Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ee ku taal xadka Soomaaliya la leedahay dalka Kenya ayaa sheegaya in dablay Soomaali ah ay xalay saqdii dhexe gudaha magaaladaasi ka soo afduubteen 3 shaqaale ajaanib ah oo u shaqeynayay hay’ad samafal oo laga leeyahay dalka Faransiiska laguna magacaabo ICF.
Dablaydaan ayaa xoog ku galay xarunta ay ICF ku leedahay magaaladaas, kaddibna si qasab ah ku kaxaystay saddexdaa qof, sida ay xaqiijiyeen dad ka ag dhowaa xafiiska ICF ee magaaladaas.
Warar hor dhac oo soo baxay ayaa sheegaya in dadkaa la afduubtay ay u kala dhasheen dalalka Zimbabwe Pakistaan iyo mid kale oo la sheegay in uu ka soo jeedo wadamada reer galbeedka. Lamana hayo ilaa iyo hadda sababta dablaydaasi ku kaliftay afduubkaas iyo halka ay la aadeen toona.
Nin lagu magacaabo Sh. Cismaan oo ka mida maamulka Alshabaab ee deegaannada xadka ayaa sheegay in warka afduubku uu ka soo gaaray, maamulka Mandheera Kenya, ayna baari doonaan cidda ka dambeysay falkaas. Hay’addan ICF ayaa degmadan Mandheera iyo nawaaxigeeda ka wadday howlo samafal ah oo ay ku quudinaysay carruurta iyo haweenka.
Afduubka dadka ajaanibta ah ee ay ku kacaan kooxaha hubaysan ee Soomaalida ayaa ah kuwo soo kordhaya maalmihii ugu dambeeyay, waxaana gacanta kooxahaasi ku jira dad anaajib ah oo isugu jira samafalayaal iyo weriyeyaal, waxaana ugu dambeeyay afduubkii Muqdisho loogu geystay horaantii todobadkaan labo sarkaal oo u dhashay dalka Faransiis, martina u ahaa Xukuumadda KMG, waxayna hadda ku jiraan gacanta kooxda Alshabaab.