Khilaafkii ka dhaxeeyey mudnaan doonayaasha(mudanayaasha) baarlamaanka qarniga, ee “tira badne tayo yare” ayaa ku idlaaday sidii la filayey, ma mid lagu farxaa?, ma mid loo riyaaqaa?, ma mid la muhadaa?, ma la majeedrtaa?, ma mid ……? Ma mid…..?, weydiimuhu badan, warcelintuse yar, wuxuu ku dhammaaday buuq iyo sawaxan, nasiib wanaag gacan ka hadal feer iyo tumburyo meesha kama dhicin, malaha waxay ka baqayeen askarta gaaf wareegaysay ee hareeraha ka joogtay, mayee caqligii ayaa u soo laabtay, oo waxay ku cibra qaateen dhacdadii Kenya, isma oran taase, haddaba maxaa dhacay haddii la isku orriyey?.
Inta aanan u guda galin warcelinta waydiinta, aan wax yar dulmaro xarigjiidka mudnaan doonayaasha, isqabqabsigaan wuxuu salka ku hayey guddoonka baarlamaanka oo xilkii ka dhammaaday, waxaa loo kala saftay sida caadada ahayd laba kooxood, mid garab u noqotay guddoonka oo ah Sh. Aadan Madoobe, iyo koox kale oo olole u gashay sidii xilka looga tuuri lahaa, arinkaan wuxuu qaatay mudda ku dhaw sadax bil iyo hodhodho’(dheeraad), waxa gabi ahaan istaagay kal-fadhiyadii(fara-ku-dirirkii) Mudnaan doonayaasha, malaha waa sida ay rabeen inaan wax kala dhaqaaqine”gish iyo gash la’aan!”.
Khilaafkan uma dhexeyn kaliya qawlaysatada ku urursan baarlamaanka, ee waxaa lug ku yeeshay u qaybsanaha Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya, mudane: Wald Cabdalla, oo xubnaha qaarkood ay ku eedeeyeen inuu hortaagan yahay doorashada loo qabanayo guddoonka baarlamaanka, waa hubaal inay jiraan faragalinno ka imaanaya dadyowga qaarkiis, ama dawladaha qaarkood, sidoo kale waxaa hubaal ahayd in doorashada guddiga baarlamaanka ay u ahayd dawladda imtixaan iyo tijaabo, sabatoo ah waxaa mudda gaaban ka dhiman tahay ku-meel-gaarnimadeeda, taasoo ifafaale ka bixinaysa habka ay ula dhaqanto xilkan waqtigiisu dhacay iyo wadada ay u maryso!.
Madaxweynaha iyo ra’isul wasaarhu midna si cad ugama hadal, mawqif muuqdana kama soo yeeran, iska daa inay cod buuxda ku dhahaan go’aankoodee, taas waxaa loo arkay inay qayb ka yihiin luggooyada ah halla is horfadhiyo iyo waxba yeysan kala socon, maxaa yeelay iyaga ayaa ah madaxda meesha ugu sarraysa, haddana haddii ay munaafaqaddan la hullaabtaan ama la aamusaan maxay noqon kartaa? Ama loo macnayn karaa? Aan ka ahayn inay daraf ka yihiin hareer marka xeerka iyo axdiga dhigan, awalba yaa xeer ilaalin jiray!.
Sadax arin midkood ayuu qofku la aamusaa ama la gaabsadaa:
A: Cabsi: uu is leeyahay armaa waxyeello ku soo gaartaa, haddaad arinkaan ka hadasho, waxyeelladu waxay noqon kartaa: dil qoor goyn ah, dhac hantidiisa lala wareego ama la boobo, ama caburin noqon karta xarig handadaad iyo musaafurin!.
B: Aqoon la’aan: uusanba garanayn waxa socda waxa ay yihiin? Meesha ay ku socdaan? Iyo qaabka ay u socdaan intaba? Qofkani wuxuu la afgaabsaday inuusan waxba ogayn, tan qofku wuu ku iin la’yahay, uma eedaysna muxuu wax u ogaan waayey?, illeen maba u suura galine, loo dhaleecayn maayo muxuu u aamusay illeen maba ogee!.
