عربي - English - Soomaali
Alshabab oo Baladweyne Khaad ku gubay. | Dowladda KMG oo shirkad Caalami ah ku wareejisay maamulka Garoonka iyo Dekkeda Muqdisho. | Somaalida Maraykanka ku dhaqan oo ka cabsi qabta lacag u dirida Soomaaliya. | Xildhibaano ugu baaqay hay’adda UNDP in ay faraha kala baxdo dastuur u samaynta Soomaaliya. | Dhagaxtuur oo loo magacaabay agaasimo wasaarad. | Warsaxaafadeed ku saabsan socdaalkii wafdiga Qaramada Midoobay ee shalay Muqdisho. | Duqayn xoogan oo goor dhow Muqdisho ka bilaabatay. | Uganda oo shaacisay in ciidamo dheeraad ah ay Muqdisho usoo dirayso maalmaha soo socda. | Midowga Europe oo 47 milyan oo Euro u qorsheeyay howl galada AMISOM. |

Ahlu Sunnada Banaadir oo soo dhaweysay go’aankii Madaxda Midowga Afrika ee Kampala.

31 July, 2010

Muqdisho (Alshahid)-Maamulka ururka Ahlu Sunna u qaabilsan gobolka Banaadir ayaa soo dhaweeyay go’ankii dhawaan kasoo baxay madaxda Midowga Afrika kuwaasi oo shir madaxeedkoodii Kampala isku raacay in la kordhiyo ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta Muqdisho u jooga.

Sheekh Maxamed Axmed Shuuriye; madaxa warfaafinta Ahlu Sunna Waljamaac ee gobalka Banaadir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimada Muqdisho ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan ciidamo dheeraad ah oo la keeno dalka Soomaaliya si ay u soo afjaraan dagaallada ay wadaan waxa uu ku tilmaamay kooxaha khawaarijta ee dalka ku soo duulay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sheekh Maxamuud Axmed Shuuriye waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in wax laga badalo sharciga ciidamada AMISOM ee ay kaga howlgalaan gudaha magaalad Muqdisho oo ah nabad ilaalin islamarkaana lagu badalo nabad dhaliyeyaal waa sida uu hadalka u dhigayee.

Dhinaca kale Sheekh Maxamuud Axmed Shuuriye waxaa uu dhaliil u jeediyay xukuumada KMG ee Soomaaliya isagoo ku dhaliilay la shaqeyn la’aanta Ahlu Sunna Waljamaaca oo uu sheegay hadii ay iskaashadaan in ay guulo ka gaari lahaayeen la dagaalanka kooxaha mucaaradka ku ah dowladda KMG iyo ciidamada AMISOM.

Xogta: ALSHAHID
Categories: Muuji, Warar
Tags:

Tacliiq qor

Log in /