Loading...
You are here:  Home  >  Warar  >  Current Article

Adan Madobe oo is casilay iyo xukuumad cusub oo lasoo dhisayo.

By   /  May 17, 2010  /  No Comments

    Print       Email

Muqdisho (Alshahid)-Madaxweynaha dowladda KMG; Sheekh Sharif Sheekh Axmed iyo gudoomiyihii baarlamaanka; Sheekh Adan Madobe ayaa goor dhow si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtay madaxtooyada villa Soomaaliya halkaasi oo uu isku casilay Sheekh Adan Madobe lagu kala diray xukuumadii uu madaxda ka ahaa Raiisal wasaare Cumar Cabdirashid.

Adan Madobe oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inuu isu casilayo ummada Soomaaliyeed awgeed si buu yiri ay u dhamaato khilaafka ka dhex aloosan baarlamaanka KMG.

Madaxweyne Sharif ayaa dhinaciisa ugu hambalyeeyay Adan Madobe go’aanka uu qaatay isaga oona dadka Soomaaliyeed ka raali galiyay dhibaatidii ka dhex taagneed 2dii maalmood ee tagtay.
Sheekh Sharif ayaa balan qaaday inuu dhawaan soo magacaabayo Raiisal wasaare cusub oo soo dhisa xukuumad tayo leh.
Waxa uu madaxweynaha ku booriyay xubnaha baarlamaanka in ay sida ugu dhaqsaya badan usoo doortaan gudoomiyihii badali lahaa Sheekh Adan Madobe.

    Print       Email
  • Published: 4 years ago on May 17, 2010
  • By:
  • Last Modified: May 17, 2010 @ 1:02 pm
  • Filed Under: Warar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

You might also like...

MAQAAL

Siyaasad ka maqan maanka Siyaasiyiinta Soomaalida!! (Aqriso maqaalkan)

Read More →