
quraanjo dhimatay kaddib markii caleentu sun ku soo daysay
Cilmi baaris cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dhirtu aysan ahayn geedo meel isaga yaala, balse ay yihiin noole caqli leh. Cajiib!!!
Dad badan ayaa la yaaba marka ay akhriyaan aayadda 44-aad ee suratul Iaraa oo uu ilaah ku leeyahay ,
(وَإِنْ مِنْ شَيْءٍ إِلَّا يُسَبِّحُ بِحَمْدِهِ وَلَكِنْ لَا تَفْقَهُونَ تَسْبِيحَهُمْ)
Taas oo macnaheedu yahay “shay ma jiro haddii uu jirana Ilaah ayuu u tasbiixsanayaa, bale ma garanaysaan qaabka ay u tasbiixsanayaan”, dad badan ayaa isweydiiya sida ay dhirtu u hadasho oo ay u tasbiixsaato.
Culimo reer galbeed ah oo muddo ku howlanaa baaritaanko ay ku samyynayeen dhirta ayaa gebgebadii baaritaankooda soo saaray qodobadaan:
1- In dhirtu ay soo saaraan dhawaaqyo: arrintaan waxay timid markii ay culimado ogaadeen in maaddada DNA ee ku jirta dhirta ay samayso dhaqaaw aan la fahmin macnihiisa, balse awood loo yeeshay in la duubo lana qiyaaso, iyadoo la adeegsnayo qalab aad u casri ah, sow lagama yaabo in codkaasi uu yahay midka uu Ilaah inoo sheegay oo ay dhirtu ku tasbiixsanayaan, …waan maqlaynaa…. Laakiinse ma fahmayno… وَلَكِنْ لَا تَفْقَهُونَ تَسْبِيحَهُمْ))
2- In dhirtu ay leeyihiin awood ay naftooda ku difaacaan. Culimo ka socoota dalka Jarmalka oo muddo ku howlanaa baatiraankaan ayaa sheegay in dhirta qaarkeed marka ay cayayaanku soo weeraraaan si ay caleemaheeda u cunaann ay iska difaacaan, iyagoo soo daaya dheecaanka Nikotinka ee sunta ah, taas oo cayayaanka ku kalifa inay cararaan.
3- Tijaabo kale oo ay culimadu sameeyeen ayay ku ogaadeen in dhirta qaarkii marka uu cayayaanku soo weeraro ay soo daayaan dheecaan caraf badan oo soo jiita cayayaano kuwaas ka waaweyn, waa yaab mar haddii ayba dhirtu is difaacayso maxay cayayaano kale ugu yeeranaysaa? Waa su’aal ay markii hore ku wareereen culimadu, balse markii dambe ayay waxay ogaadeen in sababta cayayaankaa weyn loogu yeeray ay tahay inay cunaan kuwa yaryar ee cunaya caleemahooda.
waan garta su’aaal mawaydiinkara web kan ??????????????????????/
somaliduna may dhecaan soo dayaan ay iskaga difacaan ethiopia iyo kuwa reer galbeedka u adeega
many thnks
hadda ayeey o gaadeen reer galbedku laakiin anagu mar hore ayaan ogeey ALLAAH ayaa inoo sheegay