Balad-Xaawo (Alshahid) – Ururka Alshabaab ayaa shalay xiray saddex xafiis oo ay lahaayeen ururro haween oo ka howlgeli jiray degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.
Mas’uul u hadlay Alshabaab ayaa sheegay in aanu islaamku u ogolayn haweenka inay xafiisyada aadaan, sidaas darteed ay u go’aansadeen in ay faraan haweenka inay guryahooda joogaan oo ay carruurta koriyaan.
Mas’uulku wuxuu intaa ku daray in deegaanka Balad-Xaawo ay ku dhaqayaan shareecada Islaamka sidaas darteedna ay ka mamnuuceen aflaamta, heesaha, xafladaha aroosyada iyo ciyaaridda kubadda iyo daawashadeeda.
Alshabaab waxay kaloo sheegeen inay xireen shan xafiis oo ay lahaayeen ururro aan dowli ahayn, inakastoo aysan magacaabin.
Alshabaab ayaa bilihii ugu dambeeyay fuliyay ciqaabo isugu jira dil, gacmo iyo lugo goyn iyo karbaashid.