رتب لخدمات احصائيات و ترتيب المواقع | شبكة الشاهد الإخبارية - احصائيات و ترتيب
Home » Entries posted by Amiin Yuusuf Khasaaro (Page 3)

Deegaanka Gidheys oo Dugsi Hoose Dhexe laga hirgeliyay

Xafalad xariga looga jarayey dugsiga Hoose Dhexe ee deegaanka Gidheys ayaa, lagu qabtay isla magaalada gidheys. Xafladdaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta maamulka Ximan iyo Xeeb oo uu horkacayo Madaxweynaha maamulka mudane Maxamed C/llaahi Aadan “Tiiceey”, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo ururada Bulshada. Madaxweyne Tiicey ayaa xariga ka jaray dugsigaa oo ay hirgelisay hay’adda SSWC, [...]

Silaca Qurbaha iyo Saxariirta Dalka

Qof kasta oo Soomaali ah waxa uu ku haminayaa sidii uu mar ku tagi lahaa dalalka Dibadda dariiq kasta ha u mareen, qaarkood naftooda ayay haligeen markii ay isku dayeen in ay ka gudbaan Saxaro iyo Badweyn, waxaana maalin walba dhegaha dadka ku soo dhacaya dad Soomaali ah oo ay la qalibantay Doomo iyagoo doonaya [...]

Muqdisho: Magaaladii Fashilka

Muqdisho: Magaaladii Fashilka

1991dii markii ay burburtay Dowladdii Milatariga ahayd ee uu hogaaminayey Max’ed Siyaad Barre ayaa waxaa Soomaaliya ka bilowday qalalaase kaas oo saameyn ku yeeshay gebi ahaanba dalka Soomaaliya marka laga reebo gobolo sameystay maamulo gaar ah, hase yeeshee magaalada Muqdisho oo ah hooyada burburka iyo dhibaatada Soomaaliya ayaa noqotay magaalo ay ku fashilmaan wax kasta [...]

Muqdisho iyo Qadad Cagaaran oo hor leh

Iyadoo marba marka ka dambeysa ay sii xumaaneyso Xaaladda Magaalada Muqdisho, kadib markii ay sanooyin ugu dambeeyey hareeyeen dagaalo aan dhamaad laheyn oo xitaa inta badan bulshada Soomaaliyeed ay ka quusteen in uu dhaco wax heshiis ah, balse dadka Soomaaliyeed ayaa inta badan waxay is weydaarsadaaan oo laabtooda ku qaboojiyaan “Naxariista rabi lagama quusto, waxaana [...]

Walaalo is Nacay way Xabaalo badiyaan wayna Xoolo yareeyaan

Maqaalkaan halkaan aan ku soo bandhigi doonohalku dhigiisu , dhab ahaantii waa run haddii ay walaalo isnacaan in ay xabaalo badinayaan ayna xoolo yareynayaan. Aan dib u qooraansano taariikhda markii uu Islaamku ku faafay adduunka uuna xoogeystay ayaa waxa uu gaaray wadamo ku yaala Qaaradda Yurub gaar ahaan Andulus ayna ku jireen Wadamada Spain, Portugal [...]

Shariif: Mar Kasta Ma Qob Moosaa Laguu Dhigayaa!!

Nin odey ah oo si aad ah ula socda xaaladda Soomaaliya ayaan wax ka weydiiyey Madaxweyne Sheekh Shariif oo ay u buuxsantay mudo hal sano ah markii la doortey , waxa uuna hadalkiisii ku bilaabay. “Qiyaasta lagu cabiro rabitaanka Shacabka, Sheekh Shariif haddii aad ku ogeyd 95%, maanta hoos ayay u dhacday qiyaastaasi waxayna mareysaa [...]

Website-yada Qaar Nooc Isbaaro Cusub

Warbaahinta waxaa Aasaas u ah saddex tiir oo kala aha Jaraa’id oo ah akhris iyo Idaacad oo ah dhageysi iyo Tv oo ah Daawasho, mid walibana si gaar ah ayuu u taagan yahay hase yeeshee markii soo ifbaxeen Technologiyadda Casriga ah ayaa saddexaad waxaa isku darsaday Web-Site oo yeeshay qaybihii Akhriska, Dhageysiyga iyo Daawashada.      [...]

Mustaqbal ku Socda Qoys iyo Calan.

Waxaa maalmahan ummadda Soomaaliyeed aad u hareeyey si weyna loo hadal yahay Calanadda kala duwan ee ka soo ifbaxay wadanka Soomaaliya, meelaha dadka isugu yimaadaan ayaa waxaa ka jira guux ku aadan Calanada cusub ee qolo waliba suratay deegaanka ay gacanta ku hayso, dadka qaarkii ayaa leh “War Calankii Soomaaliya ee Buluuga ayaa dhalay Calanada [...]

Puntland: Dulmi Diidow Dulmi Doon ha noqon

Markii la riday Dowladdii Max’ed Siyaad Barre, waxaa Jabhaddii xukunka ka riday Max’ed Siyaad Bilaabeen xiligaasi in ay qabiil qabiil u dagaalamaan taasina waxay keentay in dad aan waxba galabsan la laayo, “Waxaan arkay isaga oo taar ku hadlaya ee waa in la dilaa”, “Waxaan arkay isaga oo madfac hogaaminaya ee ha la dilo”, “Waxaan [...]

Jinnigeygaa Neceb!!

“Naa Walaalay maalmahan kuuma bogin wajigaaga si-si ayuu ila yahay ee maxaa kugu dhacay”, waxay ku jawaabtay “Naa waa runtaa ayaantaan ma fiicni, haddii aan runta kuu sheegana ninkii aan isqabnay ayaan kala tagnay”, Gabadhii kale ayaa inta ay naxday waxay tiri “Ninkii wanaagsanaa ee deeqsiga ahaa , Bashaashka ahaa ee Deriska amaaneyn ee aad [...]

Page 3 of 41234

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone