رتب لخدمات احصائيات و ترتيب المواقع | شبكة الشاهد الإخبارية - احصائيات و ترتيب
Home » Entries posted by Maxamed Cabdi (Page 341)

Mid kamid ah shaqaalaha wasaarada warfaafinta ee dowladda KMG oo xalay Muqdisho lagu dilay.

Mid kamid ah shaqaalaha wasaarada warfaafinta ee dowladda KMG oo xalay Muqdisho lagu dilay.

Muqdisho (Alshahid)-Mid kamid ah shaqaalaha wasaarada warfaafinta ee dowladda KMG laguna magacaabi jiray Sheekh Nuur Maxamed Abkey ayaa xalay fiidkii lagu dilay degmada wardhiigley ee caasimada Muqdisho. Marxuum Abkey oo sidoo kale ahaa wariye katirsan idaacada ku hadasha afka dowladda KMG ee Radio Muqdisho ayaa waxa ay koox dabley ah oo aanan haybtooda lagaranaynin ka [...]

Dilal dhowr ah oo Bosaso ka dhacay 24kii saac ee tagay.

Dilal dhowr ah oo Bosaso ka dhacay 24kii saac ee tagay.

Bosaso (Alshahid)-24kii saac ee tagay ayaa waxaa gudaha Bosaso ka dhacay 3 dil oo loo geysatay shaqaale katirsan maamul goboleedka Puntland. Dadka la dilay ayaa isugu jira laba sarkaal oo katirsanaa booliska Puntland iyo haweeney gudoomiye xaafadeed ka ahayd xaafada Howl wadaag ee Bosaso. Haweenayda ayaa magaceeda lagu sheegay Xaawo Faahiye, waxaana ay ku sugneed [...]

Xildhibaan Ciro: AMISOM ma ahan ciidamo nabad ilaalin waana inay Soomaaliya isaga baxdaa.

Xildhibaan Ciro: AMISOM ma ahan ciidamo nabad ilaalin waana inay Soomaaliya isaga baxdaa.

Muqdisho (Alshahid)-Xildhibaan Dahir Cabdiqadir Muse (Ciro) oo ah mudane katirsan baarlamaanka KMG ayaa sheegay in ciidamada AMISOM aysan Soomaaliya u joogin nabad ilaalin balse ay waardiyeeyaan sedaxda mas’uul ee ugu sareeya dowladda KMG. Xildhibaanka oo waraysi siiyay idaacada Shabelle ayaa in AMISOM duqaynta ay u geysato goobaha shacabka degan yahay ay tahay mid aanan loo [...]

Rabshado ay dad ku dhaawacmeen oo maanta ka dhacay Burco.

Rabshado ay dad ku dhaawacmeen oo maanta ka dhacay Burco.

Burco (Alshahid)-Ugu yaraan 6 ruux ayaa ku dhaawacmay rabshado maanta ka dhacay xarunta gobolka Togdheer ee Burco kadib markii ay dagaalameen taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye iyo kan talada haya ee UDUB. Rabshadaha ayaa bilowday kadib markii taageerayaasha xisbiga Kulmiye ay soo mareen bartamaha Burco iyagoo raba in ay soo dhaweeyaan wafdi ka imanayay [...]

Ahlu Sunna iyo Galmudug oo ciidamo u diyaarinaya Xaradheere.

Ahlu Sunna iyo Galmudug oo ciidamo u diyaarinaya Xaradheere.

Gaalkacyo (Alshahid)- Ciidamada ururka Ahlu Sunna Waljamaaca eek u sugan gobolka Galguduud ayaa samaynaya dhaq dhaqaac military iyagoo kaashanaya ciidamo kasocda maamul goboleedka Galmudug iyagoo doonaya in ay weerar ku qaadan ciidamada Xisbul Islam ee dhawaan qabsaday degmada Xaradheere. Magaalada Gaalkacyo ee ah xarunta gobolka Mudug ayaa sidoo kale laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ciidan waxaana [...]

Xisbul Islam oo sheegtay in ay la dagaalamayaan Burca badeednimada.

Xisbul Islam oo sheegtay in ay la dagaalamayaan Burca badeednimada.

Muqdisho (Alshahid)-Ururka Xisbul Islam oo Axadii tagtay gacanta ku dhigay degmada Xaradheere oo xarun u ahayd Burcad badeeda ayaa wacad kumaray in ay joojinayaan howlaha Burcad badeeda ayna sii daynayaan dadka ay Burcad badeedu madaxa furashada u haysataan. Xisbul Islam ayaa intaasi ku dartay in ay soo furanayaan hadii ay arkaan maraakiib ama dad ay [...]

Alshabab iyo Ahlu Sunna oo midba sheegay inuu ku adkaaday dagaalkii shalay ilaa xalay Muqdisho ka dhacay.

Alshabab iyo Ahlu Sunna oo midba sheegay inuu ku adkaaday dagaalkii shalay ilaa xalay Muqdisho ka dhacay.

Muqdisho (Alshahid)-Kooxaha Alshabab iyo Ahlu Sunna ayaa midba sheegtay inuu ku adkaaday dagaal shalay galinkii dambe ilaa xalay ka socday degmooyinka Hodan iyo Howl wadaag ee caasimada Muqdisho. Gudoomiyaha Alshabab ee gobolka Banadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo saxaafada Muqdisho ugu waramay khadka telefoonka ayaa sheegay in kooxdiisu ay weerarka qaadeen kadib markii ay ka [...]

Alshabab oo nin gacanta kaga gooyay Baydhabo.

Alshabab oo nin gacanta kaga gooyay Baydhabo.

Baydhabo (Alshahid)- Maamulka Alshabab ee ka arimiya magaalada Baydhabo ayaa xukun gacan gooyn ah ku fuliyay nin dhalinyaro ah kaasi oo lagu soo eedeeyay inuu lacag ka xaday dukaan kuyaala Baydhabo. Ninka gacanta laga gooyay oo lagu magacaabay Xassan Abshir ayaa waxa ay maxkamada Alshabab ee Baydhabo ku xukuntay in meel fagaara ah gacanta looga [...]

Burcad badeeda Soomaaliya oo afduubtay dooni ganacsi oo Yemen ay leedahay.

Burcad badeeda Soomaaliya oo afduubtay dooni ganacsi oo Yemen ay leedahay.

Sanca (Alshahid)-Wasaarada arimaha gudaha ee dalka Yemen ayaa maanta sheegtay in ay Burcad badeeda Soomaaliya ay dhawaan afduubteen dooni ganacsi oo shixnad u siday dekada magaalada Cadan. Warka kasoo baxay wasaarada arimaha gudaha ayaa lagu sheegay in doonida oo lagu magacaabo Al-Ascaa ayna saarna yihiin 9 shaqaale ah ay Burcad badeedu ka afduubteen biyaha Yemen [...]

Xerada qaxootiga ee IFO oo xalay bandow lagu soo rogay.

Xerada qaxootiga ee IFO oo xalay bandow lagu soo rogay.

Garissa (Alshahid)- Waxaa xalay ka dhaqan galay xerada qaxootiga ee IFO oo 95 km u jirta magaalada Garissa, bandow ay ku soo rogeen ciidamada amaanka ee Kenya, kadib markii falal amaan daro ah ay kasoo cusboonaadeen xerada taasi oo hoy u aha kumanaan qaxooti Soomaaliyeed. Xerada IFO oo ku taala gobolka waqooyi bari Kenya ayaa [...]

Widgetized Section

Go to Admin » appearance » Widgets » and move a widget into Advertise Widget Zone