Alshahid: Warka iyo Faaqidaaddiisa

Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay afhayeenka madaxtooyada.
Hargeysa (Alshahid)- Madaxweynaha dhawaan loo dhaariyay Somaliland; Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  ayaa wareegto xafiiskiisa kasoo baxday Khamiistii shalay ah  ku magaacabay afhayeenka cusub ee madaxtooyada iyo madaxa golaha wasiirada  ee madaxtooyada.

Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa loo magacaabay afhayeenka madaxtooyada Somaliland halka Xirsi Cali Xaaji Xassan loo magacaabay madaxa golaha wasiirada  (Chief of Cabinet) ee madaxtooyada Somaliland.

Dhinaca kale waxaana maalintii shaley xilkii la wareegay wasiirka cusub ee arimaha dibada Maxamed Cabdullaahi Cumar oo kala wareegay xilka wasiirkii hore ee Cabdullaahi Maxamed Ducaale.

Magacaabista labadan mas’uul ayaa timid kadib markii 27 ka bishan madaxweyne Axmed Siilaanyo uu si rasmi ah ula wareegay xilka madaxweynanimada oo uu ku guuleystay doorashadii 26-ka June.

Dowladda iyo Alshabab oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay Yeed.
Muqdisho (Alshahid)- Dagaal xoog leh oo u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Alshabab ayaa galabnimadii shalay ka dhacay degmada Yeed ee gobolka Bakool kadib markii sida la sheegay in halkaasi weerar ku qaadeen xoogaga Alshabab.

Afhayeenka dhinaca ciidamada u qaabilsan Alshabab; Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab ayaa ka hadlay dagaalkaasi waxa uuna sheegay in ay iyagu weerarka qaadeen ayna gabi ahaanba kula wareegeen gacan ku haynta degmada Yeed.

Abu Muscab ayaa intaasi ku daray in ay khasaaro xoog leh gaarsiiyeen ciidamada dowladda KMG ee halkaasi ku sugnaa ayna ka qabsadeen saanad military oo uu sheegay in ay Ethiopia laga keenay.

Dhinaca kale afhayeen u hadlay ciidamada dowladda KMG ee gobolka Bakool laguna magacaabo Xassan Macalin ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday ciidamadooda ku sugan Yeed balse ay iska caabiyeen ayna khasaaro xoogan gaarsiiyeen kooxdii Alshabab katirsanayd ee weeararka soo qaaday waa sida uu Hadalka u dhigaye.

Si kastaba ha ahaatee, waxaana la hubin khasaaraha uu dagaalkii shalay Yeed ka dhacay uu u geystay labada dhinac ee uu dagaalka dhex maray.

Booliska Burundi oo qabtay nin ay uga shakiyeen Alshababnimo.
Bujumbura (Alshahid)-Booliska caasimada dalka Burundi ee Bujumbura ayaa gacanta ku dhigay Vladimir Splajt, oo ah 53 jir sharci yaqaan ah una dhashay dalka Croatia kadib marki ay uga shakiyeen in uu qaraxyo halkaasi ka gaysan rabay.

Mr. Splajt oo Bujumbura u joogay dalxiis ahaan ayaa la sheegay in laga shakiyay kadib markii uu sawiraan ka qaatay dhismo Kaniisad oo lagu magacaabo; Regina Mundi cathedral kuna taala bartamaha Bujumbura.

Vladimir Splajt ayaa saxaafada u sheegay in uu ka helay quruxda dhismaha kaniisada uuna sidaa darteed u sawirtay.

“Waxay (Booliska) iila dhaqmeen si xool xun, iyaga oo xabsi gaar ah igu hayay saacado badan iina diiday wax cunno iyo cabitaan ah toona.” Ayuu yiri Vladimir Splajt oo uu daal badan ka muuqday.

Booliska ayaa sheegay in ay ka shakiyeen ninkani ayna haatan wadaan baaritaan lagu xaqiijinayo in uu xiriir la leeyahay kooxda Alshabab ee Soomaaliya ka dagaalanta.

Alshabab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxyadii 11kii bishan ka dhacay Kampala halkaasi oo ay ku naf waayeen 74 ruux oo daawanayay ciyaartii finalka ee koobka aduunka.

Tan iyo markii ay dhaceen qaraxyadii Kampala waxaa aad loo adkeeyay amaanka caasimada Burundi ee Bujumbura maadaama ay Alshabab wacad ku mareen in ay qaraxyo la beegsan doonaan.

Burcad badeeda Soomaaliyeed oo sii daayay markab Turkiga laga leeyahay.
Nairobi (Alshahid)-Kooxaha Burcad badeeda Soomaaliya ayaa sii daayay markab xamuul ah oo Turkiga laga lahaa ayna saarneyn 20 shaqoolo ah.

Markabkaani ay sii daayeen kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa waxaa la qabsaday 23-kii bishii March ee sanadkaan xili uu ka soo anbabaxay Wadanka Israel islamarkaana uu ku sii jeeday wadanka Taiwan.

