Minneapolis oo la legdameysa burcad Soomaali ah
Magaalada Minneapolis ayaa la legdameysa burcad Soomaali ah oo halkaas ka kacay, ayaa cinwaan looga dhigay warbixin wakaaladda wararka AP ay ka qortay nolosha jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas ku nool, gaar ahaan dhallinyarada Soomaalida oo si isi soo tareysa ugu soo badanaya kooxaha dambiileyaasha ah, gaar ahaan kuwa loo yaqaan gangisrrada. Qoyska Axmed Nuur Cali [...]
Col. Xasan Cali Jaamac “ Waa been eedeynta loo jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha”
Guddi Saraakiil ah oo ka tirsan milateriga dowladda KMG Soomaaliya ayaa oo gebagabeeyay baaritaan la xiriiray qaabkii uu u dhacay iyo ciddii ka dambaysay afduubkii labadii sarkaal ee Faransiiska ahaa ee dhowaan laga afduubtay magaalada Muqdishu Baaritaankan oo ay sameeyeen guddiga habaynta iyo talo bixinta ciidamada qalabka sida oo ka kooban 15-xubnood ayaa intii ay [...]
R/Wasaare Sharmaarke “Waxaan isticmaali doonaa qaabka ugu habboon ee lagu soo dayn karo lahaystayaasha Faransiiska”
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo waraysi siinayay saakay qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ayaa waxa uu sheegay inuu rajo ka qabo inay natiijo fiican ka soo baxaan wada xaajood loogu jiro sii deynta labada muwaadin ee France u dhashay ee gacanta ugu jira xoogagga mucaaradka. Ra’iisul wasaare Sharmaarke wuxuu [...]
Alshabaab oo hay’ado QM ah ku amray inay dalka isaga guuraan
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Siyaasadda iyo arrimaha Gobollada ee ururka Al-Shabaab ayaa lagu dhaliilay dhowr hay’adood oo hoos taga Qaramada Midoobay, kuwaasoo gebi ahaanba ururku uu ka mamnuucay inay ka howl galaan Soomaaliya. War Saxaafadeedkana ayaa lagu xusay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 20 bisha July 2009, uu ururka Alshabaab [...]
Warsidaha Toddobaadlaha ah OCHA Somalia ee Arrimaha Bani’aadamnimada
Warsidaha todobaad laha ee ay soo saarto hay’adda OCHA Somalia, ee ku saabsan arrimaha bani’adamnimada Soomaliya, ayaa lagu xusay cadadkeeda 27-aad ee soo baxay 10-17 bishan July 2009, dhibaatooyinka ka jira dalka, waxayna warbixintu u qornayd sidatan: Isbeddellada Guud ee ugu Waaweyn Toddoaadkan, waaxaha Caafimaadka iyo Biyaha, Fayadhowrka & Nadaafadda ayaa soo saarey qaylodhaan ay [...]
Xildhibaan xilkiisa laga xayuubiyay.
Kulan Guddiga Maaliyadda iyo Hantida Qaranka ee Baarlamaanka uu maanta Kulan Guddiga Maaliyadda iyo Hantida Qaranka ee Baarlamaanka uu maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho ayay xilka uga qaadeen Guddoomiyahoodii mudane Ismaaciil Xasan Jaamac, oo ay ku eedeeyeen xilgudasho la’aan iyo in dhowr jeer oo loo yeeray uu ku imaan waayay muddadii loo qabtay. Fadhigaan oo [...]
Qarax ka dhacay Degmada Dharkeenleey.
Qarax bam ayaa caawa laga maqlay degmada Dharkeynley, gaar ahaan xaafadda Tabakaayo Madow, halkaas oo fariisin u ah ciidamadda dowladda KMG. Qaraxaan ayaa la sheegay inuu ka dhashay bam nooca gacanta laga tuuro ah oo lala beegsaday halka ay ciidamada dowladdu degganaayeen, iyagoo dhinacoodana rasaas furay qaraxa kaddib. Khasaaro horudhac ah oo goobahaas ka soo [...]
Ajaanib kale oo la afduubtay
Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ee ku taal xadka Soomaaliya la leedahay dalka Kenya ayaa sheegaya in dablay Soomaali ah ay xalay saqdii dhexe gudaha magaaladaasi ka soo afduubteen 3 shaqaale ajaanib ah oo u shaqeynayay hay’ad samafal oo laga leeyahay dalka Faransiiska laguna magacaabo ICF. Dablaydaan ayaa xoog ku galay xarunta ay ICF ku [...]
Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo go’aamo soo saaray.
Shir aan rasmi ahayn oo ay isugu yimaadeen xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Nayroobi 9-kii bishan July 2009, ayaa lagu falanqeeyay xaaladda dalku marayo iyo sida ugu habboon ee looga gudbi karo. Kulankaan oo ay ka soo qaybgaleen 38 Xildhibaan ayaa la is tusay xaaladda adage ee uu haatan dalka ku [...]
HOOYO CUDBI: BARAKAC KU DHAMMAADAY XERYAHA QAXOOTIGA KENYA
Hooyo Cudbi waxay leedahay lix caruur ah oo midka ugu weyni 16 sano jir yahay, waxay ku nooleyd magaalada Muqdisho, qoyskeeduna wuxuu ahaa heer dhexaad noloshoodu aanay xumeyn intii aanay dagaaladii ugu danbeeyay ka qarxin Magaalada. Waxan kula kulmay magaalada Nairobi oo ay cagta soo dhigtay toddobaad ka hor kadib barakacyo xiriir ah oo xaafadaha [...]