Dabley xalay ku dishay Baydhabo sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Islamic Relief
Baydhabo (Alshahid)-Dabley bastoolado ku hubaysan ayaa xalay fiidkii bartamaha Baydhabo ku dishay Axmed Maxamed Nuur (Fanax) oo ka tirsanaa Hay’adda Islamic Relief ee xarunteedu tahay dalka Britain. Goob joogayaal ku sugnaa halka lagu dilay marxuum Fanax ayaa sheegay in laba nin ay dilka fuliyeen isla markaana ay goobta ka baxsadeen. Marxuumka ayaa isu duwe u [...]
Majmaca Culimada Soomaaliya oo shaaciyay mudaharaad ka dhan ah Dastuurka cusub
Muqdisho (Alshahid)-Majmaca Culimada Soomaliya aya shaaciyay dibad bax ka dhan ah Dastuurka cusub ee Soomaaliya loo diyaariyay, waxaana uu dibad baxa dhacayaa Jimcaha so socda. Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Dhicisoow oo warbahinta la hadlay ayaa sheegay in Dastuurka cusub uu la mid yahay shirkii 1884 ka dhacay caasimada Jarmalka ee Berlin kazoo lagu [...]
Dood-cilmiyeed looga hadlayay xoojinta Nabada, Ammaankana Caasimada oo Magaalada Muqdisho lagu qabtay
Muqdisho (Alshahid)-Dood-cilmiyeedkan oo ay soo qabanqaabisay UYS oo ah hay’adda Midowga Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa looga hadlay sida lagu xoojin karo nabada loogana wada-shaqeyn karo ammaanka caasimadda, kaasoo ay ka qeyb-galeen boqolaal haween oo ka socday qaybaha ururrada haweenka. Guddoomiyaha degmada Wardhiigley, Deeqo C/qaadir Axmed oo mas’uuliyiinta UYS ka mid ah ayaa hadal ay ku furtay [...]
Ciidamada ammaanka dowladda KMG ah oo sheegay inay ka hortageen weerarro ismiidaamin ah
Muqdisho (Alshahid)-Ciidamada ammaanka ee dowladda KMG ah ayaa sheegay inay ka hortageen weerarro ismaadiin ah oo ka dhici lahaa caasimada Muqdisho. Axmed Cabdullaahi (Axmed Yare) oo ka tirsan saraakiisha ciidamada ammaanka ee Isgoyska Ex-Kontorol Afgooye, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 2 nin oo watay suumanka la isku qarxiya. Axmed Yare ayaa intaa ku daray [...]
Ahlu Sunna iyo Alshabab oo ku dagaalamay gobolka Galguduud
Cabud Waaq (Alshahid)-Xoogaga Ahlu Sunna Waljaamaca iyo kuwa Alshabab ayaa shalay galinkii dambe ku dagaalamay deegaanka Wara-dhuuman leh ee ka tirsan gobolka Galguduud. Dagaalka ayaa bilaabmay kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Alshabab ay jidka u galeen kolonyo Ahlu Sunna ah oo kasoo baxay deegaanka Wabxo. Madaxa Amniga Ahlu Suna ee degmada Ceelbuur Cabdi Xasan Maxamed [...]
Madfac xalay ku dhacay guri ku yaala Muqdisho
Muqdisho (Alshahid)-Shan ruux ayaa ku dhimatay 9 kalana way ku dhaawacmeen madfac xalay ku dhacay guri ku yaala xaafada Zone-K ee degmada Hodan, Muqdisho. Madfaca oo aan la garaneynin goobta laga soo tuuray ayaa ku habsaday guriga xilli ay ku sugnaayeen qoyskii lahaa, waxaana dadka dhintay ay isugu jiraan seddax ruux oo waaweyn iyo laba [...]
Xoogaga Alshabab oo xalay weerarray magaalada Baladweyne
Baladweyne (Alshahid)-Dagaal aad u culus ayaa xalay saqdii dhexe ka bilowday xaafadda Howl wadaag ee magaalada Baladweyne, halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada dowladda KMG ah. Dagaalka ayaa bilowday kaddib markii ay weerar arbushaad ah soo qaadeen Xoogaga Alshabab. Duqeyn xoogan ayaa bar bar socotay dagaalka, waxaana ay madaafiicda loo yaqaano fooriyaha kazoo dhacayeen [...]
Dood Cilmiyeed looga hadlayay Xiriirka ka dhaxeeya Hooyada iyo Gabadheeda oo Muqdisho lagu qabtay
Muqdisho (Alshahid)-Dood-cilmiyeed looga hadlayay xiriirka ka dhaxeeya hooyada iyo gabadheeda ayaa lagu qabtay Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb-galeen in ka badan 150-haween, saraakiil ciidan iyo arday dhigta iskuulladai yo jaamacadaha Muqdisho. Dooddan oo ahayd wajigii labaad ee isla arrintan ku saabsan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay hay’adda wadahadalka bulshada (CCD), waxaana hadallo qiimo leh ka jeediyay [...]
Ahlu Sunna: Cidna noogama qeybgalin shirka ka furmay Muqdisho
Muqdisho (Alshahid)-Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sheegay inaysan cidna uga qeyb galaynin shirka Odoyaasha Dhaqanka ee shalay ka furmay caasimada Muqdisho. Guddoomiyaha Guddiga Talada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Cumar Sheekh Cabdiqaadir ayaa sheegay inaysan weli gudbin magacyada xubnihiin Ahlu Sunna uga qeyb gali lahaa shirka. “Anaga ka Ahlu Sunna ahaan cid aan u dirnay [...]
Xasan Daahir Aways oo ka hadlay shirka Odayaasha Dhaqanka uga furmay Muqdisho
Muqdisho (Alshahid)-Xasan Daahir Aways oo ka tirsan hoggaamiyayaasha Xarakada Alshabab ayaa ka hadlay Odayaasha Dhaqanka ee uu shalay shirka uga furmay caasimada Muqdisho. Isaga oo ka hadlayay deegaannada loo barakacay ee duleedka Muqdisho, ayuu sheegay in Odayaasha ay yihiin kuwa la marin habaabiyay isla markaana lagu danaysanayo. “Odayaasha ujeeddada laga leeyahay waa in laga ansixiyo [...]