Tayeeglow (Alshahid) – Wararka caawa ka imaanaya degaanka Tyeeglow ayaa sheegaya inuu halkaasi ka qaraxay dagaal u dhexeeya xooggaga Xisbul Islaam iyo Alshabaab.
Sababta dagaalkaan dhalisay ayaan la ogayn, balse dadka deegaanku waxay sheegeen inuu dagaalku bilowday fiidkii caawa, welina la maqlayo rasaasta, inkastoo la moodo inay sii qaboobayso.
Khasaaraha ayaan si cad u soo bixin, waxaase la sheegayaa in ilaa 3 qof oo rayid ah ay ku dhinteen dagaalkaas, waxaana la hayn dhibka soo kala gaaray xooggaga dagaalamay.