Qof kamid ah milkiilayaasha markabka oo warbaahinta caalamka la hadlay ayaa sheegay in ay bixiyeen lacag madax furasho ah balse ka gaabsaday in uu sheego qiyaasta dhabta ah.

Siideynta markabkaani ayaa waxaa xaqiijiyay ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan Gacanka Cadameed,  kuwaasi oo intaasi ku daray in markabku uu haatan sii wato safarkii ka baaqday markii ay gacanta ku dhigayeen Burcad badeeda.

Madaxweyne Sharif iyo Museveni oo kulmay.
Kampala (Alshahid)-Hogaamiyayaasha dalalka Soomaaliya iyo Uganda ayaa kullan ku qaatay caasimada Kampala iyaga oo kawada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo lagu casuumay xarunta Madaxtooyada Uganda ayaa u gudbiyay dhigiisa Uganda tacsi, isagoo u sheegay inuu ka xun yahay qaraxyadii 11-ka bishan lagu weeraray Kampala, kuwaasoo galaaftay nolosho dad kor u dhaafaya 70-ruux.

Sidoo kale Madaxweyne Shariif waxaa uu kaga mahad celiyay Uganda taageerada had iyo jeer ay dowladdiisa la garab taagan tahay uuna ka rajeynayo in dowladdiisa wax weyn kabadali doonto haddii sida lagu heshiiyay looga dhabeeyo.

Madaxweynaha Uganda; Yuweri Museveni ayaa u sheegay Madaxweyne Shariif in ciidamo dheeraad ah u soo dirayo Soomaaliya si ay u xoojiyaan dowladda KMG iyo si uu uga difaaco qorsheyaasha ay wataan kooxaha mucaaradka ah ee Soomaaliya kusii xoogaysanaya.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Museveni uu u ballan qaaday Sheekh Shariif  in xarumaha dowladda Soomaaliya marnaba in aysan soo gaari doonin kooxda Alshabab isla markaasina dadaal waliba ay arrintaasi ku bixin doonaan.

Jabuuti oo beenisay in ay ciidamo usoo dirayso Soomaaliya.
Muqdisho (Alshahid)-Dowladda Jabuuti ayaa carabka ku adkeysan in waqti xaadirkan aysan diyaar u ahayn in ciidamadeeda ay keento Soomaaliya.

Safiirka Jabuuti u qaabilsan Soomaliya Dhayib Dibad Rooble oo maalmihii tagay ku sugnaa Muqdisho ayaa shir jaraa’id ku sheegay in xiligaan aysan dowladiisa u diyaarsaneyn ciidamo in ay u soo dirto Soomaliya balse ay soo dirayaan tababarayaal ciidan hadii ay dowladda KMG codsato.

Safiirka ayaa been abuur ku tilmaamay warar dhawaanahan la isla dhex marayay oo ahaa in Jabuuti ay ilaa 500 oo nabad ilaaliyaal ah ay Soomaaliya usoo dirayso.

Hadalka safiirka ayaa waxa uu khilaafsan yahay mid uu dhawaan Gudoomiyaha golaha fulinta ee Midowga Afrika; Jean Ping ka jeediyay kullanki ay madaxda Afrika ku lahaayeen Kampala kaasoo ahaa in dowladdaha Guinea iyo Jabuuti ay 2 batalyan Soomaaliya u dirayaan.

Dowladda Jabuuti ayaa kamid ah wadamada safka hore loo yaqaano kuwaasi oo uu golaha amaanka ka mamnuucay in ay ciidamo u diraan Soomaaliya.

Xiisada colaad oo ka taagan gobolka Hiraan.
Baladweyne (Alshahid)-Saan colaadeed ayaa saaka ka taagan deegaano dhowr ah oo hoos taga gobolka Hiraan kadib markii la sheegay in ciidamada dowladda KMG eek u sugnaa deegaanka Kala beyr ee u dhow xadka ay saldhigyadoodii faarujiyeen.

Dadka ku dhaqan deegaanada Bacda, Kala beyr iyo waliba magaalada Baladweyne ayaa waxaa soo wajahay cabsi badan kadib markii ay xalay ciidamadii dowladda KMG eek u sugnaa Kala beyrka ay halkaasi isaga baxeen.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa tilmaamaya in ciidamadaasi ay markii hore u ruqaansadeen dhinaca Baladweyne kadibna ay jehada badasheen iyaga oo aaday dhinacaas iyo deegaanka Feer feer ee gudaha Ethiopia halkaasi oo ay horaan ugu sugnaayeen.

Dhinaca xoogaga Alshabab ee Baladweyne ayaa saaka wada dhaq dhaqaaq ciidan oo xoog leh iyagoona gawaarida dagaalka soo dhex galiyay magaalada Baladweyne.

Lama oga sida ay xaalada deegaanadaasi ku dambeyn doonto iyada oo cabsida ugu weyna ay tahay in ciidamada dowladda KMG ay dagaal soo qaadaan iyaga oo garabsanaya kuwa Ethiopia.