C: Hagar: wax wuu ogyahay aqoonna u leeyahay, cabsi ma hayso oo uma baqayo naftiisa ama xoolo hadduu leeyahay, wuxuuse la aamusay ama uusan u sheegin xaqiiqda waa hagar, waa nacayb ku jiranaftiisa, qolo gaar ah ha u qabo ama mid lafaha ka gashay ee dhuuxa fadhiisatay ha ahaato, midda ay noqotaba waa nacab aan naxariis lahayn, ujeedku laga yaabee inuu yahay xil ilaalsi iyo xeelad xukun dheeraysi, laga yeebee inay tahay qof xumayntiis ama xaglo daacintiis, laga yaabe inay tahay dadka xabad qaboo xaax kaga sii!.
Sadaxdaa midda ay noqoto tilmaanta mdaxada dawladda ee ka aamustay arintan, waxaa in badan la isla dhexmaray uuna ka dhawaajiyey Sh. Aadan Madoobe, inay jiraan xubno isla rabo jagadaas, walibana horay u soo qabtay, miyaan sir sheegayaa maya, ee waa Shariifka maaliyadda iyo lacagaynta, malaha wuxuu is tusay xilka qaadistii horee lagu sameeyey, markaa ayuu yiri: maanta ayaad adna fursad haysataa ee ka faa’iidayso, isaga oo waliba axdiga kaashanaya, arki doonnee sida xaalku dhammaado, iyo waxa ka suuragala rajadan rogtay hanka wasiirka lacagaynta.
Waxaa xaqiiqo ah in sida arinku yahay aan loo maarayn, qolo walba ay orod aan meelna jirin ku jirto, midse waa hubaal in guddoonka baarlamaanka xilkooda dhammaaday, haddaba waxaa su’aali ka taagan tahay: yaa xil ka qaadista iska leh? Sideese u dhacaysaa? Igama ahan inaan u qiil samaynayo Sh. Aadan Madoobe, balse waxaan soo faagayaa wax aan markii horaba laga baaraan dagin, oo ah sida wax loo xalliyo, ujeedka mar kasta xoogga la saaro waa sidee wax loo qayb sadaa, iyada oo la iska illoobo ama aan la eegin sidee wax loo xalinaa haddii arini dhoco?.
Ma ahan markii u horraysay ee xilka qaadisi dhacdo, waan wada xusuusanna sidii Cali Khaliif Galayr loo riday, waan wada xasuusannaa sidii loo riday Shariif lacag(wasiirka Maaliyadda), waan wada xusuusanna inta mar ee la isku dayey in xil ka qaadis lagu saameeyo Nuurcadde, marka arintaan way soo jirtay xilliga burburka, balse mar walba oo arintan mid la mid ah ay dhacdo, waxaa xigi jiray shirweyne qaran, horaynna waan u saadaaliyee, miyuu dhici doonaa shirweynahaas? Mise arinta kolkaan si kale ayaa loo maaraynayaa? Waan arki doonnaa meesha wax ku idlaadaan!.
Haddaanse u laabto weydiinta aan horay ku soo xusay, buuqii baarlamaanka ka dhex dhacay ka dib, Sh. Aadan Madoobe wuxuu shir jaraa’id ku sheegay in xukuumaddii dhacday, sidaa darteedna looga baahan yahay in madaxweyne Shariif uu soo magacaabo wasiir koobaad kale, isaga oo waliba sheegay in cod loo qaaday xukuumadda, markii horana ballanku sidaa ahaa, waa siduu hadalka u dhigee, balse sheegay in xubno taageera dawladda ay meeshii buuq ka fureen, raaciyeyna: “haddii aan cod loo qadi lahayn xittaa xukumadda inay dhacayso, haddaysan hal sano ku dhaqan galin fedelarka” ma ahan erayadii uu adeeg saday Sheekhu, balse waa micnihii oo kooban.
