Ahlu Sunna oo mamnuucday hubka lagu qaato deegaanada ay kataliso.

Dhuusa mareeb (Alshahid)-Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ee ka arimiya inta badan degmooyinka gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa mamnuucay in wax hub ah lagu dhex qaato magaalooyinka ay kataliso.

Gudoomiyaha fulinta ee Ahlu Sunna Waljamaaca; Sheekh Maxamed Yussuf Xeefow oo shalay galabnimadii meel fagaaro ah kula hadlayay dadka reer Guriceel ayaa sheegay in loo baahanyahay in si dhaqsi ah ay dadka hubka haysta ku diiwaan galiyaan hubkooda si loo ogaado in ay iyaga leeyihiin.

“Waxaan ogeysiinaynaa  dhamaan dadka degan Guriceel in ay soo diiwaan geliyaan hubka ay heystaan, dhawaan waxaa bilaaban doono baaritaan ay sameyn rabaan ciidamada kaasoo lagu ugaarsan doono hubka sharci darada ah, cidii  is diiwaan geli weyso ha ku tala gasho in lagala wareegi doono, waxaa kale oo aan raacinayaa in qorigii  aan hada kadib sharciyeysneyn waxaan u aqoonsan doonaa qori Alshabab” ayuu yiri Sheekh  Xeefow.

Dhinaca kale waxaa isla munaasabadaasi lagu magacaabay taliyaha guud ee ciidamada Ahlu Sunna oo loo magacaabay Cali Cigaal.

“Waxaan rabaa in aan hortiina kaga dhawaaqo taliyaha guud ee ciidamada Ahlu Sunna, waa ninkan Cali Cigaal, waxa uu hada kadib hogaamin doonaa ciidamada, waxaa baryahan jiray amaan dari ka dhacday Guriceel, iyadoo kooxo aan hada ku daba jirno ay bambo ku tuureen gurigeyga laakin cidna wax kuma noqon” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Xeefow.

Sheekh Xeefow ayaa tilmaamay in magacaabistan taliyaha cusub ay ka dambeysay kadib markii is badalo lagu sameeyay hogaanka Ciidamada, waxaana uu cadeeyay in ay xoojin doonaan ammaanka meelaha ay gacanta ku hayaan.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>