Alshababta Jowhar oo dugsiyo magaca ka badalay.
Jowhar (Alshahid)-Maamulka Alshabab ee degmada Jowhar ayaa magac ka badal ku sameeyay Iskuulo halkaasi ku yaalay kadib markii ay shalay kullan la qaateen maamulayaasha dugsiyadaasi.

Kullanka shalay oo uu shir gudoominayay madaxa Dacwada Alshabab ee degmada Jowhar; Sheekh Usama Caddow ayaa waxaa looga wada hadlay sidii xafiiska Dacwada ee Alshabab uu dugsiyada degmadaasi uu uga heli lahaa waqti ay casharo ku siiyaan ardayda dugsiyadaasi.

Maamulayaasha ayaa ka ogolaaday Alshabab arrintaasi waxaana hada kadib iskuul waliba uu maalintii bixinayaa xiisado ay ardayda barayaan rag katirsan Alshabab.

Sidoo kale Sheekh Usama; madaxa Dacwada Alshabab ee degmada Jowhar ayaa sheegay in ay magac badal ku samaynayaan ilaa 3 dugsi oo kamid ah kuwa Jowhar.

Sedexda Iskuul ayaa kala ah; Dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Kulmis oo loo bixiyay magaca Dugsiga Imaam Shaafici, Dugsiga Buula Barey oo loogu magac daray Mucaad bin Jabal iyo Dugsiga Sheekh Ooyaaye oo haatan loogu yeeri doono Dugsiga Cusman Bin Cafaan.

Alshababta Jowhar ayaa haatan ka hor waxaa sidaas oo kale ay u magac badaleen tuulooyin iyo deegaano hoos yimaado Jowhar.

Alshabab oo beeniyay ku lug lahaanshadii dagaalkii Puntland.
Muqdisho (Alshahid)-Ururka Alshabab ayaa iska fogeeyay ku lug lahaansho ay ku lug lahaayeen dagaalkii dhawaan ciidamo uu hogaamiyo Sheekh Atam ay deegaanka Gal gal kula galeen ciidamada Puntland.

Afhayeenka Alshabab; Sheekh Cali Maxamud Ragge (Cali Dheere) oo shir jaraa’id Muqdisho ugu qabtay saxaafada ayaa sheegay in dagaalka Gal gal uu ahaa mid u dhexeeyo dadka deegaankaasi iyo ciidamada Puntland. Waxa uuna saxaafada uga digay in ay dagaalkaasi la xiriiriyaan Alshabab.

“Dagaalkaasi waxaa uu u dhaxeeyay dadka Muslimiinta ee deegaankaasi  iyo ciidamada PIS-ta taasina micnaheedo mahan in Alshabab dagaalka ay ku jireen, waxaa la rabaa saxaafada in warka ay leedahay ay aad uga fiirsato, waxaan leenahay dagaalkaasi waxaa uu u dhaxeeyay dadka deegaanka oo mudo dhibaato lagu hayay oo haatan ficilo kacdoon ah sameeyay iyo ciidamada Puntland.” Ayuu yiri Cali Dheere.

Afhayeenka Al Shabaab waxaa uu ugu baaqay Shacabka Puntland inay dul qaataan ilaa inta ay ka guuleysanayaan hogaamiyaasha ka dagaalamaya Puntland maadaama sida uu hadalka u dhigey uu dhamaad yahay waqtiga mamulka Puntland oo uu ku tilmaamay in uu dabo dhilif u ah  Ethiopia.

Hadalka afhayeenka ayaa kusoo beegmaya xilli uu habeen hore sheegay hogaamiye diineedka dagaalka kula jira Puntland; Sheekh Atam in uu la mowqif yahay Alshabab.

Dowladda oo sheegtay in ay wada hadal diyaar u tahay.
Muqdisho (Alshahid)-Dowladda  KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in wali albaabadda wada xaajoodka ay u furanyihiin dhinacyada hubaysan ee ka soo horjeeda.

Wasiirka dib u heshiisiinta dowladda KMG; Xusseen Warsame Samatar oo la hadlay qaar kamid ah Idaacadaha Muqdisho  ayaa sheegay in dowladda marar badan ay wahadal ugu baaqday xoogaga ka soo horjeeda wellina dhinacyada hubaysan ay u furanyihiin albaabada wadahadalka.

Waxaa uu intaasi ku daray wasiirku in qorshaha dowladu uu yahay sidii ay wahadal ula gali lahaayeen garabyada siyaasadeed ee ka dagaalama Soomaaliya iyo qof walba oo ah muwaadin Soomaaliyeed si looga baxo dhibaatooyinka ka taagan dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda KMG ay door bidayso in xalka Soomaaliya lagu raadiyo wada xaajood aysana marnaba ku deg deign dagaalka oo uu ku tilmaamay mid lagu qasbayo.

Hadalka wasiirka dib u heshiisiinta ayaa si toos ah uga hor imanaya hadal uu dhawaan sheegay wasiirka gaashaandhiga ee isla dowladda KMG kaasi oo ahaa in dowladda KMG ay dagaal xoog leh ku qaadi doonto xoogaga mucaaradka ayna ka xorayn doonto dalka oo dhami.