Qurbajoogta K. Africa oo la kulmay Wasiirka Jaaliyadaha Dibadda ee DMQ

Wasiirka Jaaliyadaha dibadda iyo maal gashiga  doowladda Soomaaliya Md Cabdulaahi Axmed Abdule”Azhari” ayaa maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Johannesburg. Waxaana garoonka ku soo dhaweyey Jaaliyada Soomaalida qeeybaheeda kala duwan oo uu horkacayey gudoomiyaha Jaaliyada soomaalida koonfur Afrika Md Abdulxakiim M Haadi.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Jaaliyadda  Soomalida Koonfur Afrika qaabkii aay ugu soo dhaweysay Gadiga Diyaaradaha  isagoo sheegay in uu u yimid wadanka sidii uu u ogaan lahaa xaalada Soomaalida Koonfur Afrika.

Safarka Wasiirka ayaa yimid kadib markii  martiqaad uu ka helay Jaaliyada Soomaalida oo marka magaceed alasoo gaabiyo loo yaqaan SCOB waxaana la filayaa maal maha nagu soo aadan in aay kulan xaasaasi ah yeeshaan madaxda Jaaliyada iyo wasiirka kalana hadli doonto xaaladda murugeeysan ee ay ku jirto Soomaalida wadankani kunool. Arrintaasi mar uu ka hadlayeyna  waxaa uu sheegay gudoomiye ku xigeenka Jaaliyada Soomaalada Md Ismaaciil Cabdale Soomane in hoowlaha loo doortay ay ka mid tahay inay dar yeelaan islamarkaasina ka runsheegaan wax uqabadka Jaaliyadda dhibaateeysan ee Soomaalida sidaasi daraadeed waxaan suura galinay in aanu wasiirkan maanta yimid aanu martiqaadno si aan utusno tukaan tukaan iyo xaafad xaafad si doowladda nooga warqabto hadeeynu nahay Soomaalida ku nooli Koonfur Afrika.

Waxaanu intaasu mudane Ismaaciil ku daray “waad ogtihiin waxaanu nahay tiro aad u badan oo Soomaali ah kuwaasi oo dhib aad u baaxad weeyni uu kuhaayo wadankan si taasi sheeko unoqon waa in aanu madaxda doowladda keenaa oo aan tusnaa.”

Wasiirka Jaaliyadaha dibad joogata ayaa sheegay in uu aad ugaxunyahay tacadiyada loo geeysto Soomaalida islamarkaasina uu kalahadlayo doowladda Koonfur Afrika maruu arinkaais kahadlayeyna waxaa uu yiri, “Anagu hadii aanu nahay doowladda dhibka idin soo gaarayo waanu kadam qaneynaa oo waxaa tihiin shacabka yagii waxaana nasiib daro ah in wadankan oo runtii aanu nahay saaxiib soo jireen ah in la idin ku waxyeeleeyo.”

Si kasta oo ay ahaataba wasiirkani ayaa waxaa uu noqonayaa wasiirkii ugu hool bata imaanshihiisa Koonfur Afrika marka laga hadlayo xagga shaqada sidaa darteed waxaa  hortaala hool aad u agad maxaa yeelay wasiirka Jaaliyadaha waxaa uu masuul ka yahay dibad joogta Soomaalida oo ay kamid tahay Soomaalida kunooli koonfur Afrika waxaana uu wasiirku kusoo hagaagay safarkiisa wakhti wadankan lagu wax yeeleeyay dad Soomaali ah oo aad u tirabadan. Afartan iyo sideedii saac ee nasoo dhaaftay ayaa lagu dilay wadankan labo dhalinyaro ganacsata ah kuwaasi oo dab laqabad siiyey  iyagoo wakhtigaasi ku sugnaa meel ganacsi oo ay ku lahaayeen duleedka magaalda Cape Town.

Abdinaasir Sh Abdikariim “Naarmagale”
Johannesburg
South Africa

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>