Alshabab oo beeniyay ku lug lahaanshadii dagaalkii Puntland.

Muqdisho (Alshahid)-Ururka Alshabab ayaa iska fogeeyay ku lug lahaansho ay ku lug lahaayeen dagaalkii dhawaan ciidamo uu hogaamiyo Sheekh Atam ay deegaanka Gal gal kula galeen ciidamada Puntland.

Afhayeenka Alshabab; Sheekh Cali Maxamud Ragge (Cali Dheere) oo shir jaraa’id Muqdisho ugu qabtay saxaafada ayaa sheegay in dagaalka Gal gal uu ahaa mid u dhexeeyo dadka deegaankaasi iyo ciidamada Puntland. Waxa uuna saxaafada uga digay in ay dagaalkaasi la xiriiriyaan Alshabab.

“Dagaalkaasi waxaa uu u dhaxeeyay dadka Muslimiinta ee deegaankaasi  iyo ciidamada PIS-ta taasina micnaheedo mahan in Alshabab dagaalka ay ku jireen, waxaa la rabaa saxaafada in warka ay leedahay ay aad uga fiirsato, waxaan leenahay dagaalkaasi waxaa uu u dhaxeeyay dadka deegaanka oo mudo dhibaato lagu hayay oo haatan ficilo kacdoon ah sameeyay iyo ciidamada Puntland.” Ayuu yiri Cali Dheere.

Afhayeenka Al Shabaab waxaa uu ugu baaqay Shacabka Puntland inay dul qaataan ilaa inta ay ka guuleysanayaan hogaamiyaasha ka dagaalamaya Puntland maadaama sida uu hadalka u dhigey uu dhamaad yahay waqtiga mamulka Puntland oo uu ku tilmaamay in uu dabo dhilif u ah  Ethiopia.

Hadalka afhayeenka ayaa kusoo beegmaya xilli uu habeen hore sheegay hogaamiye diineedka dagaalka kula jira Puntland; Sheekh Atam in uu la mowqif yahay Alshabab.

Xogta: ALSHAHID

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>