Muqdisho (Alshahid)- Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM iyo ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sheegay in ay hayaan warar sheegaya in ururka Alshabab uu qorshaynayo weeraro ismiidaamin ah oo ay ku qaadaan dekada Muqdisho.
Major Barigye Ba-hoku, afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in ay hayaan macluumaad sheegaya in ay Alshabab qorshaynayso weeraro ay u isticmaasho doonyo iyo gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa in ay ku weerarto dekada Muqdisho.
Sidoo kale afhayeen u hadlay Ahlu Sunna Waljamaaca oo layiraahdo Sheekh Cabdullahi Yussuf ayaa sheegay in ay Alshabab qorshaynayaan in ay isticmaalaan doonyo walxaha qarxa lagu soo raray oo ay la beegsanayaan dekadaha Muqdisho, Bosaaso iyo kuwo ku yaala dalka Yemen.
AMISOM ayaa intaasi ku dartay in ay ka war hayaan in gawaarida loo isticmaali rabo qaxayada lagu diyaarinayo meel kamid ah gobolka Shabellada hoose.
Alshabab ayaa inta badan qaraxyo ismiidaamin ah la beegsato ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG.