Ahlusunna: Awood aan Aragti lahayn!
Gadgaddoonka waayaha iyo kala rogodka maalmaha waxaa ka dhasha isbedel farxad leh marna naxdin leh, wixii qabax iyo qori dhacayey dagaalna dabada lahayey ee beel iyo qabiil loo diriray, qabqabluhuna uu ahaa calansidaha aan marna dhicin iyo udub dhexeedka halaagga, yaa is lahaa culimadaa ku lug yeelanaysa cadaabka lagu hayo umadda, “Waqtigaagoo dheeraada Geel dhalaana [...]
Shirka Addis Ababa iyo Shuyuukhda Ahlusunna
Socodka waqtiga iyo socdaalka dadku ugu jira dhisma nololeedka marba meel ayuu la tagaa, isqabadka labadaa waxaa ka dhasha marna is waafaq marna is garab mar iyo kala weecad, marka ay iswaafaqaan waxaa isbiirsada ayaanka waqtigu dhaliyey iyo dadaalka dadka oo keenaya horumar iyo in heego sare la gaaro, haddiise ay kala weecdaan waxaa ka [...]
Alla, Alshabaab maxay gacmaha iiga goyn waayeen?!.
Maanta bal aan ka nasanno siyaasadda iyo sal dhabashadeeda, aan u leexanno dhanka arimaha bulshada iyo dhoofka, inkasta oo ay siyaasaddu saamayn xooggan ku leedahay dhaqanka iyo arimaha bulshda, siyaasaddii wanaagsani ee dal leeyahay waxay ku rogmaysaa bulshada, oo si bilicsan uga soo muuqanaysaa arimaha bulshada iyo hab dhaqankeeda, maanta waxaan eegaynnaa dhoofka iyo dhalandhoolka [...]
Xarig-jiidka Soomaaliya la Degey Diinta ma lagu Xallin karaa?!
Horudhac. Dawlad Beeleed. Dawlad Diimeed. Dawlad Qarameed. Gunaanad. Horudhac: Wax baddan waxaa wax laga qoray wadaadada ku soo dugaala diinta, waxaa la tilmaamay ragga ku qaraabta magaca diinta, ma ahan markii u horraysay ee ay dhacayso arintani, xilliyadii hore Soomaaliya waxaa ka jiray dad sheegta inay yihiin culimo, xirta dhar cadcad Qamiis Cimaamad IWM, waxay [...]
Deeleyda Q: 21aad: Maansada Daleel
Maansada Daleel. Deelleeyda kama harin Dabuubteeda maan dhigin Dacalkaan hayaa wali Dibnahaa ku daakira Diiwaanka qoraniyo Iyo doodda furanbaan Wali sii durkinayaa Dusha sare u rarayaa I daymiya dhagaha’oo Dareenkana isiiyoo I dul qaata gacalkoow. Dadku waxuu xasuustaa Damiirkuna ka giigaa Diirkuna ku ololaa Dulmigii Shaamoow Duhurkii la weeraray Ardadii la duubee Darajada [...]
Sh. Shariif hal Gu’ ka dib ma sii Galbanayaa mise waa soo Gaaxayaa?!.
Hordhac. Sh. Shariif iyo hibaynta badda. Sh. Shariif iyo Argagixisada. Sh. Shariif iyo Ahlusunna. Sh. Shariif iyo Dunida. Sh. Shariif iyo lacagta cusub. Sh. Shariif iyo maamul goboleedyada. Gunaanad. Qormadii hore waxaan uga hadlay lacagta cusub ee dawladda soo daabacanayso, waxaan ku muujiyey dhaliillo muuqda iyo kuwo dahsoon, taageero iyo diidmo wixii laga oran [...]
Lacagta la Daabacayo Xaggee laga Hirgalinayaa?!.
Maalmahan waxaa in badan la hadal hayaa lacago Shilin Soomaali ah oo Dawladda Sh. Shariif ay damacsan tahay inay soo daabacdo, iyada oo lagu soo daabici doono wadanka Sudan oo la siiyey qandaraaska lagac samaynta, waxaa ka dhashay buuq isbarbaryaac iyo kala hadal ka yimid dhanka masuuliyiinta dawladda, haddaba qormadan waxaan ku eegaynnaa lacagtaa waxay [...]
Raafka Kenya iyo Rafaadinta Soomaalida.
Waxaa maalmahaan si xawli ah uga socda wadanka Kenya hawlgal ballaaran oo lagu raafayo Soomaalida ku nool wadankaas, howgalkaan waxaa wada ciidanka polis-ka oo amar buuxa ka haysta wasiirka Amniga qaranka dalka Kenya, waxaana raafkaas lagu qabqabtay in badan 500 oo qof oo Soomaali ah oo isugu jiray diblumaasiyiin(Xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan safaaradda Soomaaliya [...]
Loolanka Soomaaliya oo labaatan gu’ jirsaday!.
Horudhac. Marxaladdii Burburka. Dagaalkii sokeeye. Xarigjiidkii Qabqablayaasha. Marxaladda Wadaadada. Xalka loolanka. Horudhac: Soomaaliya waxay dawlad ahayd soddan sano marka laga soo gu’ tiriyo sanadkii ay xorriyadda qaadatay, sanadahaas waxaa dalka soo maray maamullo kala gadisan Rayid doorasho galay guul dabadedna guddoonka qabtay iyo maamulkii Military-ga ee afgambiga ku qabsaday dalka 21 October 1969, maamulladaasi ma [...]
Calan iyo Calal Madaw kala Caynad Wacan!.
Dal burburay dawlad dhacday iyo umad kala baahday wax walba ka filo, sidii ay meesha uga baxday dawladdii dhexe ee Somaliya waxaa la soo maray xilliyo kala gadisan oo aan la mahdin, billowga bartamaha baal socodka iyo meesha ay ku biya shuban doontaba waa midaan loo riyaaqaynin, sababta waxaan filayaa inay iska caddahay maxaa yeelay [...]