Go’aanka uu soo saaray Sh. Aadan Madoobe waxaad mooddaa inuu ahaa ka hortagid, mise waxbuu ogaa? Maxaa yeelay wali waxaa socda kalfadhigii baarlamaanka, waxaa dooddu wali ka taagan sharcinimda guddooniye sii ahaantiisa, isna wuxuu ku dhaqaaqay tallaabo uu uga hortagayo waxa ka soo bixi doono kulankaas, waxay u egtahay inuu kaga jeedo haddii la i rido halla wada dhoco, malaha way u caddayd inuusan xilka sii haynayn, inay hiragli doontana wayba u egtahay, marka wuxuu sii abuurayey fadqalallo ku aadan in wax kasta burburaan, in kasta oo Sheekhu yahay xerta Xabashida, balse kolkaan waxaad mooddaa inaan la garab joogin,isna meesha inuu isaga tago way ahayd.
Go’aanka Sh. Aadan Madoobe soo saray ka dib, waxaa isna hadlay Ina Cabdi Rashiid, oo Sh. Aadan Madoobe ku eedeeyey inuu been abuur sameeyey, khiyaano qaranna galay, wuxuu ku celceliyey inay meesha joogeen ciidamada AMISOM, waaba iga su’aale mudanuhu muyuu waayey wax kale o marqaati gala oo aan ka ahayn ciidanka AMISOM? Mse iyaga ayaa ah badbaadiyayaasha iyo been ilaaliyaasha u xilsaan run faagidda? Ma garan waxa uu ugu wardiyey AMISOM, waxay noqotaba la kala tag, horayna waan u sheegay in isqabqasigaani sabab u noqon karo burbur ku yimaada dawladda.
In kasta oo markii hore uu aamuska ugu dadaalay, hadanna markii dambe wuu soo galay sheekada madaxweyne Shariif, wuxuu sheegay inuu soo magacabayo ra’isul waase cusub, waa Aadan Madoobe sida uu rabaye inaan la kala harin ama aan la kala dambayne, midda koowaad in xilka uu waayo Ina Cabdi rashiid, iyo in dhismaha xukuumadda dambe rag isaga ku kacsanaa ay xilal ka waayaan, su’aashu waxay tahay: madaxweyne Shariif xagguu jiray inta xaalku halkaa gaarayey? Malaha wuxuu ku jiray lacag tirin iyo xisaab xir!.
Dhanka kale Sh. Aadan Madoobe waaka markii xeero iyo fandhaal kala dheceen, waan is casilay yiriye, markii hore maxaa ka hortaagnaa inuu iska fududeeyo? Mise waa inta cunaha lagaa qabanayo meesha haka tagin? Maxaa u diiday inuu markii hore iscaliso oo buuqaba yareeyo? Si aanba arintu u daba dheeraan, teeda kale hadda marka uu cafiska waydiisanayo muxuu intaas u hortaagnaa in wax is badalaan waxa ay rabaan ha noqdaan hase ahaadeene, iima dhadhanto siyaasi beeneedka marka uu dadka dhibo luggooyo muddo hortaagnaado dabadeed yiraahdo: halla i cafiyo, waaba yaabe maxaa lagu cafin?, shalay markaad dadka ku amar ku taaglaynaysay maxaadan u xusuusan cafisku inuu fiican yahay?, si aadna manta laguu cafiyo.
Waa meesha ay sartu ka qurun tahaye, Ina Cabdi rashiid wuu ka dhaga adaygay xilka qaadista, wuxuu ku adkaysanayaa in xukuumaddiisu dharci tahay, wallow ay jiraan sharciyaqaanno ku tilmaamay xil ka qaadista Shriif mid aan waafaqsanayn sharciga, waxaase u sacbiyey Wald Cabdalla, haddana arinta meesha ka jirta ayaa waxay tahay: war haddii lagu yiri iska tag, meeshana aysan wax aan dhib ahayn oollin; maxaa la isugu dhajiyaa? Meel dagaal ka dhammaan, meel aan khilaaf ka dhammaan, meel aan waxqabad ka jirin, xilka inta uu yahay wax la taaban karo ma samayn, igama ahan colaad gaar ah oon u qabo isaga, waxba isma dhaamaan dhammantoode, awalba wuu noolaye maantana iska hadaafo?.
Haddaba maadaama ay arini ku dhamaatay in: guddoomoye cusub la soo doorto, iyo in ra’isul wasaare cusub la so magacaabo, su’aashu waxay tahay yey noqon doonaan labadaa masuul? Mid ahaan dawaldda Shariif wax badan uma harin, dhan kasta waxaa ka deggan Alshabaab iyo gafuurraduub, waxay ka talisaa wax aan dhammayn dhawr kilo mitir, Amisom ilaalinteeda ayey magaalada ku joogaan, haddii kale barqo cad ayaa lagala wareegi lahaa barta ay isku qabqabsadaan, haddaba labada masuul ee la filayo ma noqon doonaan hawlkarro? Ma noqon doonaan dad aqoon duragsan u leh maamulka iyo maaraynta? Ma noqon doonaan dad xaalka wax ka badli kara xoog iyo xeelba?.
Waxba yaanan su’aalaha badin, muragada yaanan soo faagin, waxaase hubaal ah in labadaa masuul ay sugayso hawl culus, ayaan darraduse waxay ka jirtaa, marka ay noqdaan habacsanayaal aan xabba qaban karin, marka aysan waxba ka duwanaan kuwo iminka meesha isaga tagaya ee boorsada xirxiranaya, marka aysan xil iska saarin xal u helidda xaaladda ammaanka, marka aysan ka leexan wadooyinka horay loogu halaagmay, marka aysan xisaabta ku darsan inay waqti gaaban haystaan ee magac wanaagsan reebin, marka aysan xoogga saarin xukun hufan oo fufuran, intaas iyo in ka badan waa baqdimaha la qabo ee ku aadan waxa ay ka keeni karaan labada masuul ee la soo xulan doono!.
Dhaka kale balaan dib ugu laabto wax yar khilaafka, haba isqabqabsadaane maxay isku qabsadaan? Ma fadhiga(kursiga) salka ballaaran? Ma magaca loogu yeerayo ee ah gudoomiye ama ra’isul wasaare? Ma mushaarka ay qaataanbaa? Ma shisheeye u shaqaynteed jacayl ay u qabaanbaa? Ma….? Ma ..…, su’aalahu ma dhammanayaan, maxay isqabqabsadaan magac ma lahan maqaam ma laha munaad ma lahane, intaas waxaa u sii dheer dhan walba waxaa ka deggan Alshabab iyo gafuurroduub, malaha meesha u furan waa dhanka samada iyo hawada, iyadana wax ay ugu duulaan ma haystaan.
Ugu dambayn waxaa ayaan darro ah in jiitankii mudada soo soday kaddib, Sh. Aadan Madoobe yiraa: waan iscasilay, yaaba ka baryaya mar hore ayey u ekeed, goor xilka laga xayuubiyey war waxba u tari maayo!, intuu sharafka ku lahaan lahaa isaga ayaa isa soo dhaafiyey, dhanka kale Ina Cabdirashiid isna waxqabad kama tagin, sidaa darteed way ku habbooneyd inuusan ka harin Sheekh Madoobe, waxaa ayaan darro kale ah aamuska Shariifka, isu gayn waxaa isku fuuqsanaya waxa xiga, ragga la soo magacabi doono, sida loo soo xulan doono, kolay afar iyo bar(4.5) waa aas-aas lama taabtaan ahe, waxaa ka sii muhimsan waxtarnimada ay yeelan doonaan iyo inay la mid noqon doonaan kuwan sii qulqulaya, inay ka sii liitaan ayaaba ka sii daran!.
Bashiir M. Xersi







