Alshabab oo Baladweyne Khaad ku gubay.

Baladweyne (Alshahid)-Maamulka Alshabab ee magaalada Baladweyne ee gobolka Hiraan ayaa maanta meel fagaaro ah ku gubay jawaano khaad ah oo ay haween si qarsoodi ah ugu iibinayeen xaafado ka tirsan degmadaasi.

Maamulka Alshabab ee Baladweyne ayaa sidoo kale fagaaraha ka sheegay in ay xabsiga u taxaabeen haweenkii khaadka iibinyay oo tiradoodu ay ku sheegeen labaatameeyo.

Alshabab ayaa horay uga mamnuucay iibinta khaadka gudaha magaalooyinka ay xukumaan.

Ma aha markiii ugu horeysay ee ay Alshabab gubaan khaad lagu iibinyay gudaha goob ay maamulaan.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>