Ahlu Sunna oo sheegtay in ay furuno dagaal oo cusub ka furayaan goobaha ay hada gacanta ku hayaan Alshabab iyo Xisbul Islam.

Muqdisho (Alshahid)-Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ee dhawaan heshiiska la saxiixday dowladda KMG ayaa sheegay in ay dhawaan weerari doonaan goobo badan oo ay hada xoog ku leeyihiin Alshabab iyo Xisbul Islam.
Sheekh Cabdullahi Sheekh Cabdiraxman (Abu Yussuf) oo maanta shir jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ay ciidamada Ahlu Sunna haatan wadaan sidii ay u qabsan lahaayeen goobo badan oo hada gacanta ugu jira labada koox ee mucaaradka ku ah dowladda KMG.

Abu Yussuf ayaa ku nuux nuuxsaday in ay dhawaan weerari doonaan goobaha kala ah; degmada Afgoye, ceelasha biyaha, kilometer 13, Suuqa xoolaha iyo deegaano kale.

Ahlu Sunna ayaa kusoo biirtay xoogaga ku loolamaya gacan ku haynta Muqdisho waxaana shalay uu dagaal ku dhex maray Ahlu Sunna oo dhinac ah iyo Alshabab iyo Xisbul Islam oo isku dhinac ah wadada dabka iyo agagaarka suuqa Bakaaraha.
Abu Yussuf ayaa sidoo kale sheegay in ay ku dhawyihiin qabsashada suuqa Bakaaraha halkaasi oo ay ku xoog badan yihiin Alshabab iyo Xisbul islam.
Ahlu Sunna ayaa u muuqata mid badalayso qaabka ay u wajahayso dagaalka ay kula jirto Alshabab iyo Xisbul Islam kadib markii ay dagaalo qaraar kala kulantay deegaano katirsan gobolka Galguduud.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>