinayaa qoraaga siciid.runtii waa maqaal wanaagsan oo si kooban oo waafi ah uga hadlaya arin inta badan ay dadka si waafi ah oo xikmad ah uga hadal.
maqaalkan oo kale way yar tahay in lagu arko websityada somalida.
shukran.
aad ayuu ugu mahadsanyahay walaalkeen Siciid sida wanaagsanee noo tusay xukunka sinada iyo ciqaabta ku haboon.
walaal saciid aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay sida aad noogu soo gudbisay ama aad noogu tafatirtay wax yaabaha ay wadaan shabaab iyo xisbul islaam qolooyinka la magac baxay rijmigaas waa aya ku ku qaldan yihiin ma dowlad baa jirto ma maxkamad baa jirto oo shareecada islaamka dadka ku xukunto waa maya goormaa laga rabaa qofka in uu rejmiga sameeyo waa markii la helo dowlad muslin ah iyo maxkamad layku xukumo ay jirto iyo kala danbeey ay jirto oo qofkii danbi galo lagu xumo intaasba ma jirto wadan dagaal kasocdo waaye wadan sidee loogu dhaqmaa shereecada islaamka ayaga dadka ayey laaynayaa ma rabaan in ay dowlad dhalato waxay u socdaan nin waliba waa kursi raadis iyo maskax shisheeye ay ku dagaalamo mida kal;e saxaafada waxaan lee yahay yey ka yeelin qof la qalaayo in ay webka soogaliyaan ama rarajminaay ninkii soo geliya waa danbiile sacuudiga waa uu sameyaa laakiin sooma geliyo talafishinada iyo nedadka suxufiyiinta walaalahayna taas ayaan ka waaninaya yuu soogelinin ninka waxaa samaynaayo asaga keligiisa ha ku ekaato waa dad sharciga muslimka waxba aan ka ogeen oo jaahil ka ah ninka markii la rajminaayo in meel banaan ah lageeyo oo banaankaasi lagu fuliyo ayaa laga rabaa in shacabka dhexdiisa lagu fuliyo ma ahan intaas waxay u yeelayaan ha niilaga cabsado iyo isku dayasha waayo xasan daahir awey ayaa arintaan ka danbeeye oo dhahay rajmiga ninkaas halagu fuliyo asaga ayaa qaldaayo dadka kana cabsanaayo shabaab in ay dilaan waayo mida kale oo indin sheegaayo waxay tahay in dadka madaxda ah alshabaab iyo xisul islaam la magac baxay ilmahooda dibada ayey geeyeen waxay rabaan dhalinyara hada soo koraysa in ay layaan kuwooda u badbadaan sida xasan daahir oo kale ilmahiisa waxay joogaan oo jaamacad ka dhiganayaa magaalada qaahira dalka masar marka wax uu ka naxaayo miyaa jira odaygaas waa maya iley ilma wadanka ka joogaan waad mahad san tahay saciid qoraalka aad noo soo gudbiisay iyo webka alshaahid dadaalala wasalaamu calaykum waraxma tulaahi wa barakaatu
walaal saciid waad mahadsan tahay sidii aadu tixraacday qaladaadka dhacayo iyo saxaafada sida aad oogu sheegtay aad iyo aad ayaad ugu mahad santahay suxufi waxaa laga sidaada oo kale in uu ahaado ilaaliyo nidaamka suxufinimada iyo xaqiiqda aad sheegaysay webka alshaahid fikirkiina aad iyo aad ayuu u fiican yahay waadna ku mahad santihiin bahda alshaahid sidaa iyo salaan caafimaad qabta ayaan idinku salaamay
walaalkeen siciid aad ayuu u mahadsanyahay waana u hambalyeeynayaa sida uu qoraalkan ooga hadlay mahadsanid kun iyo kow jeer
Waxan maqli jiray Duul culimo Qastaybaan nahay!! midbaa diidan midbaa ogol war bal wax hagaagsan uun noo sheega? murankan wadaadada udhaxeeya waa mid soo jireen ah marka aad eegtana waxa la isku hayaa waxa weeye fikrado Aadame oo dhinaca hab fahanka la xiriira,
Waxad moodaa hanaanka imaamyadii afarta ahaa marka aad eegto iyo dulqaadka ay isku lahaayeen inuu ahaa mid ay ilbaxnimo uga dhadhamaysay Aadamaha waxana ay taasi gaadhsiisay nimankaasi in nin walba dhinac ka toosiyo wakhtigiisa……….
Maanta wadaadada jooga waxa ay liicinayaan wakhtigan yar ee taagta daran ee muslimiinta xili looga fadhiyay inay iyaguna dhinacooda wakhtiga ka toosiyaan waxana aragtidayda ay ilatahay wax inoo hagaagi doonaa inaanu jirin inta aan isku dilayno afkaarta ee mid walba ay tiisu ucadahay! waa in meel dhexe la isugu yimaadaa oo si wanaagsan oo caqliga bashariga udhadhamaysa oo ka dagaysa aan wax meel iskula dhignaa,,,,,,,,,,, hadii muslimiinta loo halaago afkaartii laga soo waryay muslimiintii bacdal nabiga ahayd ee inaga horaysay duruuftoodiina aan dib ugu laabano iyo fahankoodii dhinaca diinta waxa ay noqonaysaa inaan nahay dad si indho la’aan ah wax iskaga daba socda marka waxa dhici karta oo waliba hubaal ah in dadkaasi inaga horeeyay khayr ilaahay hasiiyee ay isugu dhex jireen nooc kasta nin wanaagsan iyo nin xun intaba laga dhex heli karayay hadaba qofka muslimka ahow yaanu wakhtigu kaa lumin inta aad ku mashquulsantahay afkaarahaasi qadiimka waxana inala gudboon inaan cadkeena dunida ka qaadano nafteenana diinta ku dhaqno dabeetana aan ugudubno cidii kale ee aan khayrka ku kaalmayn karno,